Xagge Kasoo Bilowday Dagaalka Gaalkacyo Muxuuse Salka ku Hayaa? (Warbixin sanadkii hore 2015)

Filed under: Important News,Wararka |
Qormadaan waa qorma la diyaariyay sanadkii hore 2015 december
maxaad kala socotaa wejiyada qarsoon ee dagaalka Gaalkacyo?, ma wuxuu u dhaxeeyaa Puntland iyo Gal-mudug?, mise?, xaggeese kasoo billaammay?, yoolkiisu’se muxuu yahay? haddaba qormadaan waxaynu ku faah faahindoonnaa su’aalahaas oo dhan iyo jawaabohooda, ula jeedada aan usoo bandhigaynana ma’ahan inaan dadka isku dirno, balse waxaan ku iftiiminaynaa xaqiiqda, si dawo loogu helo dhibaatada.
                              GAL-MUDUG
tan iyo markii lasoo dhisay Maamulka galmudug waxaa xarun u ahayd magaalada Cadaado, halkaas oo ahayd degmada keliya ee suuragelisay inuu dhismo maamulka Gal-mudug, maadaaba aysan gobollada dhexe ka jirin degmo aan cadaado ahayn oo shir lagu qabankaro ama uu ku shaqaynkaro maamulka Gal-mudug.
Fursaddaasi waxay suuragelisay in degmada cadaado ay noqoto magaalo kor u kacday xag dhisme, dhaqaale iyo bulsho intaba, waxayna leedahay garoon diyaaradeed dhisnaa ka hor maamulka Gal-mudug, islamarkaasna noqday garoonka keliya ee ay isticmaalaan dadka reer Gal-mudug,
horumarka ka taabba galay Cadaado ayaa waxaa ka carooday hogaamiye kooxeed ama walaalkiis dile Cabdi Qaybdiid oo lagu tilmaamo nin cuqdadda uu u qabo beelweynta Majeerteen mid kasii xun u qaba beesha saleemaan Habargidir ee degta magaalada Cadaado iyo guud ahaan foonfurta gobolka Mudug, sida Hobyo, xarardheere iyo dhammaan deegaannada hoosyimaada marka laga reebo xaafadda Baraxlay ee magaalada Gaalkacyo.
Qaybdiid ayaa markuu arkay dhaqaalaha kasoo xaroonaya Garoonka diyaaradaha Cadaado wuxuu isku dayey inuu isbaaro u dhigto, isagoo uga faa’iideysanaya maamulka Gal-mudug maadaaba uu madaxweyne ka yahay Cabdikariin xuseen  Guuleed oo ay isku jufo yihiin islamarkaasna lagu tilmaamo shakhsi ulajeedooyin qurracan ka leh gobolada dhexe, kuna shaqeeya rabitaanka Cabdi qaybdiid,
balse arrinkaas waxaa ku fahmay reer Cadaado kadibna Madaxweynaha Gal-mudug waxay ku amreen inuu si deg deg ah uga guuro Cadaado,  maamulka Galmudugna aysan aqoonsanayn, waxayna ku dhaheen Garoonka inagaa dhisannay Cadaado’na inagaa leh, dhaqaalaha kasoo xarooda  garoonka’na inagaa iska leh ee nagala guur maamulkaada.
walaalkiis dile Cabdi qaybdiid ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey wuxuu ku hawlanaa siduu u xirmi lahaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado, wuxuuna la shiray siyaasiyiin iyo wax garad kasoo jeeda cadaado, isagoo ku qancinaya in duulimaadyada cadadaado loo wareejiyo Gaalkacyo, balse waxaa loogu jawaabay gaalkacyo ma Garoon baad ku leedahay, kan cadaaado’se ma adaa dhistay.
Kelmadda Gaalkacyo ma garoon baad ku leedahay ayaa Cabdi qaybdiid waxay ku noqotay bahdilaad tii ugu xumayd iyo cuqdaddii  uu reer cadaado u qabay oo bannaanka timid, basle ninkeed dhiba ku noqotay isaga keliya, intaas kadib wuxuu ku riyooday inuu wax ku yeesho Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo kamida garoomada Dawladda Puntland, wuxuuna riyadaas ka iibiyey madaxweynaha Gal-mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed .
Qaybdiid oo talo xumadiisu tustay inuu dagaal ku qabsado Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee Puntland ayaa bilaabay inuu abaabulo maleeshiyo beeleedka beesha Sacad Habargidir ee ku sugan xaafadda Baraxley, Qaybdiid wuu ogaa in maleeshiyadiisu aysan awood ku qabsankarin Garoonka Gaalkacyo basle  waxaa u qorshaysnayd  inuu weeciyo ula jeedka dagaalka  oo uu ka dhigo dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Gal-mudug, kadibna uu gurmad ka helo beelaha kale ee maamulka Gal-mudug Ka tirsan.
DAGAALKU MARKUU BILLAAMMAY MAXAA QAYBDIID KU DHACAY?
Dagaalkii Gaalkacyo markii uu billowday ayaa walaalkiis dile Cabdi Qaybdiid wuxuu isku dayey inuu marada u haatiyo beesha Saleemaan Habargidir, wuxuu cadaado iyo caabudwaaq iyo dhuusamareeb u diray koox gurmad doon ah, hase ahaatee waxaa lagu yiri maxaan kuugu gurmannaa oo lagaa dhacay, weliba reer Cadaado waxay ugu jawaabeen si deg deg ah uga baxa cadaado haddii kale?.
Taasi waxay sababtay inuu istaago dagaalkii Gaalkacyo ee ku salaysnaa  riyadii Cabdi Qaybdiid, wuxuuna Qaybdiid Ogaaday in talo xumadiisii iyo cuqdaddii uu u qabay Reer Cadaado uu ka dhaxlay garab iyo gaashaan la’aan, Puntlandna uu kala kulmay dharbaaxo kulul oo ay hantideeda uga difaacatay.
sidoo kale Dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay waxaa isna cashar ka helay madaxweynaha Gal-mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo lagu tilmaamo shakhsi aan aragti dheer lahayn, balse ku shaqeeya aragtida iyo riyada walaalkiis-dile Cabdi Qaybdiid, wuxuuna hadda garwaaqsaday xaqiiqda ka jirta gobolka Mudug iyo in Cadaado ay Gal-mudug ugu jirto kaalinta ay Garoowe Puntland ugu jirto, iyo in jufada uu ka dhashay ee Sacad aysan lahayn deegaan ay ku faanikarto maanta, marka laga reebo xaafadda Baraxley oo iyadana dadkii deganaa ay cadaado u qaxeen.
Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maamulkiisa Gal-mudug waxaa horyaal laba arrimood (1) inuu ka haro riyada iyo talo xumada  walaalkiis-dile Cabdi qaybdiid oo uu faraha kala baxo gobolka Mudug gaar ahaan dhulka ay ka taliso dawladda Puntland, islamarkaasna uu usoo jeesto wixii loo doortay oo ahayd horumarinta iyo nabadaynta deegaannaada Gal-mudug. (2) in maamulka Gal-mudug oo bur buro islamarkaasna Gal-mudug ay noqoto mid jeebkiisa ku jirta oo uusan la dhaafikarin tuulada bandiiradlay,  Talada Cadaado’na  uu dib ula wareego maamulkii awel u dhismaa ee Ximan iyo Xeeb, oo ilaa iyo hadda sidiisii u dhisan.
                               TALO USOO JEEDIN  PUNTLAND.
Madaxda iyo shacabka Puntland waa inay ogaadaan in colaadda Gaalkacyo ay kasoo billaabatay garoonka diyaaradaha ee Cadaado, ayna hurinayaan shakhsiyaad  uu kamid yahay walaalkiis-dile Cabdi Qaybdiid oo ah shakhsi cuqdad iyo talo xumo ku gaboobey, islamarkaasna baadigoob ugu jira garoon diyaaradeed uu dadka ku isbaaraysto, sababtoo ah ma yaqaan si kale oo dhaqaale lagu helo.
W/Q  S.M,M

One Response to Xagge Kasoo Bilowday Dagaalka Gaalkacyo Muxuuse Salka ku Hayaa? (Warbixin sanadkii hore 2015)

  1. Pingback: Xagge Kasoo Bilowday Dagaalka Gaalkacyo Muxuuse Salka ku Hayaa? (Warbixin sanadkii hore 2015) - Daily Somalia Report