Xalka Soomaaliya waa maamul ku dhisan Cadaaladnimo iyo Daacadnimo siduu sheegay 1913 Qoraagii Ingiriiska ahaa F. Elliott (Maqaal kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

cadaalad
Soomaaliya waa dalka kaliya ee Caalamka aynan Dawlad ka hirgallin muddo 27 Sano ah, waxaana loo Badaniyaa in aynan Beesha Caalamku wali Fahmin dhiigga Soomaaligaa ee asalkaa iyo waxa uu ku qancayo.

Qoraagii Ingiriiska ahaa ee 1913 waxka qoray Jubbaland iyo Beelihii Soomaaliyeed ee Xiligaas deganaa ayaa Boqortooyadii Ingiriiska Xiligaas u sharaxay in Ruuxa Soomaaligaa waxa deeqa ee uu ku qancayo ay tahay oo kaliya Cadaalad iyo Daacad, wuxuuna yiri Qoraagu.

Aragti ahaan Ninka Soomaaligaa waa Carab,waliba Carab Qurxoon, ula dhaqan si kalsooni iyo xushmad ku dheehantahay, waa ruux Qalbiwaagsan, Miskaxbadan, doonaya in uu waxbarto dadaalo, waana daacad oo wuxuu sheego waa ka dhab.

Hadaad ku daydid in aad yastid ama qaab cadaalad daro ah ula dhaqanto, aad buu uga xumaanayaa, umana dulqaadanayo, waxayna leedahay khatarteeda, dalkuna nabad noqonmayo haddii Soomaaliga loola dhaqmo sida ay Europeanku ula dhaqmaan dalalka Qaaradda Africa ee ay gumaystaan.

Waa ruux miskaxabdan, ganacsiga aad u yaqaan aadna isugu kalsoon oo iskula wayn.

In appearance the Somali is an Arab, and sometimes a handsome
Arab. Treat him with confidence and consideration, he is cheerl’ul,
intelligent, willing to learn, and true to his code of honesty. ‘l’reat
him harshly or unjustly, he beconies sulky, obstinate, mutinous, and
dangerous. Re is an excellent scout, a wonderful marcher, and very
proud if confidence is shown in him. It would be fatal to the peace of the
country if the Somali should be treated with that contempt which is often
shown to the black races by Europeans.

Halkaan ka akhri Buugga Qormadii Qoraaga Ingiriiska ee 1913

Ciladda Jirta Ingiriisku wuu yaqaanay dhaqanka Soomaalida iyo dhiigooda iyo waxa ay ku qancaan oo cadaalada laakiin Maraykan oo aduunka maanta maamula mala wali ma aannu Baan dhiigga Soomaaliga.

Sidoo kale nimanka Madaxda ka ah maamulada Soomaalida ma aynan baran Ruuxa Soomaaligaa, waana sababtaas sababta muddo yar dabadeed aad arkayso iyagoo dacalada ku dhigan ninkii madaxda noqday, waayo Soomaaligu ku qancimayo maamul aad daacad dadkoo dhan u ahayn, Soomaaliga waxaa ku filan adoo si daacada oo wax qarsoodi lahayn ugu adeega waana maalintaas maalinta aad waxwalba oo xitaa aad uga baahantahay aad ka helaysid, waana maalintaas maalinta aad furaha ruuxa Soomaaligaa helayso oo waxwalba aad si sahala uga dhamaysanayso, laakiin haddaad ku daydid in aad Heedhe Heedhe ku daydid waa fahmayaa waana ka dagaalamayaa, cidwalbaana waa khasaaraysaa, waana sababtaas sababta uu Qoraaggii Ingiriiska ahaa 1913-kii ugu sharaxayay Boqortooyadii Ingiriiska sida ku habboon in Soomaaliga loola dhaqmo

Puntlandobserver Desk

One Response to Xalka Soomaaliya waa maamul ku dhisan Cadaaladnimo iyo Daacadnimo siduu sheegay 1913 Qoraagii Ingiriiska ahaa F. Elliott (Maqaal kooban)

  1. Pingback: Fadeexad: Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda Puntland oo Gaas Ku Amaanaya Lacagtii Dadka Masaakiintaa Magacoodii Lagu Keenay Oo Layiri Lacagta Gaas Baa Puntland Ugu Deeqay Iyadoon La cadayn Halka Laga Keenay(Fallanqayn) | Puntland Observer