Xamareey Ma Nabad Baa?

Filed under: Heeso,Important News,Wararka |

Xamareey Ma Nabad Baa? 

Xayaabkii cir da’ayeey!
Daruur shaalka xayddaay!
Xulad geenyo ugubeey!
Darmaan xoosh u dhalataay!
Xildhibaanka nabaddaay!
Xajkii Geeska Bariyeey!
Cadceeddoo xab bururtaay!
Marna xabag barsheeddii,
Nafta xiisa gelisaay!

Xudduntii dhulkaygaay!
Xaruntii dadkaygaay!
Xamareey ma nabad baa?

Xiddigtii bahdeediyo
Xubnaheeda kala maqan
U ahayd xusuustee
Summaddooda xaynkiyo,
Shanta gees u xidhataay!

Xudduntii dhulkaygaay!
Xaruntii dadkaygaay!
Xamareey ma nabad baa?

Laamaha xorriyaddiyo
Xayn-daabka calankee
Xejinaaya dhalashada
Xididkay ka beermaan,
Xinjir laga waraabshaay!

Xudduntii dhulkaygaay!
Xaruntii dadkaygaay!
Xamareey ma nabad baa?
 

Carra-edeg xanteediyo
Xaska wali dhex-yaalliyo
Xaskulaha in laga guro
Danahooda xigashiyo
Xagal-daac in laga jiro,
Tii loo xil-saaraay!

Xudduntii dhulkaygaay!
Xaruntii dadkaygaay!
Xamareey ma nabad baa?
 

Isticmaarku xeel iyo
Xanaf iyo wax-yeelliyo
Xanan iyo dhibaatiyo
Xadhko miidhan weeyoo
Sida geed xajiin luu
Xagxagtaa korkaagee
Xadantada gumeystaha,
Xaram lagaga maydhaay!

Xudduntii dhulkaygaay!
Xaruntii dadkaygaay!
Xamareey ma nabad baa?

Danta inay xaraashaan
Dembi inay xambaartaan
Ama sharafka xooraan
Isticmaar la xididaan
Ama xeer la yeeshaan
Nimankii ka xila-furay,
Naftu waxay u xilataa
Dhegta xeerinteedee,
Nolol aan xarrago wadan
Nimankii xanuunkiyo
Xabsiyada ka door-biday
Gobannimo xaq weeyee
Inta geesi loo xidhay
Ama xawda laga jaray
Geerida xalaasha ah
Nimankii xantoobsaday,
Halka lagu xormeeyaay!

Xudduntii dhulkaygaay!
Xaruntii dadkaygaay!
Xamareey ma nabad baa?
 

Shinnida Xumbaaliyo
Sida xaydha-weyntii
Nimankay Xawaashiyo
Xaab-qaaddu keentee
Xagga sare ka soo degey,
Dhulka xaabadii tiil
Nimankii xambaartee
Dhirta xaalufka u rogey,
Dunidaan is-ximinnoo
Xasillooni loo yaal
Dadku kala xishoodaan
Nimankii xaduurkiyo
Xadaafiirta geliyee
Inta ay xifaaliyo
Xumo iyo colaad iyo
Xiisadaa ku kiciyeen
Xolad dab ah ku olosheen
Xadhkaheeda kala furay,
Xidid iyo tol wada yaal
Nimankii hub xoog liyo
Xakamaha ku kala raray
Kala xaday walaalaha,
Marwadii xanjeerrayd
Nimankii xabbaadhee
Xawawaray dhasheedii,
Kuwa midabka ximiyee
Xaq lahana addoonsada
Xistigiyo gumeystaha
Birta looga xiiriyo,
Halka lagu xabaalay!

Xudduntii dhulkaygaay!
Xaruntii dadkaygaay!
Xamareey ma nabad baa?
 

Sida xuur wedkeedii
Xan ahaan ku maqashaan
Amba xiisahaagii
Xamareey la dhuubtoo,
Xalay waxan baraarugay;
Iyadoo xiddayseey
Inta xaysku kuu da’ay
Dhulku wada xareed iyo
Xamash iyo ugbaad iyo
Xilli yahay barwaaqoo,
Dayaxaagu xaynkiyo
Xuubkii dillaacshoo
Inta uu xanjaadkiyo
Xagal qudha la soo baxay
Dusha sare xinnaystoo,
Dhallinyaro xariiriyo
Halbo Xuural-caynii
Isa soo xusheenoo
Xeebtaada yaabka leh
Inta ay xaraaraha
Laba laba u xaadheen
Xusullada dhigteenoo
Xeerkii kalgacalkiyo
Lagu jiro xisaaboo
Xantu hoos u socotoon,
Aniguna Xayaad iyo
Xiddigtii jacaylkee
Shanta xaraf mid lagu daray
Xogwaraysanaayoon
Kolba xaadda cududdiyo
Xaradhkiyo garaaraha
Il-badhkeed ku xadayee.

Xudduntii dhulkaygaay!
Xaruntii dadkaygaay!
Maxaad aniga oo xidhan,
Lahashada xanuunka leh,
Ii xusuusinaysaa? 

 

Loox-ereyga: Max’d Ibraahin Warsame ”Hadraawi” – Qansaxdheere, 1973 

Luuqda iyo Laxanka: Sayid Khaliifa 

Laacdantunka: Sheegow Bishaara 

Lagu qaaday: London, 2015