Xasan Culusow Oo Agaasime Ku Xigaanka Madaxtooyada Saadaq Kursiga Aqalka Hoose Ugu Iibiyay 6 Boqol oo Kun Oo Dolar Xili Abaar Loo le’day

Filed under: Important News,Wararka |

shabaab-and-culusow
Madaxwaynaha aduunka ugu Musuqmaasuqa badan, dalkiisana ka dhigay dalka aduunka ugu Musuqmaasuqa badan ayaa wuxuu ku ceeboobay doorashadii cadaado ka dhacday iyo tartankii kursiga jifida beesha Madaxwaynaha ee Wacaysle/Cali Gaaf.

Kadib markii ay shacabka cadaado joogay la socdeen dhadhaqaaqa uu waday agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Saadaq Cabdikariin oo doorashadii ku dhiibay sida la sheegay lacag ku dhaw hal million$, sidaasna kursigii ugu guulaystay.
ceeldheer-map
Dhanka kale Degmada Ceeldheer waa degmada ay beel ahaan degaan beesha wacaysle ee uu Madaxwayne Xasan kasoo jeedo, waxaana degmada xukumay ururka Alshabaab 4tii sano ee uu Madaxwaynaha ahaa Xasan.
Madaxwayne Culusow waligiis 100 kun kuma dhiibin shir kusaabsan wacyigalin la xiriirta sidii beesha wacaysle ay deegaanadooda uga xoraysan lahayeen ururka Alshabaab marka laga reebo hadalo afka baarkiisa ah oo uu xasan culusow ka akhriyo warbaajhinta oo ay usoo qoreen kooxaha ay xulufada yihiin.

Ceeldheer ayaa muqdisho u jirta illaa 280 km sida cabirka maapka Google ka muuqata, waana in u dhiganta inta ay Garacad u jirto Gaalkacyo, iyadoo la ogyahay haddii dhalinyarada deegaanada Gaalkacyo iyo Garacad iyo Godobjiiraan haddii aan la abaabuli lahayn aan waligeed Shabaab laga saareen Garacad.

Dad badan baa iswaydiinaya sababta ay kooxda Damjadiid malaayiinta doolar ugu dhibayaan kuraasta baarlamaanka halka aynan kun dolar ku dhiiban sidoo loo abaabuli lahaaa dhalinyarada degan deegaanada ay shabaabku haystaan.

Waxaa kaloo ay dad badan ka war hayaan sida ay kooxaha damjadiid uga qaybqaateen colaadii Gaalkacyo