Xasan Sheekh Oo Doonaya In Uu Codka Xildhiibaanada Beesha Isaaq Ku Helo Erayga Puntland Waa Laba Gobal iyo Bar (Falanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Odayaashii hore ee ka soo jeeda siyaasiinta beesha Daarood ayaa mar ay la yaabeen niman siyaasiina oo kasoo jeeda beesha Hawiye waxay yiraahdeen eray markii danbe ku soo biiray maahmaahyada Soomaalida eraygaas oo ahaa “HAWIYE TURUB BAREY”.
faroole-chess
Xasan sheekh ayaa si jees jeesa wuxuu u yiri Puntland waxay ka koobantahay 9 Gobol, laakiin markii 18-kii Gobol ee Soomaaliya loo eego waa 2 Gobol iyo bar.

Labada oraahood hadaba ma laba oraahood oo is qabtaa.
Mise la oran karaa waa ka aqoon li’i??.
Xasan sheekh wuxuu ku jiraa dadka fara kutiriskaa ee Soomaalidaa oo waxwalba si qoto dheer u og, xitaa si qoto dheer aynan cidi ka ogayn sidii Soomaaliya nabad lowgu soo dabaali lahaa.
Cid xasan sheekh uga aqoon badan ma joogto muqdisho sida uu bit by bit aqoon ugu leeyahay sida mudo kooban muqdsho loo nabadayn lahaa, Soomaalida dib u heshiisiin lowgu samayn lahaa.
Laakiin laba arrimood midkood buunan xasan arrinkaas u samayn nayn.
1) Midka loo badaniyo waa in uunan Xasan haba yaraatee wax go’aana uunan lahayn ee kaliya isagu uu qolo kale amarka ka qaato oo uu markaas fuliye yahay, waana sida loo badinayo.
2) Waa caadifi oo waxwalba qabyaalad buu u samaynayaa oo wuu isyeelyeelayaa oo dhanka qabyaaladda maadaama uu ka eegayo wuxuu u arkaa in ay reerkooda sidaas iyo fowdada ugu badiyso, xukunkiisana kusii haysan karo.

Hadaba hadaan u soo noqdo dulucda mowduuca.
Xasan wuxuu ku jiraa xiligii doorashada wuxuuna ciyaarayaa turub afar geesooda, oo qoloba meesha ay jecel yihiin buu turubka u dhigayaa.

1) Qolooyinka qabyaaladda ayuu dhanka qabyaalada durbaanka uga tumayaa
oo Matalan marka uu leeyahay Puntland waa laba gobol iyo bar wuxuu signalka u dirayaa beesha Isaaq oo uu leeyahay waa idinla wadaa hawsha oo dhulbahante iyo warsangali deegaanadooda idinkaan idin raacinayaa ee codka idinkuna iigu roonaada.

2) Qolooyinka Madaxtinimada jecelna wuxuu dhagta ugu sheegayaa in uu 2020 iyagana codkiisa siin doono.
3) Qolooyinka lacagta jecelna uu lacagsiin doono.
4) Qolooyinka wasiirada iyo safiirada jecelna uu iyana hagaajin doono.

Sidaa si le’eg Xasan wuxuu wadaa ballanqaadyo dhanka beesha caalamka ah, oo hadda xasan wuxuu garanayaa wadan kasta waxa uu Soomaaliya ka doonayo isagoo u ballanqaadaya.

Si kastaba ha ahaato dad baa u haysta in ay aqoon yari ka tahay hadalka uu Xasan ku leeyahay Puntland waa laba gobol iyo bar 9 Gobol ee ku yaal dastuurka Puntland.

Daawo hadalka Xasan.