Xildhibaan Beesha Reer Sh Isxaaq Oo Raysalwasaaraha Ethiopia La Taliyay: War Farmaajo Waa Nin Daarooda Oo Kililka Shanaad iyo NFD Daarood Baa Dega oo Haddii Reer Shiikh Isxaaq Iyo Daarood Iyo Hawiye Isku Biiraan Waxay Dagaal Ku Qaadayaan Ethiopia (Daawo + Fallanqaynkooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Xildhibaan si daacada saxaafadda uga sheegay heerka ay marayso arragtida siyaasiytiinta Soomaaliyeed.
Xildhibaankan ayaa la talinaya Raysalwasaaraha Ethiopia oo uga sheekaynaya siyaasadda iyo qabiilada Soomaalida.

Xildhibaankan ayaan ogayn in uu Raysalwasaaraha Ethiopia ama ninkasta oo jooga xafiiska Raysalwasaaraha Ethiopia uu 1000 jeer ka badiyo shaxda qabiilada Soomaalida Soomaalida caadigaa iyo siyaasiyoontoodaba.

Wuxuunan xildhibaankan ogayn in ay Ethiopia waxkale iska daaye ay bit by bit ula socdaan waxwalba oo aynan xitaa miskaxdiisu ama kuwa soomaalida odorasi karrin.

Soomaalida ayaa aduunka ka danbeeya 1000 sano, oo dadka waxay u haystaan sida Soomaalida oo kale dad aan waxba ogayn, oo heerkooda fakar uu jooggo heerka ilmaha 6 jirkaa.

Aduunkoo dhan waxaa ka jira siyaasado ficiltan laakiin qofka arragtida dheer oo in ay miskaxdiisu arki karto illaa heer Global ama heer Dunida oo dhan, oo aadan arrag kaliya dadka illaahay isku meesha idinku beeray.

Waxayna dhammaan umadaha caalamka ku nool samaystaan xeer iyo sharci ay ku heshiiyeen oo kala xadeeya hawada faraha badan ee bini-aadan, hawo aduunyada bini aadam mid xad leh ma ahan marka waxa kaliya ee kala xadeeya waa marka nidaam iyo dastuur cadaalada la samayto oo lagu dhaqmo, wixii intaas dheer waa jaantaa rogan.

Dhanka kale waxaa iyana riyoonaya kooxaha uu Farmaajo ka midyahay sida Xildhibaankan Oo Kale waayo halkii ay isku mashquullin lahaayeen in ay soo ceshaan kalsoonida Soomaalida dhexdeeda, ayuu Farmaajo Ethiopia xal ka raadinayaa.

Farmaajo ayaan waligiis bookhan inta badan Gobalada Soomaalida gaar ahaan deegaanaa ay ahayd in laga soo doorto maadaama aynan Soomaali u gudbin hanaankii asxaabta badan, hadana Raysalwasaaraha Ethiopia heshiis kala soo galaya Arrimaha Soomaaliya, waana arrinka uu Xildhibaankan hadda ku kalifaya in uunan waxba reeban.

 

Daawo Riyadii Kooxihii Muqdisho, Farmaajo haddii uu Puntland Bookhdo Taageeradaan Kala Noqonaynaa, Haddii Ay Puntland Ethiopia xiriir Ganacsi La Samayso Farmaajaan U diraynaa oo Leenahay Soo Burburi (Fallanqayn)


4 Responses to Xildhibaan Beesha Reer Sh Isxaaq Oo Raysalwasaaraha Ethiopia La Taliyay: War Farmaajo Waa Nin Daarooda Oo Kililka Shanaad iyo NFD Daarood Baa Dega oo Haddii Reer Shiikh Isxaaq Iyo Daarood Iyo Hawiye Isku Biiraan Waxay Dagaal Ku Qaadayaan Ethiopia (Daawo + Fallanqaynkooban)