Xildhibaan Burhaan Aadan Aw Cabdi: Madaxwayne Gaasow Maamul Xumadii Xukuumadaada 3dii Sano ee Lasoo dhaafay Shacabku Waa Ka Warhayaane Marka Ay Sanadka Iyo Barka Kuu Haray Dhamaato Waxba Ha Isa Soo Sharaxin Ee Halkaa Ka Baxa (Dhegesyo)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Xildhibaan Burhaan Aadan Aw Cabdi oo ka mida Golaha wakiilada baarlamaanka Puntland ayaa ku dhaliilay xukuumadda madaxwayne Gaas maamul xumo baahsan 3dii sano ee lasoo dhaafay.

Xildhibaanka ayaa sheegay dhammaan u jeedooyinka Madaxwayne Gaas uu hadda qaadayo in ay yihiin qaar ku wajahan sidii uu isku soo sharaxi lahaa doorashada soo socota, isla markaana loo baahanyahay in ay hadda shacabka ku qaymeeyaan qofka isa soo sharaxaya maamul wanaaggii uu sameeyay intii uu xukunka hayay.

Madaxwaynaha Puntland ayaa Goobaha fadhikudirirka marka laga fallanqaynayo xukuumaddiisa waxaa la isku raacay in uu kaabayaasha dhaqaalaha waqti badan galiyay waxna ka qabtay, hase yeeshee dhanka maamul wanaagga ayaa aad lowgu dhaliilaa in aannu haba yaraatee waxba ka qaban,

Waxaa kaloo lagu dhaliilaa in aannu dhag jalaq usiin talooyinka shacabka waliba qaarka ay soo tabinayaan dadka arragtida dheer oo waxaa lagu xantaa nin tiisa kaliya socodsiiya.

Waxaa kaloo lagu xantaa in uunan xulan dadka aqoonta durugsan leh.

Isku soo duub Madaxwayne Gaas ayaan ku guulaysan hanaankii asxaabta badan ee uu ballanqaaday.

 

Hoos ka dhagayso dhaliisha uu soo jeediyay Xildhibaan Burhaan Aadan Aw Cabdi.