Xildhibaan Goodax:Mooshinku Soomaali oo dhan buu faa-iido u yahay waayo waxaan tababaraynaa Madaxwaynaha si aannu ugu xadgudbin Dastuurka

Filed under: Important News,Wararka |

Xildhibaan Goodax oo ah afhayeenka Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxwaynaha ayaa maanta siiyay waraysiyo BBC-da ; VOA-da, Somali Cable iyo saxaafadda Soomaalida inteeda badan.

Goodax ayaa si fiican u cadeeyay in Xasan Sheekh jabiyay Dastuurkii, isla markaana uu ku takrifalay awood aannu Dastuurku siinayn, Musuqmaasuq hanti Qaran.

Goodax ayaa sheegay in Mooshinkaan uu guul u yahay Shacabka Soomaalida waayo waxaa cadaanaysa in Madaxwaynaha lala xisaabtami karo.