Xildhibaan katirsan wakiilada Puntland oo maanta muqdisho lagu dilay

Filed under: Wararka |

Koox hubaysan oo aan haybtooda lagaranayn ayaa dil ugu gaystay xildhibaan ka tirsan wakiilada puntland  magaalada muqdisho maanta.

Dilka xildhibaanka ayaan la ogayn waxa salka uu ku hayo , waxaana uu dhacay xilli uu marayay wado ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa ka tacsiyadeeyey geerida xildhibaanka dhintay.
Xildhibaan Aadan Xuseen Xaaji ayaa wakiilada Puntland kasoo galay gobolka Sool.
ilaa iyo hadana lama cadeyn sababta loo dilay xildhibaanka Eebe ha u raxmadee.