Xildhibaan Sanyare iyo Prof Culusow oo Banaanka keenay waxa Khilaafka DFS keenay (Dhegeyso warbixin Muhim ah

Filed under: Wararka |

Xildhibaan Sanyare iyo Prof Culusow ayaa si fiican banaanka u keenay waxa asalkaa ee Khilaafka madaxdaa Keenay

Xildhibaan sanyare ayaa sheegay in Kooxda Madaxwaynaha (Damjadiid) ay markii hore badaleen soona Magacawdeen wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Faarax, Hadaba Wasiirka iyo Kooxda maxay sameeyeen.

1) Wasiirku Wuxuu soo magacaabay Gudiggii Dib u geesita Dastuurka oo wuxuu keennay Baarlamaan waana loo meel mariyay .

2) Hadana Wasiirku wuxuu Baarlamaanka keennay Sharcigii Guddiga Adeegga Garsoorka oo Baarlamaanku meel mariyay , wuxuuna soo dhisay Guddigii Adeegga Garsoorka, Markaas Guddigaas Waa Guddigii dooran lahaa Gudoomiyayaasha Maxkamadda Sare, Markaas kadib Guddigaas waa gudigii dhisi lahaa Maxkamadda Dastuurka, iyo Maxkamaddii sare, labadaas Maxkamadood markay meel ku ugaadaan Tiimka Madaxwaynaha iyo Kooxda Damjadiid.

3) Hadda waxay ku gudajiraan sharcigii Asxaabta, sharciga Asxaabta marka la meel mariyo, Guddiga Doorashooyinkana la meel mariyo, Gobalada iyo Degmooyinkana dadka joogga ay u magacawdaan Tiimkani Gudiyada Asxaabta iyo Gudiyada maxkamadaha ee Gobalada iyo Degmooyinka, isla markaana dadka jooggaa ay noqdaan dad ay soo magacawdeen Dawladda hadda jirtaa iyo Tiimkeedu (Damjadiid), waxaa markaas cad in Barnaamijkii 2016 in uu Banaan iska yaal oo uu banaanka u yaal Tiimka Madaxwaynaha.
Damjadiid Dastuurka
Dhanka Kalena Prof Culusow ayaa arrinkaas eeddiisa dusha ka saaray Baarlamaanka, Prof Culusow wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay soo doorteen Baarlamaan, Baarlamaanka ayaa shacabka matala howshaasna waa howl umadeed ma ahan howl dhawr shakhsi u gaar ah, eedana Baarlamaankaa iska leh.

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/11/Xildhibaan-Sanyare-iyo-Prof-Culusow-oo-sifiican-u-sharaxay-waxa-keenay-Khilaafka-iyo-xalka.mp3]

Ama Moobiilkaaga ka dhegeyso