Xilliga uu Furmayo Kulanka Baarlamaanka oo la shaaciyay

Filed under: Wararka |

Gudoonka Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyey in Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u furmayo 20ka bishan April kadib markii lasoo gebagebeeyey diyaarinta qorshayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u go’aamiyey furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ay noqoto 20ka bishan April oo ku beegmi doonto maalinnimo Isniin ah,laguna qaban doono magaalada Muqdisho.

“Waxaan doonayaa in aan ku wargeliyo dhammaan Xildhibaannada Qaranka in furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka loo asteeyey 20ka bishan April oo ku aadan maalin Isniin ah waxaana laga codsanayaa dhamaan Xildhibaannada Baarlamaanka iney soo xaadiraan munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 6aad oo lagu qaban doono xarunta Golaha Shacabka “ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.