Xog Dagaalka Gaalkacyo Saaka Ka Dhacay

Filed under: Wararka |

Dagaalka saaka subixii hore ka dhacay Suuqa Wayn ee Gaalkacyo ayaa waxaa u sabab ahaa, kadib markii mulkiile reer Puntland ah uu bakhaarkiisa ka kireeyay ganacsade reer Galmuug ah, balse markii danbe ganacsadahii reer Galmudug ee bakhaarku u kiraysnaa loo sheegay in uu bakhaarka baneeyo.

Dabadeedna bakhaarkii laga kireeyay ganacsade reer Puntland ah.
Bakhaarka ayaa ku yaal suuqa ugu wayn Gaalkacyo qaybta Puntland.

Suuqa Gaalkacyo ayaa isku furan oo aynan wax darbiya u dhaxayn Galmudug iyo Puntland oo kaliya waxaa lagu kala gartaa wax layiraahdo khadka cagaaran oo qudhiisu aanan lahayn wax calaamada ah balse ay shacabku yaqaanaan.

Sidaad suuqa u dhex marayso oo dukaanba uu dukaan kuugu dhiibayo ayaa lagu oranayaa hadda waxaad joogtaa dhankii Galmudug ama dhankii Puntland.

Ninkii horey bakhaarka u dagaanaa ayaa la sheegayaa in uu soo weeraray bakhaarka qolyaha cusub ee laga kireeyay.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiayay illaa 3 ruux baa ku geeriyooday dagaalka dad badana waa ku dhaawacmeen.

3 Responses to Xog Dagaalka Gaalkacyo Saaka Ka Dhacay