Xog- Sirta Mooshinkaan Ka Danbaysa Oo La Hellay, Iyo Farmaajo Oo La Rabo In Meesha Laga Saaro, Xidigna Laga Dhigo Gudoomiyaha Baarlamaanka

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Waxa la isku hayaa waxaa weeye.

  1. Sharcigii batroolka ee la ansixiyay 2008-dii oo la rabo meesha in laga saaro, laguna badelo sharci ay soo samaysatay Somgasoil oo  uu Khayre hormuud ka yahay, golaha wasiiradana ka ansixiyay, baarlamanka in la geeyana laga baqay, shirkii Nairoobi lagu qaban lahaa oo shidaalka iyo macdantana lagu qaybsan lahaana uu baaqday, Jawaarina lagu cadaadinayay in uu qol cidla ah ku saxiixo iyadoon baarlamaanka la marrin.
  2. Baddii Soomaaliya oo 2500 Markab oo Jariifa la galliyay oo ay qaybsadeen Madaxda maamul gobaleedyada, Farmaajo Iyo Khayre, baarlamaankana aan illaa hadda la marrin, maamul gobaleedkastana uu cidduu rabo heshiis la galikarro, taas micnaheeduna yahay baddii Soomaaliya Kenya haloo saxiixo, iyadoo la dhinac maray sharcigii badda ee Soomaaliya ee 1982-dii la ansixiyay.
  3. Dalkii oo abaari ku habsatay, iyo xoolihii Soomaaliya oo ay diideen dalalkii khaliijka ee iibsan jirray, waxaana dheer in dalalka khaliijku ay diideen baasaboorka Soomaaligaa in dalalkooda lagu galo, ganacsatadii joogtay dalalkaasna lagu handaday, viisana loo diiday, akoonadoodiina la xirtay iyagana loo sheegay in ay dalka ka baxaan, taasina ay ku khasabtay Soomaalidii in ay qaataan baasaboorada Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya, waxaana dheer in Xoolihii Itoobiya laga iibsado, taasi oo aad moodid cadaadis la saarayo Soomaalida, si looga fushado qorshayaasha laga damacsanyahay, Soomaali badan oo imaaraadka iyo sacuudiga daganayd ayaa hantidoodii la dhacay, dalkana laga saaray, canshuur saa-idana waa lagu soo rogay,  dakadihiii Soomaaliyana har cad ay imaaraadku rabaan in ay la wareegaan, dawladdii la rabbay in ay suuq u raadiso xoolaha Soomaalidana ayba Mooshin ku mashquushay.
  4. Dawladdii lagu dhisay 4.5  2007-dii oo la rabo in la burburiyo, awood qaybsigii Soomaaliyana la isku badelo, oo la doonayo in Raysalwasaare Khayre laga dhigo Madaxwayne, Farmaajana meesha laga saaro, gudoomiyaha baarlamaankana laga dhigo Xidig, Shariif sakiina la doonayo in laga dhigo Raysalwasaare, si loo hello dadkii wareejin lahaa Khayraadka Soomaaliya, oo baarlamaankana fadhiid laga dhigo, oo meesha laga saaro qorshe siyaasadeed dawladeed.

Fiiro gaara ah.

Dadka Soomaaliyeed inta reer hebel iyo reer hebel iska daayaan iyo nin jeclaysi,  khayraadkii illaahay siiyay caruurta Soomaaliyeed in ay niman siyaasiyiina oo waxay dafaan raba ay khayraadkii caruurta Soomaalida caruuro kale u wareejiyaan haka tashadeen.

Qore: Warsame Axmed.

Afeef: Warbixintaas waxaa na soo gaarsiiyay qoraaga, ka p/o ahaan waan daabacnaa wixii xoga ee quseeya Soomaaliya.