XOG: Xil. Cabdishakuur Gaal-Eri Oo Olole Ugu Jira Nin Uu Abti U Yahay Inuu R/wasaare Ka Dhigo {WAA KUMA

Filed under: Important News,Wararka |

cabdishakuur raysalwasaare

Cabdishakuur Cali Mire “Gaal-eri” oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ay isku heyb yihiin Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa olole xoogan ugu jira sidii uu ugu magacaabi lahaa xilka R/wasaaraha Soomaaliya Nin uu abti u yahay oo lagu magacaabo Dr. Cabdinasir Cabdulle.

AKHRISO: Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Shaqsiyaadka Hormuudka Ka Ah Ololaha Doorashadda Musharax Farmaajo?

Dr. Cabdinaasir oo mid ahaa musharaxiintii u tartamay jagada Madaxweynaha ayaa ah dhaqtar dhanka Ilkaha, isaga oo ka yimid dalka Mareykanka, waxaana dhashay gabar lagu magacaabo Xaawo Cali Mire oo la dhalatay Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire.

Cabdishakuur Cali Mire ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii taageerayay Madaxweyne Farmaajo oo Ololihiisa kaalinta muuqata ka cayaaray, waxaa sidoo kale arrintan uu teegeero uga helay Fahad Yaasiin oo ah gacanta midig ee Madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale oo ku dhow Madaxweynaha kuwaasoo ku qalqaalinaya Madaxweynaha inuu R/wasaare ka dhigo Dr. Cabdinaasir.

Sababta keentay in Cabdishakuur Gaal-eri uu u ololeeyo Dr. Cabdinaasir in loo magacaabo jagadan R/wasaaraha ayaa lagu sheegay inay tahay qaraabo-nimada ka sokow inuu doonayo inuu helo R/wasaare ku cusub Siyaasada, si uu ugu adeegsado rabitaankiisa shaqsiyan.

Dr. Cabdinaasir ayaa ah dhaqtar dhanka Ilkaha (Dentist), wuxuuna dalka ka maqnaa in ka badan 30 sano, weligiisna kama shaqeyn Nidaam dowli ah, waxayna dadka Siyaasada falanqeeya sheegeen in aan loo baahneyn in xilligan R/wasaare laga dhigo qof aan weligiis dowlad la shaqeyn, balse loo baahan yahay qof khibrad iyo waaya aragnimo u leh dowladnimada iyo SIYAASADA dalka.

AKHRISO: Buugii Uu Qoray Farmaajo Ee Qabiilada Uu Ku Aflagaadeeyay {Qabyaaladiiste Hogaan Ma Noqon Karaa?}

Haddii ay dhacdo in R/wasaare loo magacaabo shaqsigan uu sida weyn u doonayo Cabdishakuur Gaal-eri ayaa waxaa la saadaalinayaa inuu ku fashilmi doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama uu yahay shaqsi aan karti u laheyn hogaaminta xukuumada dalka samatabixintiisa lana doonayo in Shaqsiyaad ku adeegtaan.

 

Xigasho xogtamedia