Xog:Ciidamada Dawladda SNA Waxaa Ay Beesha Caalamka Siisaa 250 million/Bishii 21 million$, Calaa Askari Bishii 720$, Waxaa Mushaar lagu Qaataa 29000 Askari, Laakiin Waxaa Runa 12000 Askari oo Lasiiyo min 100$, Alshbaab Waa 3000 Oo Ruux (Warbixin Xasaasiya Dr. Felbab-Brown)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Dr. Felbab-Brown ayaa warbixin ka jeedisay hay’adda Brookings institutions.
Dr. Felbab-Brown waxay sheegtay in ay beesha caalamka sanadkii ku bixiso ciidamada dawladda federaalka ee SNA lacag gaaraysa 250 million$ sanadkii, waxayna sheegtay in qaab musuqmaasuqa lagu diinwaangaliyay in ay tirada ciidamada dhanyihiin 2900 oo askari taasi oo ka dhigan in calaa askari lagu qaato sanadkii 8620$ calaa askari ama 720$ bishii calaa askari.

Hase yeeshee bay tiri askarta rasmigaa waa 12000 oo askari oo midkiiba bishii lasiiyo 100$, taasi oo ka dhigan 1,2 million$ bishii ama 14 million sanadkii, taasi oo ka dhigan 250 million$ ee askarta SNA lowgu tala galay in 230 million$ oo kamida la musuq maasuqay.

Ciidamada Amisom ayay Dr. Felbab-Brown ku sheegtay inta la ogyahay 21000 oo askari inkastoo aan kuwa Ethiopia laba sheegin.

Alshabaab ayay ku sheegtay tiradooda qiyaastii 3000 isku dar.
Waxayna sheegtay Dr. Felbab-Brown in siyaasadda Soomaaliya dadka isku hardinaya ay Alshabaab ka tahay wax aad u yar sida 1/60 oo ka dhigan, 0,0016.

Dr. Felbab-Brown waxay sheegtay in dad badan soo jeediyeen in Muqdisho caasimadda laga badelo.

Warbixinta oo ay Puntlandobserver kuusoo koobtay hoos ka daawo