Xog:Maleeshiya Beeleed Uu Watay General Jimcaale Oo Shalay Magaalada Garoowe Ku Dilay Nin Shacaba Oo Makhaaxi Iska Fadhiyay

Filed under: Important News,Wararka |

Maleeshiya Beeleed ka soo jeeda Gobalka Nugaal oo Ka amar qaata hogaamiye kooxeedka Generaal Jimcaale ayaa shalay waxay xabad ku fureen baabuur wadada ka xirmay mar ay Galbinayeen Hogaamiye Kooxeedka Generaal Jimcaale.

Xabaddii ay fureen maleeshiyadaas markii wadadu xirantay ayaa la sheegayaa in ay ku wiiftay oo haleeshay dad shacaba oo uu ka mid ahaa nin ka tirsanaa ciidamada badda Puntlnad oo markaas ku jiray fasax balse ka shaahaynayay makhaaxi.

Warar P/O si hoose usoo gaaray ayaa sheegaya in ninkii ka tirsanaa maleeshiya beeleedkii galbinayay Generaal Jimcaale ay soo qabteen beeshiisu oo hadda la hayo si markaas ay arrinka uga wada xaajoodaan beesha uu kasoo jeedo marxuumka dhintay iyo beesha uu kasoo jeeda ninka ay isna xabaddu ka wiiftay.

Laakiin waxaa eedaas dusha saaranaya Hogaamiye Kooxeedka Generaal Jimcaale oo kibir awgiis xabad iyo isla wayni ku banaysanaya wadooyinkii shacabka.

Shacabka magaalada Garoowe iyo guud ahaan shacabka puntland ayaa aad uga xumaaday dhacdadaas shalay dhacday

2 Responses to Xog:Maleeshiya Beeleed Uu Watay General Jimcaale Oo Shalay Magaalada Garoowe Ku Dilay Nin Shacaba Oo Makhaaxi Iska Fadhiyay

  1. Pingback: Xog:Maleeshiya Beeleed Uu Watay General Jimcaale Oo Shalay Magaalada Garoowe Ku Dilay Nin Shacaba Oo Makhaaxi Iska Fadhiyay - Daily Somalia Report