Yoonis Siciid Cilmi Hoori Oo Sharaxaya Sida Ugu Habboon ee Aminiga Muqdisho Loo Sugi Karro (Qormo Muhim ah)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Security
Waa in lakeenno khuburo baadha haraadigii qarxyadii Muqdisho ka dhacay, si wax looga ogooda noocayaday ukala duwanaayeen.

Ugu horayan waa in sharci lasameeya dhamayas-tiran oo lagu dabakhaayo xeerka amniga guud, gaar ahaan waa in magaalada Muqdisho si gooniya lowgu abuuraa xafiis hoos-tagaaya hay’adaha amniga.

Xafiiskaasoo ah xafiis awood leh, isla markaana ku shaqayanaya date-base network oo leh seerfaro, xafiiskaasii waxuu laamo ku yeelanayaa, 18-ka dagmo iyo kaantaroolada , xarumahasi inta hore waa kuwo si heer sare ah amnigooda loo ad-keeyay,

Dagma kasta ayaa waxaa loosii kala qaybinayaa degmo waaxeedyo, waax kastana waxay ka koobnaan doontaa illaa 100 guri, boqlkaas guri waxa laga qori shaqale tababar lasiiyay oo xogta foomka kasoo buuxinaysa 6-da galabnimo.

Shaqaalaha waxaa ka reebban ama aannay samayan-karrin waa loo sheegayaa 6-da galabnimo wixii ka danbeeya ciddi kadib timaadana waxaa lagu soo sheegi xafiisyada.

Xogta dhalinyardaasi waxay roondo kusamunayan xaafadaha loo xilsaray ayagoo sita aqoonsi gaar ah iyo agab ay shaqadu ubaahantahay .

dhamaan dagma kasta qaabkaas ayaa loo qayabinayaa, dhammaan foomamka waxa lagaynayaa xarunta dagmada, xaruntuna waxay gallinaysaa akhbaarahaas kambayuutarka, waxayna isu dhaafinaysaa xarunta gobolka ,dhaamaan dagmooyinkoo dhan marka saas lagu sameeyo, kaantaroolkiina sidaas oo kale lagu sameeyo, dhamaan meel kasta oo a jiifsado hadday hudheel noqon lahayd iyo meelkaba qorshahaas ayaa lagu khasbayaa in lagu shaqeeyo.

waa in markasta xogta iyo akhbaaraha la is dhaafsadaa, isla markaana gurigii lagu qabto dad ka tira-baddan, dadkii ay soo gudbiyeen oo ay xarunta usoo gudbiyeen waa in xarig iyo ganaax la dul dhigaa.

Mar mar ayaa kaanbayn laqaadayaa oo marba xaafad baa la-fatashayaa , oo 1O-ka habeennimo ciddii lahello iyagoo soconaya billaa amar waa la-xirayaa, si sharcigan u adkaado hudheelkastaa hasamaysto labo isbaaro, isbaarooyinkaas waxa dhex galaya foostooyin shuba, toosna loo galimayo waa la leex leexinaya gidaarka hudheelada iyo dhamaan guist house waxaa laga hoos dhisayaa, dayr shuba oo balac labo mitira, dhererna ah hal mitir, waxaana jiraya baryaha hore in xayndaab loo kala samynaayo kuwa wax usoodoonta oosi adag loobaarayo, hudheeelka iyo dadka madaxda ah ee dagaan.

Xayn dabkaasna askar waa in ay joogtaa, waxaa dhammaan huteelada dibadooda lagu xiryaa qalab aan suuragallinayn in qarax network ah ama tilifoon labtob ah ama electroonica qarxo wata, ayuu qalabkaasi sheegayaa walxihii qarxayay oo dhawaaqayaa, hay’addaha-ammaankuna sidooday uwadanyaan shaqadooda.

Marka hore waa in uu jiraa, xeer amni oo laga ansaxaiyay haayadaha amniga iyo sharci dajinta ,

La soco qaybta 2aad.
Si koobban waxaa u diyaarriyay
Khabiir amni: Yoonis Siciid Cilmi Hoori
Somaliland.