1000 nin ee Reer Cali Gari Ee Qabaal Kow Isaga Siiyay Kasi Waaye Wuxu Waa Qabaal Waadna kabataane Ragow Kibirka Waa Lagu Kufaa Ee kaa Ha La Ogaado (Gabay Gaalkacyo Ku Socda)

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa magaalada gaalkacyo ka socda dagaalo ku salaysan kibir, balse suura gallin kara in ay bilow u noqdaan dagaal lamida kii sokeeye ee 27-ka sano socday, oo sanadkuu dhacayay waxyar ka hor haddii Siyaad Barre xukunka wareejinlahaa la badbaadin karay, ama qoladii xukunka qabsadatay hadday xal keeni lahaayeen.

Hadaba qisadan bal aan dib u eegno.

Waa xili illaahay barwaaqo iyo rag farabadan ku manaystay beesha Cali Gari ee dhulbahante, waxaana dhacday in nin aanan hadda magaciisa xasuusan uu oo illaahay Geel iyo wiilal farabadan ku manaystay uu yiri wiil uu dhalay geela soo waraabi.

Dabadeedna markii uu wiilkii geeliisii waraabsaday uu wiil ay qaraabi yihiin uu ku yiri war qabaalka aad geela ku waraabsatay idaymi aan geela ku waraabsadee.

Dabadeedna uu wiilkii diiday oo yiri kuma siinayo.
Wiilkii qabaalka loo diiday baa Qabaalkii jabiyay.

Yarkii baa aabihii ku yiri aabe Qabaalkayagii ina hebel baa jabiyay (Hadda magacyadii ma xasusto)
Odaygii wiilka dhalay baa yarkiisii canaantay oo yiri see u dhacdaa in inan facaa ahi jabiyaa Qabaalkaaga.
Dabadeedna wuxuu soo dilay wiilkii qabaalka ka jabiyay.

Aabihii buu ku soo noqday oo u sheegay in uu soo dilay wiilkii qabaalka ka jabiyay.
Wiilkii aabihii wuxuu ku yiri saas maxaa kuu diiday see loo jabiyaa qabaalkaaga.

Wiilkii la dilay ayaa reerkoodii waxay yiraahdeen maadaama wiilkaagu dilay wiilkeenii nasii diyadii.
Wuxuu ku jawaabay diyana dhiibi mayno.

maadaama ay isku jifo hoose oo Beesha Cali gari dhulbahante ay isla ahaayeen.
Aanadii qabiil waxay isaga dileen 1000 nin oo jifada hoose ee isku wada ilma adeerkaa.
Odaygii wiilkiisa ku yiri soo dil ninka qabaalka kaa jabiyay, baa waxaa aakhirkii waran la dul istaagay mid iska doqon ahaa oo aannu isla hayn kan baa waligaa ku hawaysan doona.
Markaa suu ku yiri maxaad hadala oo waano ah oo aad ka tagaysaa nafta waa kaa qaadayaaye.
Wuxuu ugu jawaabay odaygii ” maanta oo aanan taag lahayn talaan hayaa” Shalay oo aan taag tabar hayay talaanan Hayn.
Markaasuu doqonkii waran rubadda ka galiyay oo ku yiri taladaadii xumayd ee shalay wataaas.

Ismaaciil miraa mardanbe ka gabyay oo yiri

1000 nin ee Reer Cali Geree ee qabaal kow iskaga siiyey
Kasi waaye wuxu qabaal waana kabataane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

gabayga oo dhamaystiran.
Allaha u naxariistee Ismaaciil Mire oo ka mid ahaan jiray darwiishtii
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan hogaamiyaha u ahaa ee in badan gumeystihii
Ingiriiska dacarta u qooshtay ayaa sida la sheegay waxaa u yeeray Aaden
Carab “Carab Dheere” oo ahaa saajin Ingiriis, kana codsaday abwaanku in
uu ka gabyo xaflad markaasi taagnayd, markaa Ismaaciil wuxuu yiri:

Inkastoo kalaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo
Bad kalluun ku jira kay ku tahay ama se kooob shaaha
Kulligood addoomaha rabow qaybshey kibistiiye
Nin waliba wxii loo katibay waa la kulansiine
Nina inaanu soo korodhsanayn kaa ha la ogaado

kufri iyo Islaan loo collow kaysihii hore e
Kaakici wadaadkii jahaad laguna kaalmeeye
Kumanyaal lag wada duub cad buu keenay Beerdhiga e
waxse kadabkii go’ay waa markuu kadday raggiisiiye
Kabaalkiina wuxuu jabay markii kariyey reer khayre
Ragow kibirka waa lgu kufaaa kaa ha la ogaado

Annaa dunida keligay le buu koofil eersaday
Kashiisaba ma gelin wiil yar baa keebka kuu qabane
Raggow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaysaha adduun Ina Ammaan kama qaraacayne
Ragba kenoo geli buu is yidhi waw koraysaaye
Isba kii Asraa’iil ma hadin kamana yaabayne
Raggow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Ninka koob nimca fiiqsadee kadin irmaan maalay
In karruurka uu qubo horay kaafka ugu tiile
Kuligoodba Reer Hagar anaa kiinahaa dilaye
Kama’a Sugule maantii sidii kuray Carruureede
Ficil baa kacshay naagta waa kala fogaayeen
Raggow kubirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kuwii Muxumud Waal raray hadduu saanta uga kaadsho
kulcad uma diloon oo ciyoon koor ma geliyeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Afxakame karkabaddii u ay kulaykiiye
ka danbee Caluu yidhi intuu Kaaha guursadaye
Kii kalena kaal weyn u tumay karina waabeeye
Kalluun shebeg u yaal buu ahaa kicinna shaydaan
Raggow kibirka waa lgu kufaa kaa ha la ogaado

Kelyo caana galeen baa ninkii kiciyey dheeraaye
Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhey iyo karuur kala macaanaaye
misna kala kharaaraa dhunkaal kulankii goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Amuuraha ma kaadsado ninkay kedo shidaysaaye
Kalaamkuu lahaa Ina Galaydh kahay gadaalkiiye
kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuludiiye
Baalacal kelyaha kuma jareen kii uu quudhsaday
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Lixda koos ee Reer Cali Geree kow iskaga siiyey
Kasi waaye wuxu qabaal waana kabataane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Nin kuwaa ka dhigan baan arkaa oon kadab u laabnayne
Karraysaha intuu buuxsaday oo kaman wan weyn yeeshay
yuu nimna karraamiyo colba le kiish ka buuxsadaye
Ka shib dhaha islaamow naftii kii ladnaa gadaye

2 Responses to 1000 nin ee Reer Cali Gari Ee Qabaal Kow Isaga Siiyay Kasi Waaye Wuxu Waa Qabaal Waadna kabataane Ragow Kibirka Waa Lagu Kufaa Ee kaa Ha La Ogaado (Gabay Gaalkacyo Ku Socda)

  1. Pingback: 1000 nin ee Reer Cali Gari Ee Qabaal Kow Isaga Siiyay Kasi Waaye Wuxu Waa Qabaal Waadna kabataane Ragow Kibirka Waa Lagu Kufaa Ee kaa Ha La Ogaado (Gabay Gaalkacyo Ku Socda) - Daily Somalia Report

  2. Pingback: Dagaalada Gaalkacyo Oo Aynan Ka Qaybqaadan Maleeshiya Beeleedyada ama Mary- Calasta | Puntland Observer