Dagaalada Gaalkacyo Oo Aynan Ka Qaybqaadan Maleeshiya Beeleedyada ama Mary- Calasta

Filed under: Important News,Wararka |

Dagaaladii lagu riiqmay ee maalmahaan ka socday Gaalkacyo ayaan waxaan ka qayb-qaadan maleeshiya beeleedyada ka amarqaata oday dhaqeemeedka, balse waxaa jiida hore is horfadhiyay waxay ahaayeen ciidamada Maamul-Gobaleedka Puntland iyo kuwa Galmudug.

Dhanka Puntland ayaan wali waxaan dagaalka gallin maleeshiya beeleedka inta badan laga keeno deegaanada miyiga oo hab qabiil lagu soo abaabulo.

Marka laga reebo maleeshiya beeleedyo markii danbe sidooda lagu qarameeyay oo mushaari looga dhigay, laakiin wali ku hawl gala hubkii beeshooda.

Inkastoo ciidamka dawaawiishta ee dagaalka Gaalkacyo ka qaynqaatay ay ahaayeen 90% kuwa isla reer Gaalkacyo ee Puntland, isla markaana khasaarihii dhaawaca iyo dhimashada ayba 90% ahaateen ciidamda daraawiishta ee Gaalkacyo Puntland –> dhanka Puntland

Dagaalada ugu kharaar ayaa waxaa gala maleeshiya beeleedka waana kuwa kharaar oo aan waxba la xeerin, laakiin dagaaladii lagu riiqmay ee maalmahaan Gaalkacyo ka socday ayaa waxaa ka qayb qaadanayey ciidamada daraawiishta ee Puntland oo ku hawl galayey amar dawlo iyo kuwa Galmudug.

Maalintii shalay dhalinyarada ku nafwaayay dagaaladaas ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 100 labada dhanba.

Waa dhalinyara soomaaliyeed oo caqli xumo awgeed loo laayay, illaahay ummadda wanaagga iyo khayrka ha tuso.

Waa kugu dhimay, kaa dhimay, waa wiil yara oo Soomaaliya oo halkii la rabay in horumarkiisa iyo wanaagiisa laga shaqeeyo meel aan munaasab ahayn naftiisii lagu halligay.

Akhri qormadaan hoose ee aan reer Gaalkacyo usoo bandhignay intaynan waxaan oo wiilala ka dhiman qaarna ka dhaawacmin.

1000 nin ee Reer Cali Gari Ee Qabaal Kow Isaga Siiyay Kasi Waaye Wuxu Waa Qabaal Waadna kabataane Ragow Kibirka Waa Lagu Kufaa Ee kaa Ha La Ogaado (Gabay Gaalkacyo Ku Socda)

4 Responses to Dagaalada Gaalkacyo Oo Aynan Ka Qaybqaadan Maleeshiya Beeleedyada ama Mary- Calasta

  1. Pingback: Dagaalada Gaalkacyo Oo Aynan Ka Qaybqaadan Maleeshiya Beeleedyada ama Mary- Calasta - Daily Somalia Report