Dhagayso: Barre Hiiraale waraysi siiyay Voa, nabadna diiday (warbixin kooban mala joogaa xiligii dhalin yaradu iskala xisaabtami lahayd odayaasha dagaal oogayaashaa oo dhalinyarda mustaqbalka kadila oo ku kalifa dhalinyarada in ay tahriibaan)

Filed under: Wararka |

Barre Hiiraale oo Voa waraysi siiyay ayaa sheegay in uu diiday Heshiis ay wadeen in muddo ahba waxgaradka Beelaha Jubbooyinka iyo waliba DFS gaar ahaan Raysalwasaaraha.

Hadaba amaa lajoogaa xiligii ay dhalinyaradu katashanlahaayeen odayaasha la ayniga ah Barre Hiiraale oo Shacabkii Soomaaliyeed halkaas dhigay maanta.

Dhalinyarada iyo Haweenku waa in ay hurdada kakacaan Odayaasha dagaal Oogayaashaa oo kusoo caqliyaystay in Xoog waxlagu maquuniyo, iyo in Qaab Beelaysan wax lagu marsadu, isla markaana aan ogalayn in miis lawada Fariisto, maadaama Dagaal ooge aanu waxba ka helayn Miiska dadku isugu yimaadeen.

Si hadaba Dagaal Ooge uu Magac iyo Mansab u Helo waa in uu dagaal oogaa ama sababaa in uu dagaal huriyo, oo dhalintii Jaamacahada loodiri lahaa Qoryo u iibsho, markaas kadibna isaga magac iyo Mansab lasiiyo, Baabuuro Casriya lagu waardiyeeyo, dhalinyaradii uu xabada isaga dhigayayna ay nolosha ka dhacaan, aakhirkana dhalinyaradaas ay noqdaan kuwo nolasha kadhacay maadaama xiligii ay iskuulaadka aadi lahaayeen ay Hogaamiye Kooxood dan ugaara wata uu miskaxda Qabyaalad iyo wax xun uga shubay nolashiina kariday, aakhirkana ay dhalinyaradaas ku danbayn doonaan ama in Kenya laga soo tarxiilo, ama Saxaraha ay ka tahriibaan oo shansana waqtigii kaga dhamaado tahriib.

Barre Hiiraale Jaanis fiican buu haystaa hada wuuna ka faa-iidausankaraa oo wuxuu noqon karaa Nabad doon, hada waa dhamaaday xiligii Dagaal oognimada wax lagu heli lahaa, laakiin hadii uu Jaaniskaas ka faa iidaysan waayo, waxaa la horkeeni doonaa Maxkamad, waxaana laga jari doonaa dhamaan wixii lawada ogaa ee danbiya ee uu ka galay dhalinyaradii uu isticmaali jiray iyo shacabkii faraha badnaa ee reer Waamo ee uu barakiciyay maadaama isagu uu kayimid Gobalada dhexe.

barre hiiraale

Hadaba Hoos ka dhagayso Dagaal Ooge Barre Hiiraale oo hada dagaal hurinaya
[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/04/Barrehiiraale-waraysi-2014.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

One Response to Dhagayso: Barre Hiiraale waraysi siiyay Voa, nabadna diiday (warbixin kooban mala joogaa xiligii dhalin yaradu iskala xisaabtami lahayd odayaasha dagaal oogayaashaa oo dhalinyarda mustaqbalka kadila oo ku kalifa dhalinyarada in ay tahriibaan)

  1. Pingback: Barre Hiiraalaha Puntland Mudane Dagaal Ooge Gallan (Akhri Qoraal aan Barre Hiiraale siduu Dhalinta Nolasha Uga rido ka qornay 2 sano ka hor oo hadda ku socda Gallan) | Puntland Observer