Reer Buuhoodle ma moodaa Halkii Caalamku Dimoqraadiyadda kasoo maanguuriyeen Habka ay u doortaan Xildhibaanka iyo Isinka (Qaab ku dayasha Mudan)

Filed under: Wararka |

Shabakadda Warbaahinta Puntlandobserver oo jeedaalin dheeriya marwalba ku haysa sida ay Soomaalidu qadarin u siiyaan dhawridda xeerka dastuurka iyo waxwalba oo u mad isku raacaan kuna heshiiyaan oo la dhawro laguna dhaqmo.

Shacabka reer Buuhoodle ayaad moodaa in ay wali siwanaagsan ugu dhaqmaan nidaamkii Dimoqraadiyadda ahaa ee soo jireenka ahaa ee ku salaysnaa Doorashada xortaa iyo ku dhaqanka xeer hoosaadkii lagu heshiiyay.

Hadaba reer Buuhoodle waxay muujiyaaan oo Saxaafadda Soomaalida usoo bandhigaan sida wadajirkaa ee Deegaanka Buuhodle ay marwalbaa uga Qabsoonto doorasho xalaala oo shacabka Soomaaliyeedna loosoo bandhigo.

Xiligii lasoo xulayay Xildhibaanada Puntland, Deegaanka Buuhoodle ayaa noqday deegaanka kaliya ee sida xalaashaa usoo xushay Halkii xildhibaan ee u matalayay Puntland, doorashadaas markay dhacaysay ayaynan u kala harin Caaqilada iyo isimada Deegaanka Buuhoodle, waliba saxaafadda Soomaalidoo dhan usoo bandhigay sida ay ugu midaysanyihiin Xildhibaankaas.

Halkaan ka daawo.
Daawo Beesha Aadan Axmed (reer-hagar, iyo beel hoosaad badan) oo si xalaala u doortay 1 kii xildhibaan ee ay saamiga Puntland u heleen

Dhanka kalena Maalintii Shalay Buuhoodle waxaa ka dhacday Doorasho Xalaala oo lagu doortay Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo badalay AUN Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe.

Doorashada ayaa si xalaala xaqiiqdii u dhacday kadib markii ay soo xaadireen dhamaan cuqaasha iyo waxgarad Beesha oo si hoose isugu soo raacay in ay Garaadka cusub xilkaas ugu doortaan saxaafadana usoo bandhigay.

Halkaan ka daawo.

Hadaba ma moodaa Deegaanka Buuhoodle in ay Soomaalidu u aadaan in ay kasoo bartaan Nidaamka Dimoqraadiyadda iyo Doorashada loo dhanyahay

Tifatiraha puntlandobserver@gmail.com