Daawo Beesha Aadan Axmed (reer-hagar, iyo beel hoosaad badan) oo si xalaala u doortay 1 kii xildhibaan ee ay saamiga Puntland u heleen

Filed under: Wararka |

Saleebaan Yussuf Dhige oo xiligii Cade Muuse iyo xiligii Farooleba Xildhibaan u ahaa Beelwaynta Aadan Axmed Garaad ayaa Marlabaad si wadajira oo waliba saxaafadda lala qaybsaday waxaa dib lowgu doortay isla Xildhibaankaas Saleebaan.

Waxaa layaableh sidee bay u dhacday Beesha Aadan Axmed oo ah tiro ahaan uguyaraan 30% Beelwaynta Dhulbahante in ay helaan 1 xildhibaan saamigii xildhibaanadda Beesha Dhulbahante oo gaaraya ilaa 17 Xildhibaan iskudar oo kadhigan 25% xildhibaanadda Puntland marka sidan loo xisaabsho 17%66= 25%.

Laakiin hadda saamiga ay heleen waa 1/17= 5%.

Hadaba waxaa cad markii isimadda Beesha Dhulbahante layiri qaybsadda 17 xildhibaan ay Beesha Buuhoodle ee Aadan axmed oo ah reer Howd ay xishoodeen oo dhexda xirteen oo ay qadeen ayagu si markaas aynan u noqon nin soori qaaday.

Dhanka kalena beeshaan waa Beesha kaliya ee diiday Dulmiga iyo gumaysiga Beesha Isaaq

Halkaan ka eeg sami qaybsigga xildhibaanadda Puntland