Beelihii Deganaa Jubbaland 1913 (Boni, Gale, Somali Darod, Somali Isaaq, Hawiye iyo Dir) Akhriso wixii ingiriisku xiligaas ka qoray dadkii daganaa Jubbaland oo lasoomaaliyeeyay: Qoraa F. Elliott

Filed under: Articles,Wararka |

the-raw-somali1
Akhristow Qoraalka oo English ah Halkaan ka daalaco
Laakiin hadaan nuxurka asagoo Soomaaliya kuu soo koobo.
Qorahaga Ingiriiska ah (F. Elliott) ayaa ku koobay dadkii xilligaas deganaa Jubbaland in ya u badnaayeen Daarood, oo uu ukala saaray.
Ugaadeen 5000, Mareexaan wax 5000 aan Gaarin iyo Hartti 3000 oo ruux, wuxuu kaloo aad uga faalloon doonaa beelihii asalka ahaa ee Boni iyo Warday, xoogaa Baajuuna, dhanka waqooyin waxaa deganaa xoogaa Garre ah, booran iyo beerfalato Mashunguli ah.
Qoraaga ayaa sheegay in 1913 ay jireen tiro aan badnayn oo Dir iyo Hawiye ah oo deganayd Jubbaland

Qoraaga (F. Elliott) ayaa yiri Soomaalida u kala aaray xilligaas sidatan Soomaalidu waa Somali Darod iyo Somali Isaaq.
Qoraaga ayaa Dirta iyo Hawiyaha aan ku darin Soomaali Darod iyo Somali Isaaq.
Qoraaga ayaa dabciga Soomaaliga ku sheegay Ruux caajisa oo miskax badan oo inta badan geedka harkiisa iska joogga oo geeraaro iyo gabayo dagaaleed aad iyo aad uga sheekeeya, isla markaana ay marwalba saligiisa iyo ubadiisu dhankiisa midig yaalaan, wuxuuna qoraagu yiri Cadaalad darada ay reer galbeedku kula dhaqmaan dalalka afrikaankaa ruuxa Soomaaligaa ma ka hirgalayso oo waa diidayaa, wuxuuna yiri waa ruux aamina oo bulshaawiya ruuxaa soomaaligaa.

Warbixintii oo aan idiin tarjunay oo English ah halkaan ka daalaco

1913 Deegaanadda Jubbaland waxaa haystay Ingiriiska inkastoo dhanka Bari uu maamulayay Talyaanigu.

Markaas Qoraa xiligaas caan ahaa oo la oran jiray F. Elliott oo ingiriis ahaa ayaa si kooban uga soo faaleeyay waxna uu ka soo qoray deegaanka iyo dadka Jubbaland ee Xiligaas (Jubaland and Its Inhabitants).

Qoraha ayaa Qaybta hore aad uga Faalooday Juquraafi ahaan, Qaybta danbana dadkii xiliyadii hor deganaa iyo kuwa hadda degan ayuu qoraagu ka faalooday, waxa uuna yiri.

Waxaad ku arkaysaa Sarro dhagxaan kasamaysan oo lagu yaqaanay in ay saas wax u dhisan jireen Boqortooyadii Pershiyaanka, Qoraaga ayaa markiiba u gudbay oo aad uga sheekeeyay Beel uu Qoraagu kusheegay in ay ahaayeen dadka asalka ahaa.

Boni ayuu Qoraaga aad uga sheekeeyay, markii aan Google ka baarayna noqday qabiil illaa hadda dega Kenya halkaan ka eeg Boni Cumymunity

Qoraaga oo aad uga Faalooday saamayntii ay kulahaayeen Boni Jubbaland oo yiri Boni oo asal ahaan kayimid dhanka Ethiopia ayaa markii danbe dhanka Koonfur usoo durkay illaa ay Soo gaaraan Jubbaland.

Boni ayuu qoraagu ku sheegay in ay ahaayeen dad ugaarsato ah isla markaana aad u yaqaan sida lawgu noolaado dhulka kaymaha ah, waxaana ay isticmaalaan buu yiri Qaanso iyo leeb afka Sun laga mariyay.

Qoraaga ayaa sheegay Markii ay Booni soo gaareen Degmadda Afmadow illaa Dusha Waamo, xiliyadii hore waxaa deganaa Qabiilka Gale oo dadku u yaqaanaan Wardey (wixii ka hadlayaa dabcan boqolaal sano kahor 1913), Dabadeedna waxaa Qabiilka Boni ay lagalleen heshiis Gale(Wardey) oo iyagu Xoolo dhaqato ahaa waxaana lagu heshiiyay in ay Deegaankaa Afmadow ay Bonidu ka ugaarsan karaan, laakiin haday dilaan Maroodi in marka hore Maroodiga loo keenno Gale oo calashaan Gale Qaybshaan.

Qoraaga ayaa sheegay in markii ay Dirireen Somali Ogaden iyo Gale (oo loo yaqaan warday) ay Qabiilka Boni dhexdhexaad ka noqdeen oo aynan qolana la jirin, laakiin markii Gale laga adkaaday ayay Boni Duurka ku dhuunteen, oo laba sano ayay Duurka ku jireen, kadibna waa soo noqdeen oo heshiikii ay Gale la galeen mid la mida ayay lagalleen Somali Ogaden oo Qabsaday aagga Afmadow, heshiiskaas oo dabcan Gaadhay xili qarniyo laga jooggo ayaa buu qoraagu leeyahay waa heshiis wali dhaqan gal ah, illaa hadda Boni waxay deganyihiin Arnoleh and the hinterland.

Dhanka kalena Boni waxaa loola dhaqmaa sida Negro waxaanay aad uga baqaan Soomaalida oo xataa haddii meelaha ay dagaan ruux safar ah soo marro Guryaha Bushakaa ayay ku dhuuntaan.

Ninka Bonigaa markuu rabo in uu Guursado waa uu ugaarsi taggaa markaas ayuu soo dillaa Maroodi, Maroodigaas ayuu kusoo badashaa Dhar, dharka ayuu gabadha aabaheed u keennaa, sidaas ayaana Gabadha lagu siiyaa, taas oo muujinaysa in uu yahay nin masuul qaadi kara maadaama uu Maroodi soodillay, calashaan reerkii waa biillan karaa.

Dhanka miskaxda, Boni waa ka miskax badan yihiin Baajuun, laakiin ma gaaraan Gale iyo Somali.

Dhanka Luuqadda waa Kushitig oo waxay is leeyihiin Soomaali inkasta oo aannay isku mid ahayn.
Hadda waxaad arkaysaa meelaha qaar ay Boni Gallay ku beertaan, tirada Booni hadda waa wax ka yar 1000.

Qoraaga ayaa sheegay in ay tiro ahaan sii tirtirmayaan ama ay ku milmayaan Soomaalida waayo buu yiro wadaaddo Soomaaliya ayaa diinta ka badalaya Boniga oo aaminsanaa Paganism barigii hore oo hadda u badalaya Muslim.
Arnallah ayaa ah deegaanka qura ee u gaarka ah Gale inkastoo ay Gale ku firirsanyiin dhamaan deegaanadda Soomaalidu degto.

Qabiilka Gale oo hadda degan deegaanadda illaa wabiga Tana ayaa markii hore waqooyiga Somali Italia-land degijiray laakiin waxaa kasoo saaray Soomaali, waxaana illaa hadda laga helaa Qalcado ay dhisan jireen oo illaa waqooyi galbeed aad ku arkaysid, markii dhanka Bariga lagaga soo adkaaday ayay soo galeen Jubbaland, Markii danbe ee Jubbaland ay Soomaalidu kaga daba timidna waxay Wabiga Jubbaland ka daganaayeen dhanka waqooyi.

Laakiin taariikhdu markay ahayd 1842 ayaa Soomaalidu soo dhaaftay wabigga Jubba soona weerareen Qabiilka Gale kuwaas oo aad looga Guulaystay oo khasaare xun lagaarsiiyay Qabiilkioi Gale.

Dagaaladaan ayaa soo afjarmay 1845 markii Soomaalidu kadalbadeen Gale Heshiis nabadeed oo ah in Gale la nabad galinayo ayna Soomaalidda wada dagikaraan, heshiiskaas oo ay u galeen Gale kafiirsasho la’aan, markii 1848 Ay Soomaalidii Heshiikii Jabsheen oo weerar ku qaadeen Qabiilkii Gale oo dhulkii laga cayrshay oo dhanka waqooyi loo riixay.

Qaar badan baa gaajo u dhintay qaarbadan oo Gale ah illaa hadda ugaadeenkay Xoolaha u raacaan.

Gale ayaa markii hore aaminsanaa diinta Bagen laakiin markii danbay Islaamay.

Degmadda Kismaayo oo dhul ballaaran ku fadhisa illaa dusha waamo illaa xeebta dhanka Kenya ayaa hadda waxaa dagan qiyaastii illaa 4000 oo ruux, kuwaas oo badankoodu ay Soomaali yihiin iyo xoogaa yar oo Ganacsato Hindi iyo Baajuuna.

Kismaayo ayaa lagalasoo dagaa bagaash badan waxaana laga dhoofshaa Suuf farabadan oo deegaanka kabaxa, waxaana suuqa gacanta ku haysa Ganacsato ree Bombay India kayimid.

Goobwayn oo waxyar kismaayo u jirta waxaa dagan illaa 2000 meel aansaas uga fagayna waxaaa Kambani wayn kuleh Ingiriiska waxaana lagu farsameeyaa Suufka.

Wabiga Jubba dhankiisa waqooyi waxaa xukuma Ingiriiska dhanka Koonfureedna talyaaniga,

Wabiga jubba ayaa waxaa Beerro farabadan kasamaystay Qabiilak Wa-gosha oo kakooban qabiilada(Wa-Zugoa, Yao, Wa-Swaheli, Wa-Gendu, and Mushunguli) oo ah Qabiilo beeralay ah oo isku tagay si ay Soomaalida isaga dhiciyaan waxayna beertaan Sisin iyo Galay.

Qoraga ayaa kashekeeyay in markii Hore ay Qabiilka Boni ka qaadi jireen baad Wa-goshaha laakiin markii danbe ina ay midoobeen ay isugu tageen oo ka adkadeen, Ugaaskoodiina Dileeen.’

Qoraaga ayaa kasheekaynaya meesha kaliya ee Ceelal aan marna gurin lahayd ay ahayd Afmadow isla markaana lahayd daaq aad ugu haboon lo’da waxa aanu sheegayaa mar walba in halkaas beesha ugaadeen ay Gedanaayeen.

Degmada Ceelwaaq waxaa dega Tuffi Borane, Wajeer ayaa iyaduna leh ceelal farabadan waxaana dega Boran, Gare iyo Soomaali, Geelay Kismaayo kayimaadda ayaa dhaafa Degmooyinkaan oo gaara illaa Ethiopia.

Qabiiladda hadda dega Jubbaland mar uu Qaraagu ka hadlayay wuxuu yiri.
Soomaalida ayaa ugu muhiimsan marka laga hadlayo dhamaan Geeska Afrika, waxaana Soomaalida loo qaybshaa laba guruub. Somalio Darod iyo Somali Isaaq.
Dir iyo Hawiye oo dega dhulka Talyaanigu haysto wax yarna ay ka dagaan Jubbaland, ma ahan Soomaali asal ah waana dadka asal ahaan dega Xeebta Banaadir, inkastoo uu jiro xoogaa isguursiya oo ay Dir iyo Hawiye Soomaalida isguursdaan hadana iyagu ma ahan Sooaamli asal ah.

Somali waxaa lasheegay in uu muddo hadda laga joogo 700 oo sano uu kayimid dalalka Carabta, dabadeedna uu Hobyo kusoo degay marki danbana ay Beelaha Hawiye u diideen in uu deegaanka dego taas oo ku khasabtay in uu Dirta ladago kana guursaday, taasoo u dhashay shan wiil.

Marehan, ogaden iyo Harti ayaa aad u dagan Jubbaland,
Mareexaanka ayaa degga dhanka waqooyi ee Jubbaland ee Dolo iyo Saranleh, waxayna ka imaanayeen 20kii sano ee u danbaysay deegaanadda Talyaanigu haysto ee Koonfureed-.

Waxay Mareexaanku leeyihiin Geel farabadan iyo Fardo, laakiim malaha Lo’da faraha badan ee ugaadeenku leeyahay, tiradooduna ma gaadho 5000.

Hartiga ayaa degga dhanka xeebta waxayna degaan laga bilaabo Kismaayo illaa Dushaa waamo illaa xeebta fog
Hartiga waxaa ugu badan Majeerteenka, waxa kuxiga warsan galiga iyo Dhulbahanttaha oo dhanka Bariga degan.

Hartiga ayaa ah Ganacsato waxxaana ay sidoo kale leeyihiin xoogaa Lo-ah
Tiradda hartigga ayaa gaaraysa illaa 3000.

Ugaadeenka ayaa u kala baxa illaa 7 Qabiil.
5 Qabiil ee ugu muhiimsan waa Mohamed Zubeir, the Aulihan, the Abd Wak, the Abdullah, and the Magharbul.
labadda aan muhiimka ahayn waa Her Mohamed and the Habr Suliman. Sidoo kale ayaa lasheegaa in Shiikhii waalnaa ee Sayid Maxamed uu kasoo jeedo qabiilkan aan qiimaha lahayn ee Habar Suleiman.

Jubbaland waxaa ugu khatarsan Maxamed Zubeir waxayna degaam illaa Afmadow illaa Dhaskeik Wamo ayay gaaraan.

Beesha Cawlyahan ugaadeen ayaa waxay deganyihiin Degmadda sarenleh galbeedkeedda iyo koonfurteedaba.

Beesha Abdiwak iyo Abdullaahi ayaa degan Degmooyinka Ramaadi iyo Lorian. Mararkii danbe qaar kamidda qabiiladan ayaa u aroor tagi jiray ama
u biya doonan jiray wabiga Taana ee Hadda Kenya kutaal xiliyadda abaarta.

Beesha Abdiwak ayaa sii badan labadan beelood waxaana dhacda in ay awood xiliyadda dagaalka in ay keenaan kun dagaalyahan oo horey ka dagaalama i
iyo kun dagaal yahan oo kayd ah, labdan beelood iyo Beesha Maxamed Subeer ayaa mar mar isdagaala, Beesha Magharbuul ee ugaadeen ayaa waxay dagaan
deegaanadda hoos taga Degmadda Ramaadi ee loo yaqaan Joreh.

Waxaa muhiima in aad marlabaad idiinku cesho in deegaanadda Jubbaland ay dagaan oo Qura Somali Darood, marka Isaaq Soomaali uu ku danbeeyo
Barigga Jubbaland, Sidoo kale Beelaha Hawiye iyo Dir iyagu ma ahan Soomaali Asal ah.

Somaliga asalkaa waa qof aad u caajis ah ama Lazy, dhaqankiisa iyo sharaftiisu u ogalaanmayso in uu sameeyo shaqooyinka xamaaligaa,
wuxuu isku shaqaalaysiiyaa dusha ka eegidda xoolihiisa, wuxuuna saacado badan iska hoos jiifsadaa ama joogaa geedka harkiisa, isagoo ay mar walba
garab yaalaan ubadiisa iyo saligiisuba, wuxuuna isku maaweeliyaa gabayo iyo heeso loo tiriyay markii aw wax sii dhaceen.

Shaqadda Xamaaligaa ayaa waxaa qabta dumarka iyo dadyowga kale, Ninka Soomaaliga asalkaa waa wadaad aad diinta ugu adag waana qaybta muslimka ee
Shujai

Aragti ahaan Ninka Soomaaligaa waa Carab,waliba Carab Qurxoon, ula dhaqan si kalsooni iyo xushmad ku dheehantahay, waa ruux Qalbiwaagsan, Miskaxbadan, doonaya in uu waxbarto dadaalo, waana daacad oo wuxuu sheego waa ka dhab.

Hadaad ku daydid in aad yastid ama qaab cadaalad daro ah ula dhaqanto, aad buu uga xumaanayaa, umana dulqaadanayo, waxayna leedahay khatarteeda, dalkuna nabad noqonmayo.

Waa ruux miskaxabdan, ganacsiga aad u yaqaan aadna isugu kalsoon oo iskula wayn.
Jubbaland waxaa soo buuxdhaafinaya Soomaali oo cadadiisi sii laba jibaarmayso xoolihiisuna aad u tarmayaan.