Dhagayso Hooyo Reer Hadaaftimo Ah Oo Arragtay 80 Alshabaab Ah Oo Habeen Hore Saqdhexe Hadaaftimo Ka Gudbay oo Ceerigaabo Loo Gudbiyay kadibna Burco/Beer Loo gudbiyay (Cali Xaraare Oo Waraystay)

Filed under: Important News,Wararka |

Sida ku cad waraysiga kore ee ruux haweena oo lasoo xiriirtay  Cali Xaraare waxay sheegtay in ay indhaheeda ku arragtay maleeshiyaad gaaraya 80 oo kooxda alshaab ee ka dagaama buuraha Galgala kana tirsan Alshabaab,.

Haweenaydaan ayaa ah dadka degan deegaanka Hadaaftimo ee Gobalka Sanaag

maleeshiyaadkan ayay sheegtay in aanay degaankana kala aqoon oo ay waydiiyeen dad deegaanka ah halka ay Ceerigaabo kaga beegantahay degmada Haaaaftinimo dabadeedna ay baabuur dhanka ceerigaabo kaga yimaadeen oo Baabuur ku daabulleen.

Dhanka kale dadka deegaanka ayaa cadeeyay in ay sirdoonka Somaliland galbiyeen oo baabuurta ku qaadeen, waxaana la sheegaya in loo galbiyay saldhigga Beer.

Hadaba sawirka hoose waxaad ka eegtaa labada deegaan ee Hadaaaftimo iyo beer, waa laba deegaan oo ay maraan togag waawayn oo dareemi kartid sababta ay Alshaab u bartilmaamadaysteen oo ah Biyahaas waayo meel aan biyo lahayn waxaa ku dilaya haraad.

Maalintii Af-urur ay maleeshiyaadka shabaab ciidanka Puntland lagu gaaday ayaa waxaa p/o lasoo xiriiray dad shacaba oo sheegay in baabuurtii ciidamada Puntland laga furtay lagu arkay Galgala, dabadeedna markii warkaas naloo sheegay waxaan ku daabacnay p/o inkastoo aanan hayn sawirro iyo xaqiiq hadana waxay naga ahayd wixii jira si loo ogaado sheega idinku iyagaa hadhow bur iyo biyo u kala baxaya halkaan ka eeg xogtaas.

Dhanka kale muddo dheer ayay alshaab ka dagaalamayeen Buuraha Golis oo intooda badan ku deedsan deegaanada Somaliland illaa hadana lama hayo wax dagaala oo dhexmaray Somaliland iyo Alshbaab, lamana hayo wax maleeshiyaada oo alshaaba oo ay Somaliland soo qabatay.

Alshaabkii Garacad ka baxsaday Galmudug waa ay la dagaalameen oo Soo qabqabteen laakiin maamulka iyo shacabka Somaliland farwayn baa ku godan marka laga tago eedaymo badan oo ay madaxda Puntland ku eedeeyeen Somaliland in ay wada shaqayn leeyihiin alshaabab waxaa jiray wariye asalkisu sweden ka soo jeedo oo warbixin ka qoray in ay jirto wada shaqayn maamulka Somaliland iyo alshaab, hoostan ka akhri xogtaas

The Nexus between Somaliland and Al-Shabaab

Ugu danbayn waxaa isna xogo badan oo isla arrinkaas ku saabsan walaac ka muujiyay Waceys Ilfur oo 2014 iyo 2015 amaanka Puntland ka shaqaynay deegaanka Qardho oo xiriiro badan la leh dadka deegaanka halkaan ka eeg xogta waceys.

 

 

Beer Burco Hadaaftimo

 

Saxaafad waa runta sheeg oo wixii la arkay ama la maqlo dadka haloo sheego, dadku markaas iyagoo xog ogaala iyagay u taal go’aankay qaadanlahaayeen.