Akhri Talo Soojeedintii Aan P/O Xasan Sh Ugu Qornay Markii Uu Xukunka Hayay Hal Sano 2013, Maantana Loo Diiday Fiisihii Maraykanka (qoraal muhiima)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Xasan Sh Maxamuud ayaa loo diiday fiisihii Maraykan isagoo casumaad ka hellay shir ay qabanqaabinayee World Affairs Cauncil oo lagu qaban lahaa 27/3 dalka maraykanka, warbixintaas halkaan ka eeg

Hadaba Xasan Sh Maalintii la dooranayay ayaan live uga soo tabinaynay P/O, waxaananu aad ugu faraxnay doorashada Xasan Sh.
Muddo sanad ah, waan ka gaabsanaynay in aan ceebihiisa iyo xukuumaddiisa wax ka daabacno.
Sanad kadib markii uu Xasan Sh xukunka hayay Waxaan P/O ku daabacnay Talo markii aan dib u akhriyay aad iisoo jeedatay, waliba ay fiicnaanlahayd in maanta Xasan Sh loogeeyo.
Haddii uu waagaas taladaas qaadan lahaa waxaa hubaala in uu maanta ahaan lahaa Madaxwaynaha Soomaaliya oo sharaf leh, shacabkaas Soomaaliyeed ee dhibtoodayna ay maanta caalamka kamid noqonlahaayeen.
Laakiin Illaaheen subxaannu qaadir ee koomkaan kaan leh waa caadil ruux kasta oo aan illaalin amaanada masaakiinta waa lala xisaabtami, waliba waxaa la qaataa ruuxa aduunka lagula xisaabtamo ee waxaa daran ruuxa aakhiro lagula xisaabtamo.

 

Hadaba taladii aan 2013 Xasan Sh usoo jeedinay oo wali taagan bal dib u akhri

Madaxwayne Xassan Shiikh aqoon daro haysata Madaxda Afrikanka awgeed Jaaniskii soo maray kama faa iidaysan Markii ladoortay(Qormo muhima)