Aqoonyahan Cabdiraxman Gablax oo aan ka Waraysanay Sida uu U Shaqeeyo Nidaamka iyo Systemka Dalka Maraykanku (Dhegeyso)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Gablax-2
Warbaahinta Puntlandobserver ayaa Bilowday Barnaamijka Dawlad.
Barnaamijka Dawlad waxaan ugu talagalnay in aan ku waraysano dadka fara kutiriska ee aqoonyahankaa ee Soomaalidaa ee dunida dacaladeeda jooga.

Barnaamijka ayaa ku saabsan sida ay u shaqeeeyaan dawladaha caalamka ka jira, waxaanan dalkasta waraysi kala yeelan doonnaa aqoon yahan dalkaas ku sugan oo aqoon u leh sida ay Dawladda dalkaas u shaqayso, maadaama uu Soomaalidii nidaamkii dawladnimo ka burburay, waxaan rabnaa in ay Soomaalidu fahmaan sida dawladaha caalamka u shaqeeyaan si markaas marka danbe ay u doortaan nidaamka ugu wanaagsan.
Barnaamijkaan ayaan maanta ku waraysanaynaa aqoonyahan Cabdiraxmaan Sh Maxamed Gablax oo Canada iyo Maraykanka ku noolaa 30 sano, isla markaana buug ka qoray sidii Soomaaliya lowgu samayn lahaa nidaam Federaal ah oo u shaqaynaya sida ay u shaqeeyaan nidaamyada dawladaha horumaray.

Gablax ayaa noo sharixi doona sida ay u wada shaqeeyaan Dawladda Federaalkaa ee Maraykanka, iyo Dawladaha xubnaha ka ha.
Iyo waliba sida ay Dawlad Gobaleedkasta u shaqayso
Muxuu yahay County/a>
Maxay ku kala duwanyihiin Nidaamka waxwalba kor laga keeno, iyuo midka waxwalba hoos laha soo dhiso.

Waa barnaamij ballaaran

Hoos ka dhegeyso
http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2016/03/waraysigii-Cabdiraxmaan-Gablax-Dawlad.mp3

Diyaariye
Ibrahin Gablax Finland gablax@yahoo.com