Awoodaha Madaxweynaha Iyo Raysalwasaaraha ee Dastuurka DFS

Filed under: Important News,Wararka |

vote

Hoos ka eeg qoraal ku saabsan Awoodaha Madaxweynaha Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha oo aan P/O ku daabacnay 2014 mar ay dalka qasayeen kooxihii Damuljadiid.

Wali Soomaali muran kama dhamaanayaan illaa aakhiro.
Markasta oo ruuxa soomaaligaa lagu sharfo oo lagu aamino masiirka 14-ka million ee Soomaalidaa, illaahay amarki midkastaa wixii lagu aamino ayuu u qaadanayaa wax uu leeyahay oo isaga ugaara, markaas ayuu la cararayaa.

Innaguna maantoo dhan baan ka daba cararrnaa war ka  dhiga, war kasoo dhigaay, hayaay xoolihii dadkoo dhan buu sii wataa, wajaas la cararay, war masiirkii 14-ka million yaa la cararay baan ku jiraynaa.

Hadana qolooyin shihseeye oo shandada lacaga wata ayaaba meeshii ku fadqaleeyay oo beec ka dhigay misiirkii umadda, oo iyagaaba suuqa hawada ka iibsada, maadaama ay Soomaaliduu dhuuni qaate noqdeen, masiirkii Soomaalida waa beec oo Soomaali gacanta uguma jiro, ee ninkii iibsada ayaa leh.

Dastuurka DFS iyo Khilaafka Madaxwaynaha iyo Raysalwaraaha (Falanqayn muhim ah)