Axmed Ismaaciil oo kashifay wixii uu Baarlamaanka DFS uu kusoo arkay, Xildhibaan saaxiibkay ah wuxuu igu yiri waxaan baarlamaanka u imid 20$ oo doolar baan kala baxay Xildhibaanimada waxaanan halkaan u imid sidii aan afartaas sano lacag uga samaynlahaa (Dhagayso fashilaada)

Filed under: Wararka |

Axmed Ismaaciil oo kashifay wixii uu Baarlamaanka DFS uu kusoo arkay, Xildhibaan saaxiibkay ah wuxuu igu yiri waxaan baarlamaanka u imid in aan 20$ kii kun ee doolar ee aan kala baxay Xildhibaanimada sidii aan afartaas sano uga soo ceshan lahaa lacag kalana uga samaynlahaa (Dhagayso fashilaada).

Inkastoo ay shacabka Soomaaliyeed aad uga warhayaan qaabka lagu soo xulay Baarlamaanka DFS, qaabka doorashadu u dhacdo oo dhamaantiis ku salaysan laaluush.

Inkastoo saxaafadu marar badan soo bandhigtay in Xassan Shiikh uu ku Kharashgareeyay Doorashadda lacag 7 Million$ oo laga soo qaaday Xisbiga Damjadiid ee Khadar.

Inkastoo ay shacabku ka warhayaan in xitaa xildhibaanadda qaar ay ku iibsadeen booska ama uu kaga baxay kharash gaaraya 100$ kun oo doolar.
axmed ismaaciil
Hadana waa markii ugu horaysay oo uu si cad oo la aamini karo uu saxaafadda horteeda uga kashifay Ex Xildhibaan Prof Axmed Samatar, in nin uu garanayo oo kasoo jeeda Soomaaliland uu tuso warqadii shaabadaysnayd ee uu ka dhiibay 20-ka kun ee doolar si uu xildhibaan u noqdo.

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/06/axmed-ismaaciil-muqdisho-waxaan-kusoo-arkay.mp3]

Ama Moobiilkaaga ka dhagayso

Maqaal Puntlandobserver ka diyaarisay qaabka doorasho xalaala loo heli karo
Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 5aad (Akhri warbixin muhima)