Barnaamish Gaar ah Soomaali Kushitogow Baro Khariiradda Dalkaaga iyo Nimcada Ilaahay ku Siiyey

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Barnaamishkan waa barnaamish aan ugu talaggalnay in ay Soomaalidu ku baraarugaan dhulka baaxadda weyn ee Ilaahay ku manaystay, Halka Qowmiyad ee Illaahy ka dhigay iyo Micna yarida ay isku dilayaan waxaana aan barnaamijka kusoo koobaynaa “Soomaaliyow indhahaaga fur”

Bal horta Soomaaliyow dhulka Illaahay kusiiyay baaxadiisa iyo Ballaarka Badda Illaahay dul dhigay Maapkiisa bal si qunyar u daawo oo muddo cabaara aad ugu fiirso baaxadeeda.
Somalia

Soomaaliyow Malasocotaa in Illaahay kusiiyay nimco kuu gaara , in Illaahay idinka dhigay dad Hal Luuqad wadaaga, dad isku midab ah, dad isku diin ah, dad kasoo jeeda Qowmiyadda Kushitigga, waa hal Qowmiyad oo meel wadadegan, oo ah Qayb kamida Qawmiyadda Kushitigga Akhri maqaalka Qowmiyadda Kushitigga

Ama Dhegeyso Faarax Macalin oo ka sheekaynaya Qawmiyadda Kushitigga ee Kenya sida ay marka Kenya La jooggo hal beel u yihiin

Soomaaliyow ma lasocotaa in Illaahay dhul siman oo aan Buuro iyo cimilo isbadal badan aan lahayn Illaahay kusiiyay, mase lasocotaa Soomaaliyow in Beesha Oromo ee aan Kushitigga wadaagno dhulka ay degan yihiin uu yahay dhul Buuro dushooda isla markaana aan Bad lahayn bal daawo maapka Oromada ninkii arkay baa arkaye waa buuro dushood, marka aad buuraha kasoo dagato waxaad soo gallaysaa dhulkii sinnaa ee Soomaalida.
Oromo

Soomaaliyow indhaha fur, oo meel iska dhig Qabyaaladda waayo Soomaali waa hal Qabiil, Gabadha Soomaalida ah Illalinteeda waxaa ay masuulliyad kasaarantahay ninkasta oo Soomaaliya.

Hooyada Soomaaligaa waa Hooyo, waxay Hooyo u tahay ninkasta oo Soomaaliya, maxaad ukala Soocaysaa Gabadha yar ee Soomaalidaa hadiiba aadan garan karin Qabiilkeeda illaa aad soo xansato.

Soomaaliyow haddii aad doonayso in aad midowdaan oo Qaranimadiina Soo Ceshataan ka dhigta madaxda kuwa arragtida dheer ee aan shaqo ka dhigan reer Hebel, waayo reer hebel ma ahan cilmi umad lagu horumariyo.

Iska soo xul Soomaaliga arragtida dheer waad taqaanaaye.

Lasoco Qaybta labaad barnaamijka Indhahaaga Fur

Afeef.
Barnaamijkaan yaan loo qaadan mid lagu colaadinyo Qowmiyadaha walaalaheen ee Amxaarada iyo Tigreega iyo kuwa kaleba Qodabada aan kaga hadlayno in Soomaalidu yihiin Kushitig waayo haddii dhanka luuqadda laga eego Kushitic waxay walaalo yihiin Semitic oo ah Luuqadda Carabiga, Mida Amxaarada, Mida Tigreega, mida Yahuudda.

Marka sidaas loo eeggo dhamaan umadaha caalamka ku nool waa walaalo, kaliya waxaa muhin ah in ay nabad waarta kuwada noolaadaan, waanu kasoo horjeednaa fawdo iyo cadaalad daro, iyo in cid gooniya la faquuqo, waxaan taageersanahay in nabad waarta iyo walaaltinimo lagu wada noolaado..

One Response to Barnaamish Gaar ah Soomaali Kushitogow Baro Khariiradda Dalkaaga iyo Nimcada Ilaahay ku Siiyey

  1. Pingback: chữ ký số