Cabdiraxmaan Gablax oo Ka Tala Bixiyay Sida Saxdaa ee Barnaamijka Xisbiyada Badan Puntland looga hirgalinkaro (Dhegeyso)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |


Halkaan ka eeg qormooyinkii faraha badnaa ee Cabdiraxmaan Gablax uga tala bixiyay sida hanaan dawladeed lagu gaari karro.
Aqoonyahn Cabdiraxmaan Sh Maxamed Gablax (Ex Musharax Puntland) ayaa si aad u waadaxa uga tala bixiyay sida saxdaa ee Barnaamijka Xisbiyada badan Puntland looga hirgallinkaro.

Cabdiraxmaan Gablax oo lagu xasuusto sidii uu uga soo horjeestay muddo korkorosigii Xukuumaddii Faroole, iyo Barnaamijkii Xisbaiyada badan ee Xukuumaddii Faroole ayaa maanta si fiican uga hadlay oo talosoo jeedin aad u wanaagsan ka bixiyay sida ugu habboon ee reer Puntland looga hirgalinkaro Barnaamij xisbiya badan oo saxa oo aan laablaab lahayn ee cad.

Gablax ayaa soo jeediyay in aan hadda lagu dagdegin magacaabidda Gudi Doorasho, waayo hadda ma diyaarsanana waxyaalihii muhiimka ahaa ee aasaaska u ahaa Barnaamijka Xisbiyada badan.

Gablax ayaa sheegay in marka koobaad shacabka la diiwaan galliyo, oo buu yiri marka la diinwaangallinyao waa in si saxa loo diinwaangalliyo shacabka oo aan qofwalba Id lasiin, waayo buu yiri dadka dalka iska leh waa dadka reer miyiggaa ee ma ahan ruux si ku meelgaara Puntland isaga yimaado.
Gablax waxa uu sheegay in dadka asalkaa ee dalka u damqanayaa ay yihiin dadka reer Miyiga u badan.

Hadaba si si saxa loo ogaado dadka asalkaa waxaa hubin kara waa isimada, waayo Isimada ayaa cadayn kara qofka asalkaa ee deegaanka ah, ee xitaa siyaasiyiinta iyo Un-tu ma garanayaan.

Isimadu maadaama ay yihiin dadka asalkaa ee wakiilada shacabka ah waa in iyaga la sharfaa oo la hirgaliyaa rugtii Golaha Isimada oo Guri qurxoonna meeshay rabto ha laga hirgasho.

Isimadu waa dadka soo qoraya Qofka magaciisa meesha uu ku dhashay, Isimadu waa amraha ee micnuhu ma ahan ruuxa magaca qoraya ee waa ruuxa Jeeggaraynaya laakiin waxaa u shaqaynaya shaqaale farabadan.

Database-kaas ay ku jiraan dhamaan xogta ruuxkasta ee Reerpuntland ah waa in laga hellaa ruxta isimada.

Arrinakas waxaa lagu hirgallinkaraa sadexbillood gudahood.

Marka lasoo gabagabeeyo Diinwaangallinta shacabka oo ruuxwalba si saxa loo diinwaangalliyo oo la ogaado tirada shacabka saxdaa ee reer Puntland ee codaynkara ayaa waxaa loo qaybinayaa 66-da xildhibaan ee Puntland.

Markaas ayaa waxaa la abuurayaa 66 Gole siyaasadeed oo laga codeeyo, si markaas ay Gole siyaasadeedyadaas ay doorasho xalaala uga dhacdo oo markaas Xisbiyadu ugu tartamaan Gole siyaasadeedyadaas la wada ogayahay.

Maalintaas ayaad waxaad haysataa dawlad shacabku leeyahay, wmaalintaas ayay shacabku baarlamaankooda iyo Madaxwaynahooda xukumaan.

Dhanka kale sida aduunka horumaray ka jirta waxaa wanaagsan in labadii sanaba mar la doorto xubinta baarlamaanka, waayo markaas ayay marwalba shacabku awood u leeyihiin in ay iska badalaan xubintii shaqayn wayda.

Lacagwaa loo hellikaraa mashruucan oo hay-adaha un-ka ayaa laga hellikaraa hadii barnaamijkaas muhiimkaa laga iibsho

Afeef si saxa oo dhamaystiran uma aannan qorin hadalka Gablax marka fadlan hoos dhegayso si aad si fiican uga bogatid

One Response to Cabdiraxmaan Gablax oo Ka Tala Bixiyay Sida Saxdaa ee Barnaamijka Xisbiyada Badan Puntland looga hirgalinkaro (Dhegeyso)

  1. Pingback: Himilooyinkii Madaxwayne Gaas 2014, maxaa ka hirgallay (Qormo Gaaban) | Puntland Observer