Cadayn Fikirka Gooni Isutaagga Soomaaliland in Uu Qaldanyahay

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Aduunka ninka raggaa waxaa lagu yaqaan wuxuu ku faanaa waxa uu haysto.
Dabcan ninkii geesiya ee nin damiir leh ah waxaa illaahay ka dhaliyay qowmiyadaas Soomaalidaa, waxaa illaahay daris kala dhigay qabaa-illaadaas kala duwan ee Qowmiyadaas Soomaalidaa.

Haddii dhawr siyaasi iyagoo gacmo shisjeeye taakula ka helaya ay xaqdaro maleegeen oo dulmi sameeyeen, ninka raggaa waa ninka dareema in ay mudan tahay in siyaasiyiintaas fara ku tiriskaa Qowmiyadda Soomaalida laga horqaado waxay ku qaadataba oo Qowmiyadda cadaaladdii dib lowgu soo cesho.

Haddii aan hoos uga sii daadaga Qowmiyadda Soomaalida, oo mid kamida beelaha waawayn uu ka soo dhex muuqdo siyaasi sidaas oo kale beeshii kala dilaya oo kala qaybinaya si uu dantiisa gaarkaa ugu gaaro, ninka dunta wanaagsan wuxuu falankeed galayaa sidii uu ula xisaabtami lahaa siyaasiyiintaas dhaqanka xun, ee marna beeshii ma kala qaybinayo oo lama ficiltamayo siyaasigii dhaqanka xumaa ee dhaqan dhurwaaga lahaa.

Laakiin ninka siyaasigaa ee sidiisaba dhaqankiisu yahay halakala qaybsho Qawmiyadii Soomaaliyeed ee yarayd, ama hadana beeshii sii kala qaybinaya, kaasi siyaasi ma ahan ee waa duli daciifa oo waliba fuley ah.

Hadaanse usoo noqdo fikir gooni isutaagga waa fikir 100% qaldan waayo waa fikir oranaya Ingiriis oo 8 kun oo klilo mitir u jira Hargaysa ayaan aqoonsi iyo taageero ka raadsanayaa anigoo ka cararaya ruux Soomaaliya oo dunidan dadka iigu xigay.

Hadaad baasaboor Soomaaliya wadato bal orod la tag safaaradda Ingiriiska in ay Viise dal ku gal kuugu dhiftaan.

Haddii uu fikirka gooni isutaagga fikir saxsan ahaan lahaa waxaa saaxiib la noqon lahaa dadka noormalkaa ee aan xagjirka ahayn, laakiin hadda waxaad mooddaa in fikirka gooni isutaagga ay soo dhawaynayaan ururuada xagjirkaa
Waxaana isa soo taraya xiriirka ka dhexeeya madaxda Soomaaliland iyo ururada xagjirkaa waayo waxaad mooddaa in labada fikir ay qaldanyihiin oo markaas ay saaxiibi karaan.

Dhanka kalena waxaad mooddaa ururada xagjirkaa ee ajaanibta neceb in ay soo dhawaynayaan fikirka gooni isutaagga Soomaaliland, waayo waa laba fikir oo qaldan oo waa is fahmayaan.
Akhri maqaalkan
Xisbiyada xagjirkaa ee Europe oo codadka Soomaali nacaybka ku hela oo Taageeray in Soomaaliland la aqoonsado (Maqaal iyo Cadaymo)

Qodabada cadaynaya in fikrku uunan sax ahayn
1) Fikirka gooni isutaagga Soomaaliland waxaa keenay jamhad laga soo taakuleeyay dalka ethiopia oo uu muddo dheer ka dhexeeyay dagaal.

2)Nimanka fikirka keenay waxay ka cabanayeen xukunkii kaligi taliska ahaa ee la diriray jamhado iyo beelo badan ee aan la dirir beesha SNM oo qura,
3) Maadaama Ethiopia ay 80 Quwmiyadood ku nool yihiin balse hal dal yihiin, maaadaama China oo 1400 oo million ahi ay hal dal leeuihiin oo hal safaarad ah lowgu hagaago, sidoo kale India, waa ay adagtahay in un-ka laga dhadhiciyo hal Qowmiyad oo luuqad, jinsi, diin, iyo xuduud intaba wadaaga in la sii kala qaybsho.
4) Beeaha Harti, Ciise, Godabiirsi, iyo waliba shacab farabadan oo beesha Isaaq ah oo aan doonayn in Soomaalida laka qaybsho.
5) Soomaalida ay ka cararayaan oo ah dhul qaniya, oo Wabiyaal iyo bad iyo macdan intaba illaahay ku manaystay.

Arrimahaas oo dhan baa markii aad arragtid ay noqonayaa in Somaliland la aqoonsado 10%, waxaana habboonaan lahayd in Beesha reer Shiikh isxaaq ay iska dhiciyaan siyaasiyiinta fara kutiriskaa ee kaga hor gudban in ay walaalahood Soomaaliyeed waxna la qaybsadaaan waliba hormuud ka noqdaan sidii qaran soomaaliyeed oo cadaalad ku shaqeeya dib lowgu yagleelilahaa.

Burburka Qarankii Soomaaliyeed ayuu doorka koobbaad kaga jiraa gooni isutaagga Soomaaliland, halka Muqdisho oo aan xal loo helin kaalinta 2aad kaga jirto