Cadayn In Uunan Suurtagalayn Gooni Isu-taagga Somaliland Iyo Kala duwanaashaha Jabuuti iyo Somaliland(Qormo-gaaba)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Soomaalida ayaan wali fahmin erayga Dawlad.
Waxaana wanaagsan in ay Soomaalidu horta marlabaad si fiican isku waydiiyaan waa maxay Dawlad?.

Hadaba Dawlad wax kale ma ahan ee waa wax la isku darsaday oo umad meel degan ay ku heshiiyeen in ay wax wada wadaagaan, waxayna ka dhigan tahay sida iyadoo 20 qof ay min 1000 doolar isku darsadeen oo markaas ka dib qof ka mida lacagtii 20 kun ee la isku darsaday loo wada dhiibtay, oo la yiri mudadaas noo maamul.

Hadaba hadaan mawduuca durbo ku boodo.

1) Soomaaliland dadka dega ma dad kuwada qanacsan baa in beelaha degaanadaas degan ay inta wax isku darsadaan la baxaan magacan Soomaaliland oo markaas sidaas aduunku ku aqoonsado?.

2) Mise dadka hadda dega deegaanada Soomaaliland inta qolo kale gumaysatay bay hadda un xornimadii qaateen, oo markaas wada go’aan sadeen in ay dhistaan Dawlad ay isku darsadeen oo la yiraahdo Soomaaliland?.

3) Mise Qabiil ka mida qabiilada dega dhulka Soomaaliland baa dantiisa ka arkay in ay wacnaan lahayd in la dhiso Dawlad layiraahdo Soomaaliland oo markaas beelaha kale ee deegaanka degana sidaas lowgu khasbo?.

4) Mise qacmo shisheeye ayaa dantooda ka arkay in Soomaalida lakala qaybsho iyagoo danahooda ka arkay in ay marka ay kala qaybshaan ay dano badan ka dhamaysan karaan.

Jawaabtu waa cadahay, waana 2-da qodob ee 3aad iyo 4aad.

Hadaanse dib ugu noqdo Dawlad.

Dawladaha dunida maanta ka jira waxaa lagu maamulaa dhaqaale, shacabkii inta dawlad samaysta aan dhaqaale abuurin dawladoodu inta badan waa ay ragaastaa aakhirkana burburtaa.

Waayo maanta dunida waxaa ka socda tartan dhaqaale, wadankii aan warshado lahayn lama tartami karo wadan warshado casriya u shaqaynayaan, lacagta wadankaasna waxaa ku dhacaya qiima dhac waayo lacagaha aduunka shaqeeya maanta waa kuwa ku shaqeeya siyaasadda dalalka warshadaha waawayn leh, oo haddii aadan wax soo saarin lacagtaadu waa qiima dhacaysaa, dawladiina waxay u baahantahay lacag ay dalka ku kala socodsiiso, taasi oo aynan dawladdu shaqayn karin haddii uunan dalku wax soo saar lahayn

Laakiin haddii shacabka dawladda wada dhistay uu dhaqaalaha ay soo saaraan uu yaryahay, balse ay kuwada qanacsanyihiin sida wax loo maamulayo, dawladnimadoodu waa sii waartaa.

Waxaa kaloo jira dalal dhaqaale badan leh, oo gacanta ku qabta dalyar oo aan dhaqaale lahayn oo markaas kaba oo ka kaba dawladdaas dhaqaalihii ay dalkaas ku maamuli lahayd iyo waliba awooddii ama nabadgaluyadii, isla markaasna ka illaasha gacmo shisheeye.

Laakiin dal aan dhaqaale ku filan soosaarin isla markaasna aan ku tiirsanayn dalkale oo dhaqaale ballaaran  iyo awoodba leh, hadana aynan dadka deegaankaas wada degan aynan kuwada qanacsanayn nidaamkaas, waxaa adag sida ay dawladaas kusii shaqayso.

Jabuuti iyo Somaliland.
Jabuuti waa dhul-yar oo faransiisku xillihore uu Dekad wayn ka dhistay oo uu maamuli jiray, waana dal aad u yar, markii uu Faransiisku xornimada siiyay wuxuu in muddo ahba Faransiisku gacanta kusoo hayay dawladihii soomarray Jabuuti oo Faransiiska ayaa kabi jirray dhaqaalaha dawladdu u baahnayd walaba Faransiiska ayaa ka illaashan jiray Gacmo shisheeye, waana sababtaas sababta ay Jabuuri illaa mudadaas ay Dawlad kusoo nqotay iyadoo aynan ku qanacsanayn hanaanka ismaamul beelaha wada dega Jabuutti.

Waxay kaloo Jabuutti kaga duwantahay Soomaaliland, markii ay Jabuuti xornimada qaateen beelihii Jabuuti wada degayay waxay hamuun u qabeen xornimo, waxayna ku midaysnaayeen in ay wada dhistaan Dawlad Madaxbanaan.

Halka beelihii Soomaaliland wada degayay ay markii ay xornimada qaateen ku heshiiyeen in ay Soomaalidii talyaanigu gumaysanayay la midaabaan oo calankii koobbaad ee laga saaray Soomaaliland uu ahaa calanka buluuggaaa.

Dhibka kale oo Soomaaliland ka taagan waa beelaha Daaroodka ee Soomaaliland dega oo Dawladdii Siyaad Barre oo ay markaas qayb ka ahaayeen ay burburiyen beelaha SNM.

Waxaa intaas u sii dheer Soomaaliland ma ahan dal wax soo saara ee dhaqaalaheedu wuxuu ku xiranyahay Xoolaha Sacuudiga loo dhoofiyo, ama saadaalin in mustaqbalka laga heli doono batrool, inkastoo hadda la cadeeyay Batroolka Soomaaliya ugu badan in uu ku jiro badwaynta India.

Dhanka Ingiriiska.
Dawladda Ingiriiska ee Soomaaliland gumaysan jirtay maanta diyaar ma u tahay in ay kabto baahida dhaqaale ee ay Soomaaliland u baahantahay.
Dawladda ingiriiska xisbiga hadda talada u haya waxay aaminsanyihiin in aynan hal shilin ku dhiibin meel aynan dan ugu jirin.
Markaas ingiriisku dantiisa ayuu illaashanayaa, wuxuuna hadda Safaarad ku leeyahay magaalada Muqdisho oo hadda dan gooniya oo uu ka helayo gooni isutaagga ma jirto, marka laga reebo siyaasiyiin xagjira oo ka shaqeeya sidii looga faa iidaysan lahaa dalalka soo koraya oo madaxa la isugu galin lahaa wixii laga dhici karo mustaqbalkana looga dhici lahaa.

Arrimahan oo dhan markaad eegtid ayaa waxaa kuu soo baxaysa in siyaasiyiinta wada fikirka gooni isutaagga Soomaaliland in uunan noqon doonin fikir mira dhala ee ay iyaguna waqtiga iska qaadayaan Soomaalida kalena gumaynayaan.

Waa eraygii ahaa
Ma tabcade lagana tabcade.

Isku soo duub oo waxaa marar hore oo badan rumoobay warbixio aan ku qornay P/O.

Xalka.

Marka koobbaad Soomaali Illaahay ha u xamdi naqaan, waayo illaahay wuxuu Soomaali siiyay nimcooyin aan la siin qowmiyadaha kale ee dunida nagula nool, waxaanad mooddaa in Ay Soomaali ka mahad naqin nimcooyinka sida goonidaa ee illaahay u siiyay Soomaali.
Marka koobbaad waa in ay nimcooyinka illaahay saacad kasta ka mahadnaqaan, halkaan ka eeg nimcooyinka lllaahay sida goonidaa u siiyay.
Waxaana wanaagsan nidaam Federaala oo ka koobban dawlad gobaleedyo sida

Soomaali oo qaadata Federaal oo noqota Gobalada soo socda.
Gobalka Somaliland.
Gobalka Maakhir/Khaatumo.
Gobalka Puntland.
Gobalka Galmudug.
Gobalka Shabeelada/Hiiraan.
Gobalka Koonfur Galbeed
Gobalka Jubbaland.

Gobalkastaa uu khayraadkiisa (Hadday noqon lahayd macdan ama dhaqaalaha canshuuraha laga hello)–> 80% qaata, Federaalkuna qaata 20%, calashaan wixii qayraada ee Gobalkaas soo gala ama canshuura boqolkiiba 80 waxay ku dhacaysaa khasnadda Gobalkaas, boqolkiiba 20 waxay ku dhacaysaa khasnadda DFS.
Laakiin maamulka loo dhiibo dad daacada, caasimadda magaalo cusub hadda la dhagax dhigo, meel lagu wada heshiis yahay oo sharci gooniya loo sameeyo.

So simple.

Qolooyinka gacmaha shisheeye iyo shirkadaha maafiyadaa ee dalalka soo koraya macdantooda booba qudhoodu waxba u suuragalimayaan ee waqtiagy iska dhuminyaan.

Akhri maqaalkaan kale oo aan ku cadaynayno sida ay u adagtahay in beesha caalamku aqoonsadaan Soomaaliland xitaa haddii ay beelaha wada degaa isku raacaan
jubba shabeele

Puntlandobserver Desk.