Cadayn Sida Illaahay Soomaali Ugu Eexday Oo Ay Uga Jaanis Fiicanyihiin Qowmiyadaha Kale In Ay Samaystaan Dawlad (Qoraal Muhiima)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Nidaam dawladeedka aduunka ka jira, waxaa la yoraahdaa Qaran (nation) qaran waxaa lagu micneeyaa dad deegaan wada dega oo ku heshiiyay in ay wada dhistaan dawlad.
Hadaba in qaran la samaysto waxaa ugu nasiib baddan oo illaahay wax dheeriya siiyay oo ay tahay in ay ku xamdi naqaan, waa umad isku diina, isku luuqada, isku eg oo isku jinsiya, oo waliba dhul ballaaran oo ku fillan oo qaniya haysta ee uunan dhulku ciriiri ku ahayn.
Waxaa kaloo muhiima in uunan jirrin dulmi ay is dulmiyeen.

Hadaba Illaahay ayaa Soomaalida arrimaha kore oo dhan u dhammaystiray.

Akhri Qormada 10 Magaalo Oo China Ku Yaal Ayaa Magaalo Kasta Waxaa Ku Nool Celcelsi Dad Ka Badan Soomaalida

Hadaba waxaa ay beesha caalamka naga dhaadhiciyaan in aynan Soomaali Qaran wada samaysan karrin oo deeqdii illaahay Soomaali siiyay ayaa la rabaa in la marrin habaabiyo.

Dhanka kale beesha Caalamku labada dal ee aan dariska nahay ee Kenya Iyo Ethiopia oo waliba xitaa dhul xoog ku haysta isna dulmiya oo ka kooban min 70 qowmiyadood iyo ka badan waxay leeyihiin qaran, halka Soomaali la leeyahay idinku qaran ma yeelan kartaan.
Waxaa kaloo la rabaa oo ay beesha caalamku rabbaan in la abuuro dulmi Soomaal dhexdeeda si marrin habbaabinta loo xaqiijiyo, oo soomaalida loo tuso in aynan wax isku darsan karrin.
Waxaa jira deegaano aan saas u badnayn oo ay marba reer miyigu dhan u guuraan sida deegaanada u dhexeeya beelaha Hartiga iyo isaaqa, ama hawiyaha iyo daaroodka ama wax noocaasa.

Hase yeeshee deegaanadaas xal waa loo helikaraa oo meel dhexdhexaada ayaa lagu heshiin karaa.

Tusaale beesha dhulbahante waxay sheegataa xuduuddii Ingiriisku dhexdhigay isaaq iyo dhulbahante, laakiin maanta beelaha isaaq dhul durugsan  ayay xuduuddii dhanka dhulbahante usoo dhaafeen, taasi waa marka laamiga laga eego laakiin marka baadiyaha laga eego, waxaa lasamayn karaa in dhexdhexaad laga dhigo oo qoloba in ay tanaasusho tusaale Oog waa meel dhexe oo la isaga tanaasuli karro.

Dhanka kale aagga oog ayaa laga samayn karaa degmo yar oo ay wada degaan Dhulbahante iyo Isaaq oo hoos tagta DFS, si beelaha wax la isugu daro, laakiin laga shaqeeyo cadaalad.

Dhulku waa dhul illaahay, waa dhul Soomaaliyeed, waxaa muhiima in shacabka la wacyi galliyo oo kala shakiga laga saaro.

In shacabka wax la isugu daro, oo horayba wax isugu jirreen oo wiil iyo abti isugu ahaayeene in hadana illo dhaqaale sidii lowgu abuuri lahaa lagu mashquulo, oo la joojiyo qorigaan lala cararayo, xiligii caqligu shaqayn lahaa baa la jooggaa.

laakiin waxaa xun wixii dulmi iyo iimaan la’aan la xiriira.

 

Waxaa Soomaalida ku fillan hal hees oo heesihii hore ah oo ay dhammaantood la wada jilboonayaan, ama hal mmuxaadiro sh mustafe  oo midaysa, waa dadka aduunka ugu dhaw in ay si deg dega isku cafiyaan.

 

Waxaase mooddaa in laga shaqaystay.

Waxaa wanaagsanaan lahaa shir dib u heshiisiineed oo u dhexeeya beeaha Daarood iyo isaaq in la qaban qaabiyo.

Puntlandobserver.com desk