10 Magaalo Oo China Ku Yaal Ayaa Magaalo Kasta Waxaa Ku Nool Celcelsi Dad Ka Badan Soomaalida oo Dhan,Soomaali Illaahay Wuxuu Siiyay 3300km Bad, 2000km Wabi Dhul Aad U Ballaaran (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

wacyigalin
Illaahay ayaa Soomaali uga eexday bini aadamka kale ee illaahay caalamka ku abuuray markii Illaahay Soomaali siiyay Dhul aad u ballaaran bad iyo Bari, 3300 km bad ah, 2000km Wabi, markii illaaahy Soomaali ka dhigay hal qowmiyad oo wadaaga diin, arragti, luuqad, jinsi, waxwalba oo bini aadam wadaagi karo, ogow kenya iyo Ethiopia oo Soomaali daris la ah, mid kasta waxaa ku nool 70 Qowmiuyadood in ka badan hadana waa wada nool yihiin.

Geela aduunka ku nool in ka badan kala bar illaahay wuxuu siiyay Soomaali halkaan ka akhri qormadaas

Haddii 10 magaalo oo china ku yaal ay magaalo kasta ku nool yihiin dad ka badan Soomaali oo dhan, hadana Soomaali oo Illaahay siiyay dhulka baaxadaas le’eg dadka ku noolna ay ka yar yihiin mid kamida 10 magaalo oo China ku yaal, hadana China oo waxaas oo dada nabad ku wada nool yihiin, sidoo kale india oo ay ku nool yihiin 1300 oo million ay nabad ku wada nool yihiin, halka Soomaali lagu qiyaaso wax ka yar 10 million, hadana Soomaalida sidaas u yar ay nabad ku wada noolaan waayeen

Halkaan ka eeg qormada nimcooyinka illaahay Soomaali siiyay

Laakiin ogow illaahay markasta waa imtixaamaa bini aadamka oo haddii ay ku shukriyaan nimcada illaahay siiyay illaahay waa u kordhiyaa, haddiise ay garanwaayaan nimcada illaahay siiyay waa la imtixaamaa.

Soomaalida waxaas oo nimco ah illaahay siiyay halkii ay illaahay ugu shukrin lahaayeen ayay kibir qabyaalad, eex, khaa’in nimo wax allaale wixii xumaato ah dhexdooda isku sameeyeen.

Waana sababtaas baan is leeyahay sababta ay Soomaali u noqotay
Qaxootiga aduunka ugu badan
Dalka ugu rabshadaha badan aduunka.
Dalka ugu fakhrisan aduunka.
Dalka ugu musuqmaasuqa badan aduunka.
Dalka ugu argagixsa badan aduunka.

Soomaalida walaalahaa ee isku beeshaa ee degan magaalada muqdisho muddo 27 sano ah waxay garan waayeen in ay qabtaan shirar nabadeed oo ay banaanka usoo baxaan oo yiraahdaan dad walaalo ah baan nahay maxaan isku dilaynaa.

Waxay garanwaayeen in ay yiraahdaan aduunkoo dhan waa ay wada nool yihiin dadkiisu, ilmahoodu iskuul bay u aadaan maxaan annagu isku laynaynaa innagaaba dadka aduunka isugu dhaw eh.
Halkaan ka akhri qormada cadaynaysa in Soomaalidu isku aabe wada yihiin markii DNA laga qaaday Soomaali kala qabiila ee ku nool Canada

Maxaa xal ah

Waxaa laga rabaa qofkasta oo Soomaaliya in uu jiifka ka kaco, ay bulshadu banaanka usoo baxaan.
Xalka Soomaalidu waa iyadoo ay Soomaali hesho nidaam cadaaladeed.
Haddii wixii dadku isku darsaday ee nidaamkii dawladda si cadaalada loo maamulo oo waxwalba runta laga sheego oo beenta iyo eexda laga illaasho, oo musuqmaasuq laga illaasho.

Waxaa soo noqonaya is aaminaaddii Soomaalida, waxaa meesha ka baxaya kala shakagii, waxaa meesa ka baxaya qabyaaladdii, waxaana soo laabanaya midnimadii.
Nidamaaka dawladeed ee hab cadaalada loo maamulaa wuxuu kordhinyaa kalsoonidii ay dadku isku qabeen.

hadaba ruuxa 20 dolar oo hanti dawladeeda musuqmaasuqa ogow ruuxaas waa ruux musuqmaasuqay umad dhan masiirkeed iyo wada jirkeed.
Sidaas la ajligeed ayay dalalka horumaray musuqmaasuq uga illaashaan hantida dawladda, oo ay ciqaabaan qofkii lagu qabto musuqmaasuq yar oo hanti dawladeeda waayo ruuxaas wuxuu musuqmaasuqay umad dhan wada jirkood oo laga yaabe in dad badan ku daydaan aakhirkana uu nidaamkii dawladda ee umadda ka dhexeeyay la aamini waayo.

Si kooban u diyaariye
Ibrahin Sh Maxamed Gablax

Akhri qormadaan
Sidee Soomaaliya Xal Lowgu Hellikaraa, Loogana Hortagi Karaa Xildhibaan Codkiisa La Iibsanayo (Qaybta Koobaad)

Ama Qormadaan
Doorashada 2016 sida ugu cadaalad san ee xildhibaanada loosoo xuli karo(Qormooyin iyo Aflaam)