Cali Khaliif Saaxiibki Faysal Cali Waraabe: Reer Soomaalilandi-yow Waxaa Isku Xirmay Kismaayo, Farmaajo, Kililka, Puntland

Filed under: Important News,Wararka |

FAYSAL GALAYR

Faysal Cali Waraabe oo 27 Sano ka shaqaynay burbirinta Qaran Soomaaliyeed iyo buunbuuninta qabyaaladda ayaa maanta ku doodaya in aynan jirrin maalin ay uga xuntahay.
Faysal Cali Waraabe oo aan ogayn luuqadda uu ku hadlayo ayaa afkiisa isku duqaynaya, mar wuxuu leeyahay 27 sano ayaan ka shaqaynayay  burburinta midnimada Soomaaliyeed iyo Qaran-Soomaaliyeed.
Marna wuxuu leeyahahy reer SSC-yow ama reer Khaatumow kaalaya oo igu taageera burburinta qaran Soomaaliyeed, iyo ka hortagga beelaha Daaroodka oo hadda isku xirmay min Kismaayo, Garoowe, Kililka, iyo Farmaajo—> wakaas caqliga siyaasi Soomaali.

Siyaasi Soomaali waa siyaasiga aduunka waxa siyaasi ku nool ugu hadaf xun, sida Faysal Cali Waraabe.
Laakiin dhibku Faysal ma ahan ee waa shacabka Soomaalida oo ay xumaan ka buuxdo oo qofka qaldan aan qaladkiisa u sheegayn ee fidnadii iyo qaladkii ku taageeraya.
Laakiin fidna wade haddaad taageerto, hadhow fidnadii iyo qabyaaladdii iyo xumaantii ka buuxday wuxuu la soo dhex fariisanayaa gurigaaga, waxayna Soomaalidu garan waayeen in ay saas u fahmaan in Fidna wade meeshiisa la isaga qabto.

Faysal Cali Waraabe hadduu daacad yahay Xamar lama shaqaysteen xukuumaddii Siyaad Barre 1999 markii gobalada waqooyi la xasuuqayey, oo hadduu daacad yahay markaasuu ka dhiidhin lahaa cadaalad darada.

laakiin hadda Faysal waa nin ay gacmo shisheeye ku shaqaystaan oo shilimaadkiisa yaqaan sida Soomaalidaan masaakiintaa looga qaato, lowguna sheego wixii la doono iyo waxaan jirrin.
Beentiisa kismaayo iyo Garoowe iyo farmaajo isku xirranna ma jirraan, oo tusaale Axmed Madoobe waa nin cidwalba la shaqaysta, Gaas iyo Famaajana waaba la ogaa wiigagan sida ay siyaasadda ugu kala qaybsanaayeen oo Sacuudiga iyo Qatar ula kala safnaayeen.

Soomaaliduse waxay ku maahmaahdaa iisheeg saaxiibkaa aan ku sheeggee.
Cali Khiyaamo Khaato iyo Faysal waxay u saaxiibeen waa isku afkaar iyo xooggaa lacaga oo ay gacmo shisheeye kaga qaataan buburinta midnimada umadda ,

Maxay Isaga Mid Yihiin Faysal Cali Waraabe, Faysal Qooto Qooto, Iyo Cali Khaliif, Cali Qoot Qooto