Daawo Riyadii Kooxihii Muqdisho, Farmaajo haddii uu Puntland Bookhdo Taageeradaan Kala Noqonaynaa, Haddii Ay Puntland Ethiopia xiriir Ganacsi La Samayso Farmaajaan U diraynaa oo Leenahay Soo Burburi (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Soomaalidu waa dad riyo ku naaxa oo jecel in ay marwalba inta xaqiiqda ka tillaabsadaan wadada riyada afka saaraan.

Madaxwayne Farmaajo Waligiis ma aanu bookhan Somaliland iyo Puntland, hadana wuxuu ku doodayaa in uu yahay ninka xukuma Somaliland iyo Puntland oo leh waxaan rabaa in ay aniga isoo maraan marwalba.

Waxaana habboonayd in uu hadda isku mashquuliyo sidii shacabka Soomaaldiaa ee kala irdhoobay dib u heshiisiintooda iyo in kalsoonidooda la isku soo celiyo awoodda loosaari lahaa.

Laakiin qolada saxaafadda xamar ka shaqaysa ayaa jecel khiyaaliga iyo iska hadalka, waxayna isku dheerarinayaan Dawladda Federaalka Ee Ethiopia oo ay hal koox xoog ku haysto, isla markaana sooba dhawaynaya haddii la helayo koox Soomaali xoog ku xukunta ama isku dayda in ay xoog wax ku maamullaan, waxaas oo aan ahayn mid shacabka ka yimid ee ah wax kor looga keenayay oo uu gadaal Mastarku ka fadhiyo si loo hello koox gangs ah oo kaligood talada dalka lagala xisaabtamo (Mastarku waa kooxaha aduuka maamula).

Marka waxaaba ka sii daran, haddii hadda Farmaajo bookhdo Puntland, qolada muqdisho taageerada waa kala noqonayaan, hadana waxay ka dhaadhicinayaan Farmaajow orodoo Ethoipia u sheeg in ay Puntland soo marto muqdisho haddii ay dan ka leedahay Ethiopia.

Waa caqli xumada soomaalida laakiin halkay ku danbayso ayaan arki doonnaa.

 

Reer Muqdisho Sidan Ma U Taageeri Lahaayeen Farmaajo Haddii Uu Bookhan Lahaa Puntland sidii CabdiWali Iyo Saacid markay Puntland Bookhdeen laga xayuubiyay Xukunkii (Qormo Gaaban)

 

8 Responses to Daawo Riyadii Kooxihii Muqdisho, Farmaajo haddii uu Puntland Bookhdo Taageeradaan Kala Noqonaynaa, Haddii Ay Puntland Ethiopia xiriir Ganacsi La Samayso Farmaajaan U diraynaa oo Leenahay Soo Burburi (Fallanqayn)

  1. Pingback: Xildhibaan Beesha Reer Sh Isxaaq Oo Raysalwasaaraha Ethiopia La Taliyay: War Farmaajo Waa Nin Daarooda Oo Kililka Shanaad iyo NFD Daarood Baa Dega oo Haddii Reer Shiikh Isxaaq Iyo Daarood Iyo Hawiye Isku Biiraan Waxay Dagaal Ku Qaadayaan Ethiopia (Daawo +