Dagaalkii Gaalkacyo maxaa laga faa-iiday oo aan dhib ahayn (Qormo Gaaban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Hadda ka hor waxaan ku daabacnay Warbaahinta Puntlandobserver in shacabka reer Swdeden ay dalkooda ka illaasheen wax dagaala muddo 800 sideed boqol oo sano gaaraysa, reer Sweden kama qaybqaadan dagaalkii koobaad iyo kii labaad ee aduunka, waxayna shacabka reer Sweden isku balan sadeen in aynan xitaa lakala safan wadamada is dagaala ama xanafi dhexmarto ee ay marwalba illaa xad isku dayaan in ay dhexdhexaad ka noqdaan.

Balse reer Iswidhan meel iskama fariistaan ee waxay awoodda saaraan in ay dhanka tabarucaadka ka qaybqaataan dadkii ay waxyeelada kasoo gaareen dagaalada daawayntooda iyo xanaanaynta qaxootigooda.

Marka hadaan eegno dagaalkii Gaalkacyo oo la baajinkaray maadaama waxa la isku hayay ay ahaayeen oo kaliya dhismaha wado laamiya oo 130 Mitir ah.
Wadadan ayaa ku taal xaafadda garsoor ee wadada Muqdisha ka timaadda dhankeeda bidix xigta, xaafadda Garsoor ayaa waxaa ay ka tirsantahay Puntland inkastoo ay shacab badan oo reer Galmud ah degan yihin waliba dhankeeda koonfureed.

Puntland ayaa ku doodaysa wadadaan waa dhisaynaa waxay ka tirsantahay deegaanka Puntland waana wado dadkoo dhan anfacaysa
Halka ay Galmudug ku doodayaan in ay Puntland qorshaysnayso in ay saldhig ka furidoonaan goobtaas oo ah Goob istaraaji ah oo hadhow iyaga carqalad ku noqon korta.

Dhanka kale Puntland waxay ku doodaysaa in ay saldhig ka dhisteen Galmudug meel wadadaas waxyar u jirta oo dhanka baraxley ee midig ka xigta wadada Muqdisha ka timaada.
Puntland waxay ku doodayaan markii ay Sacadku saldhigga aagaas ka dhisanayeen ma aanan oran Saldhig kama dhisankartaan halkaas, sidaas awgeed in ay hadda yiraahdaan waxba kama dhisankartaan wadadaas waxaan u aragna daandaansi

Bil xaqiiqiyan waxay ahayd in laga wadlo arinkaas wadadaas dhismaheedana aan lagu degdegin oo marka hore laga wada hadlo, haddiise ay Puntland ku adkaysatay in ay dhisayaan waxay ahayd in Galmudug ay u qaataan dhanka wanaaga oo sidaas isaga dhaafaan waayo Puntland waxayba bar kontorool ku leeyihiin meel aad uga fog oo dhanka Muqdisho xigta.

Isku soo duub iyadoo arrinkaas fudud si fudud xal looga gaarikaray maanta muxuu dhibaato sababay.
Imisa ruux baa ku dhintay.
Imisaa ku barakacay
Imisaa ku dhaawacmay.
Imisa Kharsh iyo Guryaa ku burburay

Maxayse Soomaali ka faa-iideen dagaal ehligii 24-ka socday

Waxaan ku soo gabagabaynayaa
“DAGAAL WIIL KUMA DHASHEE WIIL BAA KU DHINTA”

Puntlandobserver Desk