Xadaaradda Sweden Maxay Soomaalidu kaga dayan karaan (Maqaal Kooban)

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Daawo video Animationkaan si aad u aragto Boqortooyadii Sweden illaa xiligi ay soo billaabatay 100 bc, iyo boqortooyadaas oo Finland iyo Sweden Xukumaysay.

Markii aan dalalka Europe oo dhan isku fiirshay waxaa ii soo baxday In Sweden iyo intii la xadaaradda ahayd aan marna la gaarayn, waxaan kaloo Sweden lamid ah wadamada la dariskaa sida Finland, Norway iyo Denmark waayo isku boqortooyaa xukumaysay.

Si Xadaarad fog loo gaaro ama Ilbaxnimo gaamurtay loo gaaro waxaa loo baahanyahay Xukun Muddo qarniyaal ah aan wax ku biira mooyee aan marna waxba ka dhimmin ama aan la carqaladayn.

Hadaba sababta aan Swden maqaalkan ugu soo qaatay waa Sweden muddo kun sano ka badan ayaynan dalkeeda wax dagaala ama xukun maroorsiya ka dhicin, wax ku soo siyaada mooyee, xooggaa Boqortooyada ayaa hadba dhulkeedu sii ballaaranayay.

Boqortooyadii Sweden maamulaysay waxay 1000 sano ka hor fahmeen in dagaal iyo colaadi dhib mooyee aynan wax faa iida ah soo kordhin, sidaas la ajligeed ayay reer Sweden isaga illaasheen wax dagaala, waayo Boqortooyadaas ayaa ahayd Boqortooyo aragti dheer.

Waana sababtaas sababta aan Sweden marna loola tartami karin, runtiina Xadaaradu ma ahan Daaro dhaadheer iyo Laamiyaal ee waa sida aad Shacabkaaga Asluubta iyo dhaqan wanaagga uga dhistid (Dhaqan shaqo, dhaqan waxsoo saar, dhaqan cadaalad, dhaqan wadaniyeed), ee ma ahan warshado uu dhisay nin Diktaatoora oo shacabka la dagaalama.

Si aad shacabkaaga hurumar ugu horseedidna waa in aad la timaadaa nidaam loo siman yahay oo eex iyo kibir ka bari yahay.

Sweden kama qayb qaadan Gumaysigii Africa, kamana qayb qaadan dagaalkii koobaad iyo kii labaad toona, xitaa Boqorkii Sweden xukumayay 1800 markii Finland oo Swden hoos imanaysay uu Ruushku soo weeraray Boqorkii Sweden markuu arkay in laga awood badan yahay wuxuu heshiis la galay boqortooyadii Ruushka in aannu mardanbe kula dagaalamayn ruushka Finland, si markaas calaa aqali uu Boqorku Sweden dagaal uga badbaadsho, runtiina xal wanaagsan bay ahayd oo markii danbe ee Finland ay Ruushka ka xorowday Finland waxaa badbaadshay Sweden.

Maqaalkan waxaan kusoo koobayaa Soomaalidu ha iska dhaafeen Dagaaladaan faraha badan oo reer Sweden ha kaga daydaan Asluubtaas ku salaysan in dad la horumariyo ee aan meelna kaga salaysnayn in dadkii dhib iyo dagaal loo horseedo

Si kooban u diyaariye
Ibrahin Sh Maxamed Gablax gablax@yahoo.com Finland

One Response to Xadaaradda Sweden Maxay Soomaalidu kaga dayan karaan (Maqaal Kooban)

  1. Pingback: Akhri Qormooyinkii Aan 2015 Ku Daabacnay P/O Ee Maxay Soomaali kaga dayan Karaan Sweden Iyo Cumaan (Nabad Nabad Dhedhexaad) | Puntland Observer