Dahabshiil oo dhabarka jibiyay Muse Biixi kadib markeey Hal Milyan dollar siisay iyo Maqaal muhim ah

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Akhriso Maqaal 3 sano ka hor aan Puntlandobserver ku daabacnay sida Soomaaliya Doorasho xalaala looga hirgalinkaro

– Milkiilaha Shirkadda Dahabshiil oo Hal Milyan oo dollar ugu deeqay Musharaxa Xisbiga Kulmiye Mohamed Biixi Yoonis sida ay Waagacusub u sheegeen hoowlwadeeno ka tirsan Shirkadda oo siyaasad ahaan taabacsan Muse Biixi . Lacagta taageeradda ee Shirkadda Dahabshiil siisay Wasiir Mohamed Biixi ayaa dhabar jibisay Gudoomiye Muse Biixi oo rajo ka qabay inuu tartanka culus kaga guuleeysto Wasiir Biixi. “Wasiir Xersi ayaa lacagta halka Milyan ka soo dhameeyay Ganacsade Dhiigshiil maxaa yeelay Wasiir Xersi wuxuu horkacayaa ololaha Musharax Mohamed Biixi,wuxuuna dagaal qaraar kula jiraa Wasiir Mohamud Hashi oo wata Musharax Muse Biixi” ayuu yiri Wasiir Abdillahi Cukuse oo Jaaliyadda UK qaarkood u xog waramay si hoose. Wasiirka Madaxtooyadda Xersi Cali Xaaji Xasan ayaa ku faanay iney gacanta Mohamed Biixi ku jirto lacag dhan lix Milyan oo dollar taas oo loogu tala galay in xubnaha golaha dhexe qof walba la siiyo lacag dhan konton kun oo dollar si ay ugu codeeyaan Wasiir Mohamed Biixi. Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu wadaa inuu maalinta sabtiga uga dhawaaqo London inuu ka tanaasulay Musharaxnimadiisii . Mohamed Biixi Yoonis waa aqoonyahan heeysta derajadda ugu sareeysa Cilmiga Ph’d ,wuxuuna mudo dheer u soo shaqeeyay UN-ka halka Muse biixi uu yahay Jeneral adag oo horkacayay Jabhadii SNM . Muse Biixi waxaa lagu dacaayadeeynayaa inuu yahay nin dagaal badan oo hadii uu xilka qabto labada jiho weerar ku qaadi doono . Muse Biixi wuxuu reer ahaan ka soo jeedaa Sacad Muse,Reer Samatar halka Mohamed Biixi ka soo jeedo Sacad Muse ,Nuux Ismaaciil. Ganacsade Mohamed Said Duale Dhiigshiil wuxuu dhawaan guursaday gabadh reer Samatar ah oo Muse biixi adeer u yahay . Muse Biixi waa nin dagaal ayey dadka yaqaan leeyihiin laakiin lama ogga sida uu kaga aargoosan doono Ganacsade Dahabshiil oo araxda jibiyay hankiisii siyaasadeedna wiiqay.”

aagacusub.info – Milkiilaha Shirkadda Dahabshiil oo Hal Milyan oo dollar ugu deeqay Musharaxa Xisbiga Kulmiye Mohamed Biixi Yoonis sida ay Waagacusub u sheegeen hoowlwadeeno ka tirsan Shirkadda oo siyaasad ahaan taabacsan Muse Biixi .
Lacagta taageeradda ee Shirkadda Dahabshiil siisay Wasiir Mohamed Biixi ayaa dhabar jibisay Gudoomiye Muse Biixi oo rajo ka qabay inuu tartanka culus kaga guuleeysto Wasiir Biixi.
“Wasiir Xersi ayaa lacagta halka Milyan ka soo dhameeyay Ganacsade Dhiigshiil maxaa yeelay Wasiir Xersi wuxuu horkacayaa ololaha Musharax Mohamed Biixi,wuxuuna dagaal qaraar kula jiraa Wasiir Mohamud Hashi oo wata Musharax Muse Biixi” ayuu yiri Wasiir Abdillahi Cukuse oo Jaaliyadda UK qaarkood u xog waramay si hoose.
Wasiirka Madaxtooyadda Xersi Cali Xaaji Xasan ayaa ku faanay iney gacanta Mohamed Biixi ku jirto lacag dhan lix Milyan oo dollar taas oo loogu tala galay in xubnaha golaha dhexe qof walba la siiyo lacag dhan konton kun oo dollar si ay ugu codeeyaan Wasiir Mohamed Biixi.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu wadaa inuu maalinta sabtiga uga dhawaaqo London inuu ka tanaasulay Musharaxnimadiisii .
Mohamed Biixi Yoonis waa aqoonyahan heeysta derajadda ugu sareeysa Cilmiga Ph’d ,wuxuuna mudo dheer u soo shaqeeyay UN-ka halka Muse biixi uu yahay Jeneral adag oo horkacayay Jabhadii SNM .
Muse Biixi waxaa lagu dacaayadeeynayaa inuu yahay nin dagaal badan oo hadii uu xilka qabto labada jiho weerar ku qaadi doono .
Muse Biixi wuxuu reer ahaan ka soo jeedaa Sacad Muse,Reer Samatar halka Mohamed Biixi ka soo jeedo Sacad Muse ,Nuux Ismaaciil.
Ganacsade Mohamed Said Duale Dhiigshiil wuxuu dhawaan guursaday gabadh reer Samatar ah oo Muse biixi adeer u yahay .
Muse Biixi waa nin dagaal ayey dadka yaqaan leeyihiin laakiin lama ogga sida uu kaga aargoosan doono Ganacsade Dahabshiil oo araxda jibiyay hankiisii siyaasadeedna wiiqay.

Source Waagacusub