DARAJIYO XIL WAXAA MUDAN XAFIISKA IMTIXAANAADKA PUNTLAND By, Abdiwahab Saed Ibraahim

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

DARAJIYO XIL WAXAA MUDAN XAFIISKA IMTIXAANAADKA PUNTLAND

Markale waa Sanadkii Sadexaad ee aan ka qayb qaato Imtixaanaadka Qaranka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaan Horumar baaxadleh ahayna kalama aan kulmin xaqiiqdii oo Sanad walba Sanadka ka danbeeya waxa la casriyeeyaa nidaamka loo qaado Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo Kuwa Dhexeba.

Xaqiiqdii hadii aad tahay Macalin ama Shakhsi Damiir leh oo jecel Horumarka Dalkiisa iyo Dadkiisa waxaa kugu waajib ah in aad wixii saxan bogaadiso oo aad hambalyayso wixii qaldana aad sida Fiinta ugu qayliso si loo ogaado wixii qaldan ee horumarka Dhalinyarada kharibaya. Runta in laga sheego wixii jira ee aad goob joog u ahayd waa shay ka farxisa Cidii Samaysay Wanaaga aad tilmaamayso ee mudan in lagu daydo kana nixisa Cidii aan marin hilinkii toosnaa ee aad Qoraalkaaga wax ugu sheegayso.

Sanadkan Gudihiisii waxaan ka mid ahaa Macalimiintii u taagnayd qaaditaankii imtixaanaadka Shahaadiga ee Maamul Goboleed Soomaaliyeed ee Puntland maadaama aan ka mid ahay Macalimiinta ka hawl gala Mid ka mida Dugsiyada sare ee Ugu balaadhan Puntland, Markale waxaan Ilaalada Imtixaanka kaga qayb qaatay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland waxaan la shaqaynayay Kormeere Dhalin yaro ah oo aad Masuul u ah waa Ninka la yiraahdo MOHAMED ABDULAHI KHALAF oo ahaa runtii Shakhsi karti iyo hufnaan badan leh. Waxaan waardiyeynaynay Arday ka socotay labada Dugsi ee ugu Ardayda badan Boosaaso waa Dugisa SHAAFICI iyo IMAAMU-NAWAAWI BOOSAASO waxyaabaha aanan iloobi Karin waxa kamid ah mudo ku siman 6 maalmood oo aan ku gudo jirnay Imtixaanka maan arag Arday ka Akhlaaq iyo Edeb badnayd Ardaydaasi hal dhacdo oo tilmaamaysa fal xumaan ah kama aysan dhicin Goobtaasi aan joognay oo ahayd DUGSIGA SARE EE NAWAAWI BOOSAASO. Waxyaabaha aan xasuusto waxaa kamid ah may jirin Macalin soo daaha ama Arday soo daaha oo Fawdo abuura, ma jirin wax Akhlaaq xumo ah oo uu hal Arday ku kacay may jirin hal Arday oo fal Qish ah ku kacay runtii iska daa inuu fal ku kacee may jirin xataa Arday isku dayay inuu sameeyo fal qish ah waxaan Xasuustaa Kormeeraha oo nagu yiri Sanadkan Waxaa ila shaqaynaysay Macalimiintii Abid ugu fiicnayd een arko taasina waa ta keentay Nidaamka habaysan.

Sidoo kale waxaanan la iloobi Karin Maamule Xaaji oo Runtii isagu ahaa Shakhsi Suura galiyey in Imtixaanku ku qabsoomo Jawi degan waxaa uu naga haqab tiray Adeeg kasta oo loo baahnaa haday tahay Xafiisyo lagu hawl galayey, Marawaxado ka dhigay jawiga kuwo Degan maadaama Boosaaso ahayd xili kulayle sidoo kale waxaa uu naga haqab tiray Cabitaano qabaw iyo Shaahba Runtiina waxaa uu mudan yahay in loo mahad noqo hore ayaa loo yiri “Qof aan Dadka u mahad celin isna looma Mahad celiyo” waanu mudan yahay inaan xuso waxa uu naga caawiyey inaan si degan ku dhamaysano Ilaahay mahadii.

Dhankastaba ha ahaatee waxaa la sheegay in Deegaanadii Imtixaanaadka lagu qaadayay aanay wax dhib ah laga sheegin si haboona ku dhammaaday Tuulo iyo Degmo walba oo hoos timaada Deegaanada Puntland , hadaba in waxkastaba sidaa u dhacaan yaa keenay? Yaa ka masuula Ilaahay tiisa ka sokow?

In indhaha la iska qabtaa ma fiicna waa in la inaga helaa ugu yaraan Hal shakhsi oo Mahadnaqii waajibka inagu ahaa sheega hadaynu nahay Ardaydii, Macalimiintii, Waalidiintii iyo Dhammaan Shacabka oo dhanba. Hadaba yaad filaysaan in ay mahadnaqaasi mudan tahay in loogu deeqo, xaqiiqdu waxay tahay waa Xafiiska Imtixaanadka Puntland oo aan Anigu odhan karo waxaa uu kamid yahay amaba ugu horeeyaa Wasladaha Xalaasha ah ee ku hadhay Gayiga Soomaaliyeed oo dhan meel kastaba ha ahaatee inuu halkaa gaadhana waxaa Masuulka ah ama Sharaftaasi iyo Guushaasi soo jiiday waaa Hawl wadeenada xafiiska Imtixaanaadka oo uu ugu Horeeyo Shakhsiga Magaciisa la yiraahdo AHMED SAAHID iyo Dhalinyarada la shaqaysa oo uu ugu horeeyo MAXAMUUD “CAYNSANE “ . Waxaan ummada usoo jeedin lahaa Xafiiskaasi wuxuu mudan yahay in la abaal mariyo Hawsha ay ummada u hayaan una qabtaan markastaba, Sobobta loo Abaal marinayo aan bayaamiyo waxaa laga yaabaa in aad is waydiinaysaan Ninkani ma nin Amaanta wax lagu siiyey baa iyo waxyaabo kale oo Maskaxdiina ku jira ilayn waynu garanaynaa Dhaqankeena oo ah in aad tiraahdaan waa nin laga danbeeyo runtii Anigu waxaan ka mid ahay Macalimiinta Dugsiga GAMBOOL mana Aqaano AHMED SAAHID laakiin wanaaga Shaqadiisa ayaa isoo jiitay inaan idiin bayaamiyo laguna daydo runtii.

Hagaajinta Nimdaamka Xafiiskani waxaa uu keenay inuu soo saaro Arday leh Tayo Waxbarasho oo qiimo leh isuna Kalsoon oo kalsoonida ay ku qabaan Naftooda lagu soo tabaray oo la soo Carbiyey oo Aqoontoodu dhisantahay oo ku dadaalay sidii ay uga bixi lahaayeen Caadalada Xafiiska Imtixaanadka Puntland, waxa kale oo ay keentay Ardayda ka soo baxda Goboladatan Puntland in ay noqdaan kuwo ka miro dhaliya fursadihii waxbarasho ee la siiyey ee aynu ka helnay Wadamada Shisheeye. Waxaan ku cadaynayaa Arintaasi Anigu waxaan Macalin ka ahaa sidaan hore u sheegay Soomaliland iyo Puntland waxaan baadhay oo xaqiiq ah Ardayda ka timaada labadan Gobol kuwa ugu badan ee laga soo eryo Jaamacadihii ay tageen gaar ahaan Dalka Itoobiya waxaa ugu badan Ardayda ka timaada Soomaliland qaarkood aan si fiican u garanayo ama si kadis ah ayay uga soo laabtaan markay ka yaabaan waxa meesha yaala waayo waxaa jira waynu ka war haynaa Soomaliland oo halka uu marayo Imtixaanaadkeenu waan ka war haynaa in gabi ahaanba Imtixaanka lagalaa aanu ahayn wax lagu sheegi karo Imtixaan Ardayaasina Wax Carbin ah aanay helin taasi awgeed ay la qabsan waayaan Nidaamka Itoobiya, Ilaahay baan Idinku dhaariyee waan wada joognay Imtixaankii Qaranka Soomaaliland waanad arkayseen wixii dhacayay waxaa la watay Buugtii oo sidoodii ah kaaga darane Baraha Bulshada ayaa la soo dhigayey “Videos” ay Ardaydu iska duubayeen iyadoo lagu jiro Imtixaankii Bilaahi calaykum ma waxaad I odhanaysaan waxkalaad ka hadashaa oo Puntland baad Amaantaa waar aniga lexejeclo ayaa iga haysa Dhalinta Ummadayda aan ka soo jeedo waanan sheegayaa cadaynayaa wixii jira ee qaldan kuna dayda idin odhanayaa Cidii idinka wanaagsan runtii. Maxaad umalayn in ay ka dhacayeen meesha Ardaydii ay haleelayeen in ay Filimaan iska duubaan oo yiraahdaan Abdilaahi Dheerow kaalay wakaase Qish naga celi, waxaan Amaanayaa Dedaalka uu ku jiro WASIIR ABDILAAHI DHEERE oo ah Shakhsi ku dedaalaya sidii uu u soo celin lahaa karaamadii Wasaarada Waxbarashada Soomaaliland .

Bal waxaad eegtaa Xafiiska Imtixaanaadka Puntland waxaa uu suuro galiyey inuu sameeyo Falal layaableh oo Ummada soo jiitay oo ay ka mid yihiin Arday Imtixaanadkii loogu geeyey Dhakhtarada oo Xanuuno u jiifay Dhakhtarada iyo Guryahooda oo loo xilsaaray Ilaaliyayaal gaar ah , waxaa kale oo layaab ahay fal la ii sheegay oo ahaa Arday kamid ahaa Ardaydii u fadhiisatay Imtixaanka Dugsiga dhexe inuu Indho beelay isagoo ku guda jira imtixaanka kadib Hawl-wadeenada Xafiiska Imtixaanaadka waxay keeneen Qorshe cajiiba oo ah in ay wiilkii u qabteen wiil yar oo Walaalkii ah oo ah Afraad oo qorida Soomaaliga sifiican u yaqaan inta uu Ardaygii u akhriyo Su’aasha kabacdina wiilka Araga beelay markuu su’aasha dhagaysto uu Jawaabta bixinayay Wiilka yarina uu ku qorayay Warqada waa shaygii kaliya ee wadanka ka suuro galayey ilaahay Amarkii Soomaaliland taydiina kii Caafimaad qabay baynu Maskaxdii ka luminay oo iskadaa waxkalee Maskax beel ku ridnay waar Ilaahay aynu ka baqno oo Ardayda aynu ka dayno sidan aynu u khasaarinay oo aynu ku dayano Cashirana ka baro Walaaleheena Xaafiiska Puntland waxii lagaaga fican yahay waa laga Korodhsadaa cidii kaaga fiican waayo waxa ay Isticmaalaan Xafiiska Puntland Nidaamka uu Isticmaalo Xafiiska Imtixaanaadka Wadanka Sudan.

Waxaan Calool xumo ka qaadaa Arday Jaamacad ka baxay oo Imtixaano ugalayay hayadaha Caalamiga ah oo sheegtay Shahaado Jaamacadeed oo layaabay Wixii uu ku hadlayay sida uu ii xaqiiyey mid kamida Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo Hargaysa ku sugan. Waan naxaa markaan Arko Macalin Qish diraya waalid Ku leh kaalay maanta Ardaygaygii ayaad halakan wax uga yeerine waxaan dareemaa inaan Dhamaanteen nahay Danbiilayaal Qaran oo danbi wayn ka galay Shakhsiyada dadnimo iyo Mustaqbalka Dhalintaa Soomaaliyeed halka Xafiiska Imtixaanaadka Puntland uu waajibaadkaa Gutay oo uu runtii Cidii hawsha si fiican u qabtana Abaal mariyo kii Hawshiisa laga dareemo Dal-daloolna Ganaax la saaro iyo in laga Saaro shaqada Xafiiska Imtixaadka Dhammaanteed.

axmed said iyo shaqaalaha Imtixaanaadka Puntland

(Amed Saahid iyo Shaqaalaha kale oo gudoomay Shahaado sharaf)

Xafiiska Imtixaanka Puntland waa Waslad Xalaal ah oo Ka jirta Puntland waxaana in lagu Amaano mudan Hawl wadeenada Xafiiskan oo ah dad ilaahay u dhaliyey Daacadnimo iyo hawl karnimo Ilaahayna ku guuleeyey kuna Asturay Shaqadoodii wayna Ku mahadsan yihiin shaqadaasi Waan farxaa markaan arko shaqada ay ummada Soomaaliyeed u hayaan runtii waxaan u bogay Nidaamka sixitaanka oo aan ka qayb galay iyo sida ay usoo xushaan Shakhsiba shakhsiga uu ka Masuul san yahay Macalimiinta Puntland Horjoogayaalna uga dhigaan Shakhsiba shakhsigii uu ka Mudnaa, waxaa ka jirta wixii la odhan jiray “ The Right Person for the Right position” ilaahay haku garab galo Hawsha ay noo hayan AHMED SAAHID iyo Shaqaalaha la shaqeeya .

Waxan aad uga naxaa markaan Joogo Goobaha Imtixaanaadka Soomaliland waxaan iraahdaa Masuuqii Gobonimo ee Hargaysaad Joogtaa mise Goob Imtixaan waxaan Galay Fasal lagu qaadayey Imtixaanka Fasalada Afraad waxaan indhaha Saaray oo aanan Walaahi Been Sheegaynin Ardaydii fasalka ku galaysay oo ahayd Labaataneeyo Arday oo hal kursi kusoo wada fadhiistay sidii iyaga oo qabanaya Imtixaan kooxeed (Grouping Exam) waxaan qiyaasay Ardayga sidan Imtixaan ku galay maxaad ka filaysaa Beri haduu noqdo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, waxaan ka yaabay Ardaydu waxa ay ku odhanayaan maxaa na daalinaya kol hadii la wada qishayo oo Ardaydii maskaxda fiicnayd Niyad jab awgeed bay Waxbarashada uga tagaan dhibkaasina waxaa ka masuula Dhammaanteen hadaynu nahay Waalidiinta , Macalimiinta, Xafiiska Imtixaanaadka Soomaliland iyo Maamulka Soomaaliland Xaqiiqdana kama gabanayo sidaad doontaan u qaata inaan Dhaleecaynayo Soomaliland baad kolay u qaadanaysaane Laakiin waxay tahay inaan ka xumahay sida wax u socdaan iyo waxa iman doona horaa loo yiri ( Ninka ugu Il dheer baa Dadka ugu ayaan daran) waxaad soo saaraysaan Tuugtii Beri wadanka dhici lahayd halkaad filaysaan inaad soo saaraysaan Arday iyo Mustaqbalkii beri. Xafiiska Imtixaanaadka Soomaaliland na waxaa uu noqday Xarunta Tababarka Musuq maasuqa iyo Tuugtii Mustaqbalka hadii la sheegi waayo oo wax laga qaban waayo waa la eedi doona. Waad ogtihiin oo Aduunyada horumartay sida India waxaa la adeegsataa Military iyo Helicopters waa si loo ilaaliyo Mustaqbalka iyo kalsoonida dhalinta.

Waxaan baaq u dirayaa Aqoon yahankii, Odayaashii, Indheer–garadkii, Haweenkii, Dhalinyaradii iyo cidkasta oo Degan Soomaliland in loo gurmado Imtixaanaadka Qaranka Somaaliland cilmi korodhsina laga Qaato sida uu u shaqeeyo Xafiiska Imtixaanaadka Puntland runtii, Hadii aynu Rabno Mustaqbal aan ku dadaalno sidaan u soo celin lahayn Kalsoonidii Imtixaanadka Qaranka. Dhanka kale waxaan la socday oo aan warbixin ka helay imtixaanaadka Qaranka Dawlada Federalka sidoo kale waxaa jira iyadna in Imtixaanada qaarkood Banaanka lagu hayay oo baraha Bulshada lasoo dhigayay laakin dhanka Soomaliland waa uu Dedaalay sanadkan Wasiir ABDILAAHI DHEERE oo qishku Banaanka uma soo bixin laakiin waxaa uu ka jiray fasalada dhexdeeda.

Waxaan isbarbar dhiga ugu samaynaynaa labada Xafiis marka Ilaahii ina abuurtay laga baqo Xafiiska Imtixaanaadka Puntland waxa uu istaahilaa inuu noqda Xafiiska Qaran ee Ardayda Soomaaliyeed iyo inuu Tababaro u furo Xafiisyada Maamul Goboleedada kale, Intii Joogta Puntland ayaana Markhaatiga Furi doona mahadsanidiin.

Talo soo jeedintayda udanbaysaa waxay tahay halagu daydo Xafiiska imtixaanadka Puntland iyo nidaamkiisa Hufan laga bilaabo Imtixaan qaadid ilaa Sixid wixii khayr ahna waa la iskaga daydaaye Ilaahay ha ugu sii wado horumarka inta kale ee Soomaaliyeedna ha hagaajiyo.

By: Abdiwahab Saed Ibraahim

Tel: 0634451676/0907847649

Email: abdiwahab07@hotmail.com/abdiwahab07@gmail.com

Abdiwahaab Saed Ibrahim

My picture

Abdiwahab Saed Ibraahim: Arday reer Awdal ah oo isbarbardhigay habka imtixaanka Puntland iyo Somaliland: