Dib U akhri: Maxay Tahay Sababta Gobalada Sool, Sanaag Iyo Cayn loo Siiyay 3 Kursi Nugaalna Loo Siiayay 3 Kursi

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa baryahaan isa soo taraya warbaahin si qaldan wax u sheegaysa waxaaana aan idin la qaybsanaynaa warbixin kooban oo aan horay ugu daabacnay Maxay Tahay Sababta Gobalada Sool, Sanaag Iyo Cayn loo Siiyay 3 Kursi Nugaalna Loo Siiayay 3 Kursi –Halkaan ka akhri

Hadaba Aqalka Sare shaxdaan hoose ayaa si officail ah lowgu qaybshay, hadana Puntland usii qaybsatay iyadoo lagu salaynayo nidaamkii Gobalada oo sharciyan loo eegayo.

Somaliland 11,Puntland 11,Galmudug 8,Shabeele/Hiiraan 8,Banaadir 0,Koonfur Galbeed 8,Jubbaland 8.

11-KA XUBNOOD EE PUNTLAND IYO GOBOLADA:
3-Sool,Sanaag iyo Cayn (Degmada Buuhoodle)
2-Mudug
3-Nugaal-
3 Bari/Karkaar

Hadaba Gobalada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa bil xaqiiqiyan ah Gobalo ay beelo kala duwan degaan, waana hab calaa aqali cadaalad u muuqda habka loo qoondeeyay kuraasta aqalka sare ee ssc, iyadoo lixda kursi ee loo qoondeeyay 3 la raaciyay dhanka Puntland 3 illaa 2-na la raaciyay dhanka Somaliland, maadaama aynan dawladda fds aynan aqoonsanayn maamulka khaatumo,

Dhanka Puntladn ayaa la cadeeyay 3 da kursi ee ssc, halka dhanka Somaliland aan wali si saxa loosoo bandhigin.

Waxaana isa soo taraya dhalinyaro warbaahinta warar aan sax ahayn ku faafinaya, iyagoo iska indha tiraya hanaanka saxdaa ee wax loo qaybsaday, inkastoo haddii Gobalada 18-ka Gobal ee xukuuaddii siyaad Barre wax lagu salaynayo uu ka maqan yahay dhanka Gobalada waqooyi hal kursu calashaan 5*3=15 kursi, halka hadda loo qoondeeyay 14 kursi isku dar marka aad shaxda eegto.

Xaqiiqidiina waxay kuraasta badanaa raaceen dhanka GalMudug,iyo Gobalka Mudug oo helilahaa 1.5 haddii 4ta degmo wax lagu qaybsado, hadda se helleay 2, oo halkaas waxaa ku dheeriya Aqal barkii inkastoo uunan hadda hal kursi wax saa u badan ahayn.