Dood Cilmi Baaris Musuqmaasuqa Dawladwanaagga iyo arrimo kale oo uu ka qayb gaLay Madaxwayne Gaas (Dhegeyso)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Machadka Cilmibaarista iyo Diraasaadka Siyaaasadda ee HAYAAN ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku qabtey dood cilmiyeed ama Forum uu ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland isla markaana su’aalo toos ah lagu weydiiyey.

Forumka ayaa ku saabsanaa oo intiisa badan looga hadlaayey isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka.

Waxaa ka soo qayb galay qaybaha bulshada ee gobolka Mudug sida u dhaq-dhaqaaqayaasha danaha bulshada, Dhalinyarada, Siyaasiyiin iyo Aqooyahanka bulshada.

Ugu horeyntii waxaa khudbad ka jeediyey Rooble Axmed Daahir oo ka tirsan Machadka HAYAAN, Rooble ayaa ka hadley hawlaha shaqo ee Machadka HAYAAN uu qabtey tan iyo markii lagu dhawaaqey bishii Juun 2015.

Agaasimaha Machadka Cilmibaarista iyo Diraasaadka Siyaaasadda ee HAYAAN Sharmarke Maxamed Faarax ayaa madaxweynaha Puntland ku soo dhaweeyey dood cilmiyeedka waxaana uu su’aashii ugu horeysey weydiiyey Madaxweynaha ay ahayd markii uu ku guuleystey xilka Madaxweynaha 2014 waxa uu ballan qaadey in uu is-beddel ku samaynaayo afarta qaybood ahaa:

Isbeddelka Amniga
Dhaqaalaha iyo Maaliyadda
Shaqaalaha Dowladda
iyo Caddaaladda

Madaxweynaha Puntland ayaa u amaaney Machadka Cilmibaarista, Diraasaadka Siyaaasadda ee HAYAAN, hawsha uu hayo, waxaana uu sheegay in ay Horseed u noqdaan cilmibaarista dalka. Dr Cabdiweli Cali Gaas oo ka hadlaayey is-bedaladii uu ballan qaadey ee afarta ahaa ayaa sheegay, in dawolad wanaaga oo dhan uu ku xiran yahay hay’adaha Dawliga ah, loona baahan yahay hay’ado awoodleh ee aan loo baahneyn rag ama dumar awood leh.

Isbeddelka shaqaalaha ayuu ku tilmaamey in ay iska yar tahay shaqaaleysiinta Dawladda, laakiin wixii fursad ah ee soo baxa dadku waa u tartamayaan mid xor ah, nidaamkaasna ay hirgeiyeen inkasta oo qaababka imtixaanka loo qaado ay u baahan tahay in dib loogu noqdo, si loo helo qofkii saxda ah. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in uu heer wanaagsan marayo tirokoobka shaqaalaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in laamaha caddaaladda ay ka heleen arrimo la yaableh oo ay ka mid tahay, dad aan u qalmin in ay xaakimiin yihiin, kuwaas oo badankood shaqada laga saarey.

Isla-xisaabtanka & Hufnaanta

Madaxweynaha Puntland ayaa wax laga weydiiyey isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka, Dr Gaas ayaa sheegay in dalkasta uu ekaanayo sida ahya’adihiisu u egyihiin, waxaana uu hoosta ka xariiqey in dalal badan oo ah kuwa adduunka ugu kheyraadka badan dadkoodu yihiin kuwa ugu fakhrisan adduunka, taasna ay keenayso hay’adaha dalkaasi lee yahay oo tabcaan ah, Waxaana uu is barbardhigay Singpore, Kuuriyadda Koonfureed iyo Hong Kong oo aan wax kheyraaad ah lahayn halka Kongo Kinshasa (Zaire) iyo Soomaaliya ay yihiin dalal dadkiisu fakhri yihiin dhulkuse qani yahay. Madaxweynaha Puntland ayaa sal uga dhigey horumarka sida dalkaasi hayadihiisu u yihiin kuwo adag oo awoodleh.

Barnaamijkan ay soo qaban-qaabisey Hay’adda HAYAAN ayaa socdey in ka badan hal saac, waxaana Madaxweynaha su’aalo weydiiyey dadkii ka soo qaybgalay waxaana ka mid ahaa dadkii su’aalaha weydiiyey.

Prof Maxamed Jama Salaad
Siciid Cabdi faarax . duqii hore Gaalkacyo
Asad Cabdi Shire
Caasho Xuseen Nur Dirir
Jacfar Yusuf Cabdalle Gudoomiyaha dhalinyarada Mudug

Su’aalaha ugu badan ee la weydiiyey Madaxweynaha ayaa u badnaa, arrimaha musuq-maasuqa, dadka haya shaqo aysan u qalmin, qaabka uu dadka uu xukumo u fahmo, ma kuwareertaa maarka qaarkood?, ka qayb gelinta dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxa shaqoyinka dib u dhiska dalka iyo caddaaladda, la xisaabtanka wasaaradaha oo mid kasta maain la siiiyo.

Dhegayso Barnaamijka oo dhamaystirsan


Hayaan Gaalkacyo

hayaan

Hayaan2

Hayaan4

Hayaan5

Hayaan6

Hayaan7

hayaan8

One Response to Dood Cilmi Baaris Musuqmaasuqa Dawladwanaagga iyo arrimo kale oo uu ka qayb gaLay Madaxwayne Gaas (Dhegeyso)

  1. Pingback: Shaqada Raysalwasaaraha Iyo Madaxwaynaha Mida Ugu Wanaagsan (Fallanqayn Kooban) | Puntland Observer