Dooda Faysal Cali Waraabe ee Ah Daarood Halaga Dhigo Sida Oramada Itoobiya(Qoraal kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |
Vector Cartoon Bowling Madness with Crazy Face and Hands

Vector Cartoon Bowling Madness with Crazy Face and Hands

Faysal Cali Waraabe oo ah nin aan daganayn oo fudfud, ayaa ku dooda in beesha Daarood ay Soomaaliya ka noqdaan levelka oramada Itoobiya.

Qabiilka Oramada ayaan hogaammin dalka Itoobiya 5-tii boqol ee sano ee lasoo dhaafay,.

Waxaa loo nisbaynayaa in ay dalalka reer galbeedka taageerayeen qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega.

Waxaa kaloo jira in dalalka soo koraya wadankasta awoodda siyaasadda loo dhiibto qabiil kamida qabiilada dega oo markaas lagu taageero.

Ujeedada ayaa ah in awoodda siyaasadeed ee dalka si dadban lowgu dhiibto koox saasna lagu maamusho siyaaadda dalalka soo koraya, oo kooxda loo dhiintay ay noqdaan amar qaatayaal fuliya wixii lagu amro.

Bal u fiirso dhammaan dalalka jaarka la ah Soomaaliya. mid walba waxaa siyaasadda haya qabiil ama koox lagu waardiyeeyo.

Tusaale sacuudiga beesha Aala Saud gabigooduba waa 4000, halka sacuudiyaanku ay yihiin 30 million, dhamaan dalalka carabta waa sidaas si le’eg.

Waliba waxaa ugu xun siyaasiyiinta ay talada ku waardiyeeyaan Chiniiska iyo Ruushka, oo iyagu ninka ay talada u dhiintaan waa kaligi taliye manaxe ah.

Tusaale, Zimbabwe, Suudaan waxaa madaxdaas xukunka ku waardiyeeya China.

Syyria, madaxwayne Asad waxaa waardiyeeya Ruushka, hal wiig dalka ma haysteen.

Itoobiya Tigreega waa lagu waardiyeeyaa, oo Oramada 40 million ah waxba iskama dhicin waayin.

Kenya waligeed waxaa xukunka loo dhiibtay labada Qabiil ee kala ah Kikuyu iyo Kalenjin.

 

Waxaa kaloo iska cad in aan dalalka soo koraya laga yeelayn in ay si dimoqraadiyada isku maamulaan.

Hadaba Soomaaliya.

Dadka Soomaalidaa waa dad  cadaalad ku noola oo aan marna yeelayn cadaalad daro.

Waana sababta loo badinayo in ay Soomaaliya dawlad uga dhallan wayday muddo 30 sano ah, ee taa badalkeeda marba madaxwayne cusub ama la dooranayay ama hadba uu hogaamiye kooxeed magaalo qabsanayay, balse laga diidayay.

 

Hadaba Faysal xigmad Yare ayaa goobaha lasoo istaaga Soomaalidu hadday ogalaadeen in Tigree u taliyo, oo Kenyaan U taliyaan Anaga reer Sh isxaaq iyo Hawiye waa in aan u talinaa Daaroodka, waayo inagaa dagaaladii sokeeye ku adkaanay.

Caqliga uu wado, waa shaxda aan dusha ku sharaxay iyo in qabiil dulmiyo qabiilada kale.

Wuxuunan ogayn laba arrimood.

  1. Dhiigga Soomaaligu dulmi waligiis ma yeelayo
  2. Maxay ka faa-iideen Tigreegii talada Itoobiya soo hayay 27-ka sano, maanta wataas Itoobiya colaadda la riman qarkana usaaran in ay burburto, sidoo kale Sacuudi waa sidaas si lamida, aakhirana su’aalo badan waa danbeeyaan.

Isku soo duub Soomaali ina walaalo wuxuu ku dhaamo la waa, mana ahan dad yeelaya in ay is dulmiyaan, waase laga yaabaa nin hogaamiye kooxeeda in uu ayaamo magaalo ku haysto hub iyo saanad ay gacmo shisheeye soo siiyeen.

4 Responses to Dooda Faysal Cali Waraabe ee Ah Daarood Halaga Dhigo Sida Oramada Itoobiya(Qoraal kooban)

  1. Pingback: Qoraal Muhiima Xalka Soomaaliya, Iyo Fallanqayn Hadalkii Faysal Cali Waraabe | Puntland Observer