Qoraal Muhiima Xalka Soomaaliya, Iyo Fallanqayn Hadalkii Faysal Cali Waraabe

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Akhri qoraal aan ka qornay Faysal Cali Waraabi 23.1.2018 Dooda Faysal Cali Waraabe ee Ah Daarood Halaga Dhigo Sida Oramada Itoobiya(Qoraal kooban)

Faysal Cali waraabe ayaa waraysi uu siiyay Tv Horn Cable wuxuu aad uga hadlay arrimo qabyaalad daaran oo uu leeyahay Jamaal Wasiirka qorshaynta oo beesha warsangali kasoo jeedo ma sheegankaro Sool iyo Sanaag iyo arrimo kale oo uu leeyahay ma wuxuu moodday jubbooyinkii ay beeshiisu taangiyada Kenya ku qabsatay, arrimahaas oo muujinaya qabyaalad cad, daawo waraysigaas.

Faysal Cali waraabe ayaa waraysigan arrimo badan oo aan P/O ku fallanqayn jirnay ku bayaaniyay.
Waxaase ugu darnayd mar uu leeyahay har iyo habbeen baan arrinkaan ajaanibta u sheegnaa.

Doodda xadka Ingiriiska.
Haddii uu Faysal leeyahay waxaan la go’ayaa deegaanada inta ila fikarka waa xal oo calaa aqali waxaa meesha ka bixi lahaa dagaaladan iyo qorigan lala cararayo, laakiin meesha uu dhibku ka imaanayo waa reero Soomaaliyeed oo aan ogalayn in Soomaali lakala gooyo baan deegaanadooda qori caaradiis ku qaadanayaa, hadana reerkaas waa reeraha ugu tirada baddan Soomaalida oo qudheedu dhibkeeda leh waayo hadday reer tabardaran ahaan lahaayeen waa isdhiibi lahaayeen.

Dooda xadkii ingiriiska waxay la mid tahay oday magaciisa la yiraahdo Soomaaliwaqooyi oo gabdhihiisii uu dhalay qaar ka mida uu nin (ninku waa Ingiriis) xoog ku guursaday, sanado kadibna xoog looga furay ninkiina uu gaboobay oo uunan hadda awood lahayn uu mardanbe xoog ugu guursado dumarkii u xoogga ku qabi jirray (ninkaas waa Ingiriis oo iska daa cid uu xoog ku qabsadee dalkiisii baa qaar ka go’ayaan, oo ingiriis maanta dal xoog kuma qabsan karo), oo nin kale ay isguursadeen gabdhihii oo ay ilma farabadan u dhlleen ninka danbe waa xoriyaddii Soomaalida iyo calanka Buluuggaa.
Haddii markii caruurtii ay dhalleen islaamihii hore ee xoogga loogafuay ninkiina hadda uu da’ah yahay ninkaas oo ay qaar kamida ilmihiisii ku doodaan hooyadeen waxaa qaba Ingiriis, qaarna ku doodaan hooyo wali waxaa qaba Calanka Buluuggaa, oo ingiriis sow kii hooyo xoogga looga furay goormuu dib u guursaday, goorma ayuuse hooyo furay calanka Buluuggaa.
Haddii ay marka dooda saas tahay waa adagtahay waa ijiid aan ku jiiddee iyo gacmo daallis, oo waakan hadda dooddaas 28 sano socota mana ahan wax fudud.

Soomaalidu waa qawmiyad qura, waxaana laga dhaadhiciyay in ay qabiilo yihiin oo qabiil qabiil isku dulmiyaan.

Wuxuuna Faysal Cadaynayaa sababta uu deegaanada Soomaaliland ula go’ayo in ay ay qabyaalad daaran-tahay.

Waxaa maapka hoose sameeyay Ingiriiska iyo talyaaniga oo xiligaas calaamadiyay halka ay xiligaas beelaha Soomaalida ku kala sugnaayeen, hase yeeshee wixii ka danbeeyay beelaha Soomaalida waa is dhexgalleen oo deegaanadii waa la isaga durkay.

Wax maapa oo asala oo xaqiiqda u dhaw maapkaas hoose ayaa jira, inkastoo maanta ay waxbadan is badalleen hase yeeshee hadana waxa ugu badan ee la isaga durkay waa illaa 80 km wax noocaasa inta kale beeluhu waa sidoodii.

Marka haddii Faysal iyo qolooyinka fikirka gooni isutaagga aaminsan uu fikirkoodu qabiil daaranyahay, sidee ayay ugu suuroobaysaa in ay qabiilada hartiga ee wax ka dega deegaanada uu Faysal sheeganayo u aaminayaan kooxahaas sidaas xag jirka u ah.

Sow caqli xumo iyo waqti dhumis ma ahan fikirka gooni isutaagga, oo Soomaalidii masaakiinta ahaydna waqtigay ka qaadayaan, iyana usuuroobimayso fikirka qaldan.

Hadana qolooyikaan Faysal horboodayo Soomaalidii masaakiinta ahayd ayay ka hor istaageen in ay qaran dhistaan muddo 28 sano ah, hadana waxaan caqli xumo ahayn masoo kordhinayaan.

Dooda Jubbooyinka ee uu faysal ka hadlay iyadana iyadoo qoraal qoraa ingiriisa uu qoray halkaan hoose ka eeg.Beelihii Deganaa Jubbaland 1913 (Boni, Gale, Somali Darod, Somali Isaaq, Hawiye iyo Dir) Akhriso wixii ingiriisku xiligaas ka qoray dadkii daganaa Jubbaland oo lasoomaaliyeeyay: Qoraa F. Elliott

Xalka Soomaaliya 100 jeer baan cadaynay.

Xalku ma adka ee anagaa dhibka wadna.
Dadka Soomaalidaa waa dad illaahay nasiib u siiyay in ay noqdaan qowmiyadda kaliya ee iyagoo hal luuqad wadaaga dhul intaas tira le’eg illaahay siiyay, dhulkuna waliba qani yahay.

Waxaa ugu wanaagsan in dawlad-gobaleedyo federaala la sameeyo, oo awoodda inteeda badan la siiyo dawlad gobaleedyada, taasi oo aan waxba ka hoosayn haddii Somaliland la aqoonsan lahaa, waayo markan danbaba awooddii deegaanadooda ayagaa tala keen ka ah.

Somalia_tribes1977

One Response to Qoraal Muhiima Xalka Soomaaliya, Iyo Fallanqayn Hadalkii Faysal Cali Waraabe

  1. Waa doqon maangaab ah. Shakhsiga wax garadka ah waa kan dantii yaqaan. Maskax shiyeeye udeege adiga ayaa udhutin doona. Sababtoo ah, Shisheeye is too far for us, laakiin isaaq waa tan inoo dhaw. Wixii lakala helo waa la arki doonaa. Aqli malahan dantoodana ma yaqaanii!

    Mustaf
    January 31, 2018 at 5:47 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *