Doorashadda Maamulka Ximin iyo Xeeb oo lagu dhawaaqay inay dhacay Bisha 6aad 2013 iyo Musharaxa Cusmaan Dheere oo reer Finland ah oo safka hore ah

Filed under: Wararka |

cusmaandheere

Doorashada madaxtinnimo ee maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya ayaa la qaban doonaa dabayaaqada bisha June ee sanadkan, mas’uul sare oo ka tirsan maamulka ayaa u sheegay Bar-kulan.

Wareysi gaar ah oo ay la yeelatay Bar-kulan, afhayeenka baarlamaanka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Xagafey ayaa sheegay in toban musharrax ay soo gudbiyeen araajidooda si ugu tartamaan madaxtinnimada bisha June.

Xagafey ayaa u xaqiijiyay dadweynaha in doorashada ay noqon doonto mid xor ah oo caddaalad ah.

Madaxweynaha haatan ee Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiicey), ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdullaahi Macallin iyo Xagafey uma tartami doonaa doorashada.

Tiicey, oo xilligiisu uu dhammaanyo bisha June ee sanadkan, ayaa xilka qabtay June 2008, dib ayaana loo doortay October 2010 isagoo mar labaad noqday madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb.

Illaa iyo hadda Musharaxa ugu Cad Cad waa Cusmaan dheere oo kamidda Qurbajoogta illaa 1990 kunoolaa dalka Finland isla markaanna kamid ahaa aqoonyahankii waxka dhisay maamulka Ximin iyo Xeeb.

Cusmaan dheere ayaa geeyay Degaamadda Ximin iyo Xeeb Mashaariic ay kamidyihiin Iskuulaad laga hirgaliyay degaanadda Ximin iyo Xeeb iyo mashaariic kor lowgu qaadaayo kobcinta Deegaanka iyo dhirta iyo Daaqa.

Mashaariicdaas oo ay maal galisay dawladda Finland

Halkaan ka eeg faahfaahin kusaabsan warbixin kooban oo musharaxa la xiriidha