Europe Oo Hadalkii Trum ee Brexit Qaybi Oo Xukun U Qaadan Karta (Qormo Gaaban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

P/O Baan ku daabici jirnay in aynan jirin wax loo barbarnigaa ka shaqaynta umad midnimadeed sida Siyaasiga ka shaqeeya Midnumada Soomaaliya, isla markaana aynan jirin wax ka xun ka shaqayn umad kala qaybinteed sida siyaasiga ka shaqeeya kala qaybinta Soomaaliya akhri maqaal aan 5 sano ka hor ku daabacnay p/o Qaybi oo xukun (Divide and rule) qaabkii ay Siyaad Barre iyo Mingiste isugu adeegsadeen, iyo Beesha Irrir Samaale oo Beesha daarood marar badan u adeegsatay (Akhri maqaal xiisa badan).

Hase yeeshee markii uu ingiriisku ka baxay midowga Europe, ayaa waxaa fikirkaa isaga ah muddo taageerayay madaxwaynaha Maraykanka Donal Trump, laakiin shalay markii ay shirka jaraa’id wada qabteen Trump iyo Raysalwasaaraha Ingiriiska Theresa May , ayuu Trum aad uga hadlay in uu waligii taageersanaa in Ingiriisku isaga baxo midowga Europe.

Hadalada Madaxwayne Trump ayaa ah runtii hadalo ay aad uga xumaan doonaan Madaxda iyo shacabka midowga Europe oo markaas u arka meel ka dhac in uu Madaxwaynaha maraykanka ka hadlo midnimada wadan kale.

Trump ayaa erayadaas xanuunkooda dareemi lahaa haddii Gobol kamid ah 50-ka Gobol ee maraykanka uu ka go’ lahaa maraykanka dabaeedna ay si jees jeesa u taageeri lahaayeen madaxda Midowga Europe Gobalkaas maraykanka ka go’ay.

Puntlandobserver Desk