Faarax Macalin oo arrimo badan oo xaqiiq ah ka hadlay( Soomaalidu waa Kushitig, Ayrish iyo Yahuud waa la yasi jiray maanta ayagaa aduunka haysta, Soomaaliyay walaa Ingiriis walaa cid kale cidna idin caawin maystee dantiina raacda)

Filed under: Important News,Wararka |

Faarax Macalin waa nin Soomaali asala oo aan runta cidna uga gaban ee banaanka ka sheega waxa uu rabo.

20 sanaan idiin sheegayay in mu’aamarad naloo ciyaarayay oo la doonayay markaan gaajo u baaba’no in aan is dhiibno oo diinta iyo dhaqanka nakala badalo.

Nin yahuuda oo aan diyaarad isla soo raacnay baa iiga sheekeeyay sida Yahuudda loo yasi jiray, illaa ay shaqaysteen oo bayac mushtar iyo jaamacado samaysteen oo maantana ay aduunka haystaan.

Marka Soomaaliyay waxaan idin leeyahay isku tashada

Soomaalida waa la siri karaa laakiin muddo dheer lama siri lakaro.

Soomaaliyay kuligiin isku qabiil baad tihiin
Kenya qabiilada waa lakala garan Jalwaha waa la garan kuwa kale waa la garan.

Kan Soomaaligaa ee madaxdaa

Booran iyo adiga iyo Gabra iyo Oromo kuligiin isku si baa la idiin necebyahay, walaalkaa waa kan waa booran, wuxuu ku leeyahay dadkeenii isku midka ahaa ee Kushitigga ahaa waa nala gumaystay oo Amxaar iyo Tigree baa na gumaystay

Kuli isku mid baad tihiin

Akhri maqaalka Maxaad kataqaanaa Boqortooyadii Kushitiga (kush Kingdom, Kush impire) Soomaaliduse ma Kushitic baa asalkoodu?