Fadeexad Madaxwayne Gaas kasoo wajihi doonta xilalka uu u magacaabayo kooxihii u olalayn jiray xiligii doorashada

Filed under: Wararka |

Waxaa aad shacabwaynaha Puntland ay usoo dhaweeyeen markii Madaxwayne loo doortay Madaxwayne nin dhalinyara ah oo Qurbaawiya isla markaana aqoonyahana, waxaana shacabku ay aad ugu rajo waynaayeen in uu noqonkaro ruuxa kalliya ee shacabka hogaan xumada ku habsatay kasaari kara, abuuri kara Nidaam iyo Caddaalad la isku hallaynkaro, Mustaqbal fiican u horseedi kara Shacabka Puntland.
scales-of-injustice
Waxaase Durba billaabatay Nux nux aan la dhayalsan karrin kaddib markii uu Madaxwayne Gaas uu xilil muhiim ah u wada magacaabay kooxihii Durbaanada u garaaci jiray xilligii uu Tartanka ku jiray, tani oo aad hoos ugu dhigaysa Sumacaddiisii iyo rajadii iyo kalsoonaantii faraha badnayd ee shacabka Cadaaladda iyo Nidaamka u oomani ka filayeen.

Waxaa la isku raacay in uu shallay magacaabay Agaasimihii 10-aad ee kasoo jeeda kooxihii sida hillaasigaa Durbaanka ugu garaaci jiray xilliyadii Doorashada (Halkaan ka eeg).

Waxaase dad baddan is waydiianyaan yaa noqda Agaasime eeg Maqaalkan

Dunnida Demoqraadiyaddu ka hirgashayse yaa magacaaba Agaasimayaasha, dabcan xilligii Siyaad Barre Agaasimayaasha waxaa magacaabi jiray Siyaad Barre waayo xukunkaas wuxuu ahaa xukun kalligi tallis, laakiin Prof Gaas oo Dalka Dimoqraadiyaddu kasoo uskuntay Jaamacadaheeda prof ka ahaa in uu shacabkii kalsoonida siiyay uu kusoo celiyo Nidaamkii kaligi tallisnimada, waxay dad badani ku noqonaysaa fajac iyo ammakaag, wuxuuna Gaas ku waayi doonnaa kalsoonidii iyo aamminaaddii shacabku aammineen.

Bil xaqiiqiyan waa ay jirtaa cilladda Mallaayiintii dollar ku baxday xiligii Doorashada sidii loosoo celin lahaa oo qayb kamid ah ay Madaxdu ku maslaxeeyaan jagooyin loo magacaabo qolooyinkii soo dagaalamay, laakiin Jagooyinkaas marna kuma haboona jagada Agaasimaha, waayo Agaasimuhu waa Goobta halbawle u ah shaqo socodsiin waxayna u baahantahay aqoon durugsan waayo arragnimo, shaqsi aammin ah, ee ma ahan Jago lagu aammino karo ruux dhowr wiig Tv-yada ka hadlay, xoogaa nacamlayn iyo durbaano garaac iyo qabanqaabo xaflado taageero, waa jago u baahan 20 sano oo Khibrad shaqo oo waliba khibradda shaqada wasaaradaas looga baahanyaha leh.

Prof Gaas waxaa habboon in uu jagooyinka muhiimkaa ka dhigo tartan, ay saxaafaddu goob joog katahay sidii uu sameeyay wasiirka Deegaanka oo agaasimayaashii wasaaradda Deegaanka si caddaalada loo tartansiiyay oo markii hore lagusoo dhajiyay shaqooyinka Agaasimayaasha ee banaan shabakadaha Soomaalida ee Puntland ka howl gala, markii danbana Gudi ka madaxbanaan Wasaaradda Degaanka oo ka socda wasaaradda shaqada ay ahaayeen kuwii kala saarayay tartamayaashii Saxaafaduna min billow illaa dhamaad illaa markii la Agaasimayaasha imtixaamayay goob joog ahaa oo waliba tartamayaashii lagu kala saaray qaab Electrinic ah.

Maxaa sidaas cadaaladaa u diiday Prof Gaas.

Prof Gaas qaladaadka uu hadda fududaysanayo isagaa gadaal ka dhadhamin doona, waayo sideedaba shaqo looma raadsado ruuxa aad taqaan ee ruuxa shaqada yaqaan ayaa loo dhiibaa, ruuxa aan shaqada aqoon adiga iyo dadkii kale ayuu isku kiin dirayaa waayo isagaaba u baahan in shaqadaan la fahansiiyo 10 sano oo soo socota, dhanka kalena ruuxaad waxla jeceshay waxaa loo sahlaa in uu meel hoose waxkasoo billaabo oo soo tababarto oo marka hoose shaqo hoose ayaa lagu eeggaa, haddii uu farriid yahay isagaa gaari doona meesha sare, haddii kalena waa la iska foggeeyaa wixii aad jeebkaaga ka siin karto ayaa lasiiyaa.