Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.

Filed under: Wararka |

kunnat_en
Puntland-observer waa warbaahinta kaliya ee isku xilsaartay in ay shacabka Soomaaliyeed ee mudadda dheer nidaam la’aanta ahaa ay si mutadawacnimo ah ugu furto indhaha.
Fadlan nala shaqee oo noosoo qor qormooyin ay shacabku waxka fa iidaysanayaan si aan shacabka ula qaybsano.

Maalmahaan waxaan awoodda saaraynaa in aan soo bandhigno muhiimadda shacabka oo ismaamula oo aan kasugin in hal shakhsi ku tagri falo oo waxwalba kor looga keeno illaa shakhsigaas uu inta kibro uu xataa dalka iibsado.

Dalka Finland waxaan dhihi karnaa waa dalka aduunka ugu nidaamka wanaagsan, waxaana kunnool shacab buuxiyay wax allaale wixii loo baahnaa in ay shacab sameeyaan si horumar loo gaaro, waxaanan shacabka Soomaaliyeed kula talin lahayn in ay katusaale qaataan qaabka shacabka Finnishkaa ay siyaasadda u maareeyeen.

Dalka Finland waxaa laga soo dhisaa hoos, ayadoo lakaashanayo oo aan meelna looga leexanayn qodabadda Dastuurigaa ee lagu heshiiyay.

Maamuladda Finaldn waaxaa loo kala qaybshaa
19 ismamul Goboleed.
19 Gobol waxaa loo sii qaybshaa illaa 70 Maamul Gobaleed hooseedyo
70-kii maamul goboleedhoosaadyo waxaa loosii qaybshay 320 Dowlad hooseed ama Maamul Dagmooyin madax banaan oo dagmo kasta ay maamulkeeda shacabka degan iyagu soo doortaan

Waxwalbaa Finland hoos bay kasoo bilaammaan, 4-tii sanaba marbaa waxaa la qabtaa doorashooyinka Golayaasha Deegaanadda ama Dawaldaha hoose hadba sidaad u taqaanid, tirada xubnaha Golayaasha waxay ku xirantahay cadadda dadka ku nool degmada, waana sharci dastuuriya oo lagu heshiiyay, inkastoo ay mar-marka qaarkood dad aad u farabadan aynan dhiiban codkooda laakiin sida caadigaa markasta waxaa la isku qaybshaa dadka degmadda kunool iyo Xildhibaanadda Gole Deegaameedka.

Matalan Degmadda Espoo waxaa kunool 257000 oo qof, waxaa codaynkara ruuxii 18 sano gaara, Xildhibaanada Golaha Deegaanka espoo ee 2013-na waa 75 Xildhibaan calashaan hadii la isku qaybsho oo 257000 markaas inta 18 gaadhay oo codaysay loo qaybsho 75 Xildhibaan halkaas ayaad ka helaysaa cadada looga baahanyahay calaa xildhibaan Gole deegaaneeed.
Shakhsiga doonaya in uu ka qaybqaato u tartanka xildhibaanadda Golaha deegaanka ee Espoo, waa in uu Deganaa Degmadda illaa laba sano, waa in uu haystaa Deganaasho ama xaashi deganashaao ee uu dalka Finland ku joogi karo (Xasuusin calashaan qof ajnabiya oo wadankaba 3 sano joogay ayaa u tartami kara doorahsooyinka Golaha Deegaanka ee Degmadda labaad ee Finland ugu wayn ee Espoo, sanadkaan waxaa ku guulaystay Abdirahman Ali oo Soomaali ah oo kamid ahaa xisbiga Social Demokratic oo helay 307 Cod halkaan ka akhri
Waxaa kaloo jira Soomaali farabadan oo xataa qaar ay waddanka wax yar joogeen oo ka qaybqaatay tartanka laakiin aan hellin cadaddii codadka loo baahnaa in lagu noqdo xildhibaan Gole Deegaaneed.

Isku soo duub waa in aanu qofku dambiile ahayn, in uu deganaa labadii sano ee u danbaysay Dagmadaaas uu doonayo in uuGolaheeda deegaanka ugu tartamo , kadibna uu xubin ka noqdaa Xisbiyadda Finland ee ka tartamaya Espoo.)
Tusaalahan oo aan ugu talagalnay in ay Soomaalidda Ceeb ku noqonayso, ruux Soomaaliaya oo marka uu Gobol aanu ku dhalan joogo lawgu yeero magacyo fool foolxun sida Barakacayaasha iyo wixii lamida, halka ay shcabka Finland u ogalaadeen in uu siyaasadda ugu saraysa wadanka u tartamo ruux qaxootiya oo aduunka qaaradda ugu fog ka yimid, oo aan la dhaqan ahayn, aan xitaa wax shahaado ah wadan, aan la diin ahayn, aan la midab ahayn, waxaan filayaa in ay tani Soomaali badan tusaale wanaagsan u noqon doonto.

Marka Doorashadu Dhamaato waxaa lagu dhawaaqaa Xildhibaanadii ku guulaystay iyo Xisbiyada ay kala matalayaan, dabadeedna waxaa la-guda galaa doorashadii Gudiyadii maamulada degmada sida gudigii dhaqaalaha degmada maarayn lahaa, Gudigii Waxbarashada, gudigii Caafimaadka, gudigii Nidaaminta kaabayaasha dhaqaalaha magaalada, Gudigii Canshuuraha, adigu waa arimo Dastuuriya oo la raacayo waxa dastuurka ku qoran, iyadoo Xisbiyadu u kala tartamayaan Gudiyadaas.
kadibna Xildhibaanadu waxay iska dhex dooranayaan Mayorkii Degmada.

Qaabka wada shaqaynta Dagmooyinka iyo maamul Gobaleedyo hoosaadyada iyo Maamul Gobaleedyada iyo Dawladda Dhexe.
Sidaan hore idiinku sheegayba waxwalbaa hoos bay kasoo bilowdaan oo kor u aadaan.
Markii ay dagmo kasta soo doorato Golayaasheeda Deegaanka ayaa hadhow waxaa hadana Degmo kasta ayadoo la eegayo cadadda dadka kunool waxay kor ugu dirsanaysaa Xildhibaandii u matali lahaa Dawlad Gobaleed Hoosaadyadii 70-ja ka koobnaa.
70-kii waxau iska xulayaan cidii 19-maamul gobaleed matali lahayd, 19.kaasna waxay hoos tagayaan dawladda dhexe.

Qaabka Dhaqaalaha iyo awoodaha ay u qaybsadaan dawladda dhexe iyo Degmooyinku.
Degmo kasta waxay Canshuur ka urursataa dadka degan oo degmadaas ka diinwaangashan oo cin-waan ku leh, xataa hadday Degmo 1000 km u jirta shaqo u doontaan, marba haddii cinwaanka ruuxa uu wali ka diinwaangashanyahay degmadaas waxaa canshuurtiisa qaadanaya degmadii uu ka diinwan gashanaa ee canshuurtiisa qaadan ay mayso Degmadda uu ka shaqeeyo.
Degmo kasta Shirkadaha ka diiwaan gashan ayadaa canshurta ka qaadaysa.
Degmo kasta Dukaamadda kuyaal cuntaday iibiyaan iyadaa canshuurta ka qaadanaysa.
markii Degmaddu Canshuurta Soo ururiso ayaa waxaa jirta, Qodobo dastuuriya oo dhaqaalaha iyo shaqadda ay ku kala qaybsadaan dawladda dhexe iyo Dagmadu, matalan Caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, lacagta caydha ee dadka danyarta lasiiyo, waxaa iska dhiibaya degmadda ayagoo u isticmaalaya canshuurtii ay soo uruursheen, waxaana jira meelo ay dawladda dhexe iyaduna ay masuuliyadeedda leedahay sidda Booliska wax noocaas.

laakiin waxaa kaloo jira hadii Degmaddu Miisaniyaddii ama budjetkii ay ugu talagashay in ay sanadkaan degmadda ku socod siiso uu kayaraado canshuurihii ay dagmadu kassoo uruurisay, markaas deeq iyo dayn labadaba waxay ka helaysaa Dawladda dhexe. Kolaba waxaa muhiima wixii dastuuriya ee lagu heshiiyay qaabka shaqadda loo qaybsanayo.

Baarlamaanka Dawladda dhexe.
Baarlamaan Dawaldad dhexe ee Finlad wuxuu ka koobanyahay 200 oo Xildhibaan, Doorashooyinka Tartanka Xildhibaanadda Dawladda dhexe 4-tii sano mar baa laqabtaa.
Shuruudaha ka qaybqaadashadda. Waa in 18 nano ugu yaraan jiraa ruuxaas, in aanu wax dambiya galin maxkamadna aynan xabsi ama ganaax ku xukumin, in uu haysto Dhalashadda Finland, in uu Finland deganyahay.
Cadadka xildhibaandda dawladda dhexe lagu soo dooranayo lagu galo, waxaa hadba loo qaybinyaa dadkii codeeyay tiradooda oo loo qabshay 200 ee xildhibaan matalan shacabka Finnishku waa 538000 laakiin waxaa codayn kara wixii kawayn 18 sano markaas ayaa hadana waxaa kaliya oo hadana 200 loosii qaybinayaa inta codaysay waayo marar waxaa jirta aan xataa 40% dadku aynan codayn, marka intii codaysay ayaa loo qaybiayaa Tartamayaashii Xisbigga u tartamayay.

Sanadkii lasoo dhaafay Soomaali baddan baa u tartantay in ay kammid noqdaan Xildhibaannada dawladda dhexe ee Finland maadaama ay Finkand daganyihiin illaa 15000 oo Soomaaliya.

Gabadh ugu cad cad ee dhowr jeer ka qaybqaadatay tartanka doorashooyinka baarlamaanka finland waa Sahra Abdulle oo aad ugu dhawaatay in ay ka mid noqoto xubnaha baarlamaanka Finland waxayna ka mid tahay xisbiga Cagaarka.

Markii Doorashadda baarlamaanku Soo gabagabowdo ayaa lagu dhawaaqaa Cadadda xisbiyadii ku guulaystay Doorahadda Baarlamaanka waxaana qaata raysal wasaaraha Xisbigii hela 50& Codadka baarlamaanka, hadiise hal xisbi uu ku guulaysan waayo, xisbiga ugu codka badan ayaa soo xusha Xisbiyo kale oo ay wadaagaan xukuumadda la dhisidoono, markaas ayaa xisbiyadaas qayriinka kusii qaybsadaan Wasaaradaha iyo Xisbiga Raysalwasaaraha Qaadanaya, dabcan Xisbigii ugu codka badnaa baa qaadanaya Raysal Wasaaraha hadana waa in ay ku heshiiyaan.

Sidoo kale 5 sanaba marbaa la qabtaa doorashadda Madaxwaynaha.

Waxaana Finland kala madaxbaan.

Golaha Sharci dajinta.
Golaha garsoorka
Golaha Xukuumadda.
Madaxtooyadda.
Saxaafadda.
Dhaqaalaha.

Midkasta Dastuurka ayaa siiya masuuliyadda iyo shaqadda loo ig-maday, mid kuboodi kara ama hawaysan kara shaqa aanu lahayn sidda soomaaliya ka dhacda majirto.

Waxaan Filayaa in ay Shacabka Soomaaliyeed ruuxii akhriyaa maqaalkan kooban uu u noqon karo tusaaale fiican oo ku dayasho mudan, isla markaana hadii Soomaaliddu tusaalahan ay qaadan lahaayeen ay wadadda horumarka cagta saari lahaayeen.

Qoraalkan wuxuu gooni u yahay Qoraaga, Puntland-observer waa ay usoo daabacaysaa ruux kasta oo Fikirkiisa dhiibanaya hadii aanu Caadifad wax dumisa xambaarsnayn
Diyaariye
Ibraahin Sh Maxamed gablax oo Finland ku nooqlaa illaa 1990.
gablax@yahoo.com

 

One Response to Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.

  1. Pingback: Is bar Bar Dhig Nidaamka Doorasho ee Maraykanka Iyo Finland Kee Hanaan Cadaaladeed U Dhaw | Puntland Observer