Gudoomiya Kuxeenkii Hore ee Gobalka Mudug: Markii aan Golaha Deegaanka Ka Tirsanaa Baan Soo Jeedinay In Xaafadaha Guryahah Ku Yaal La Tiriyo Oo Meeshii 51% Ay Reer Galmudug Degaan Ay Galmudug Maamulaan xaafaddaas, Meeshii 51% Reer Puntland Degaan Puntland Maamusho (Dhegeyso Waraysi Muhiima)

Filed under: Important News,Wararka |

axmed-muuse-nuur
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa aad ugu nuux nuuxsaday in ay Galmudug 100% garadaranyihiin isagoo sheegay in ay marwalba Galmudug weerarka soo qaadaan, isla markaasna ay sheeganayaan deegaan dadka degan ay 100% reer Puntland yihiin, wax gara ku siin mayo Galmudug sheegashada dhul aynan xitaa dadba ka deganayn.

Gudoomiye Axmed Nuur ayaa sheegay in markii uu ka midka ahaa Golaha Deegaanka ee Gaalkacyo 2009 kii uu soo jeediyay in maadaama magaalada Gaalkacyo Soomaali wada degantahay isla markaana hadda ay maamulo soo kordheen in xal magaalada lagu wada dego la keeno.

Waxaan soo jeedinay in meeshii ay 100 guri kutaalba la tiriyo Guryaha meeshaas ku yaal dabadeedna haddii guryaha aaggaas ku yaal ay 51 kamida ay beesha Sacad ee Galmudug ay deganyihiin 49-kalena ay degan yihiin beelaha daaroodka, ay Galmudug xaafadaas maamulkeeda la wareegto canshuurtana ka qaadato 49ka guri ee Daaroodku leeyahay oo ay hoos tagaan maamul ahaan Galmudug nabadgalyadoodan ay Galmudug Illaaliso.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in arrinkaas uu dhanka Galmudug ka socon waayay arrinkaas.

Gudoomiyaha ayaa sheegay markii ay sanadkii hore dhisayeen wadada ay waydiiyeen Galmudug walaalayaal meeshaan ma idinkaa dega waxay yiraahdeen maya, sidoo kale Maxjarka waxaan ku iri war dhulkaan galbeedka Gaalkacyo dhulkaas maxjarku ku yaal walaalayaal wax ma ku leedihiin maya.

Hada maxaad naga rabtaan

Hoos ka dhegeyso

Akhri maqaalkan

Warbixin Dhulka Ay Galmudug iyo Puntland Isku Hayaan ee Dagaalada dhaliyay iyo Halka Uu Arrinku Salka Ku Hayo